HomeMa-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Q.2aad

Ma-hadhooyinka Xukuumadda iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed C/laahi ~ Q.2aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay 2 ½ sano jirsatay xukuumadani

sayid-MaxamedWaad fahmi kartaa halista uu leeyahay ciidan shisheeye oo hubaysan oo soo galay dalkaagii , adna aanad ka warqabin iyo sida uu ufulin karo dhamaan danaha uu kaleeyahay ilaa uu ka gaadho. Wax lala yaabo ama lafogaystana maaha in jabhadani marin karaadiso somaliland sababtoo ah; wuu garan karaa ninka jabhadka  ahi sida uu u helayo marinka xeradiisa iyo sida uu uga guulaysan karo cadawgiisa , horaa loo yidhi “ carab lo’aad caws looma tilmaamo”.

Sahankii kasoo horeeyay waxay arkeen habacsanaanta iyo kala daadsanaanta xukuumada, waxay u noqotay fursad ay ka faa’idaystaan’ run ahaantiina wuu u hirgalay qorshohoodii.

Tamartii iyo awoodii xukuumaduna waxay kusoo kaliyawday inay wargaliso dawlada deriska la ah ee Ethiopia, isla markaana ahayd yoolkii iyo bardhamaadka safarka ciidamada la sheegay in tababar loogu soo xidhay dalka Eritrea.

Haddaan halkaas ku dhaafo jabhadda iyo xaalkeeda.

Xukuumada cusbayd waxay ku mashquulsanayd; shaqaale hoosaadkii ay ugu timi xafiisyada sidii ay uga saari lahayd shaqooyinka  abaalmarinana usiin lahayd mujaahidiintii kulmiye ( magaca mujaahid  hadda wuxuu noqday eray qofkii dan lihiba isku amaano, halkana waxay ug jirtaa qoladii kulmiye mucaaradka la ahayd, oo ayagu isu yaqaan)

Madaxdii la doortay waxay ilaaween masuuliyadii ay ummadda u qaadeen, waxay kaseexdeen sugidii amaanka muwaadinka , ilaalintii dhawrsanaanta dhulka iyo  xuduudaha dalka,  hees xaliimo khaliikh ku luuqayso ayay midhaheedii kamid ahayd “ nin lagu seexdaw ha seexan”.

Maalintaa 13- Sep -2010, waxay baraarujisay shacbigii dalka ku dhaqnaa, waxaa hoos u dhacday rajadii buurnayd ee ay kaqabeen balanqaadyadii tirada badnaa ee ay sameeyeen. Dadka qaarkoodna waxaa u xaqiiqoobay male ay qabeen oo ahaa ‘ inaan kulmiye dalka ku soo kordhin doonin wax hor-u-socod ah dib-u-dhac mooyaane’ ayagoo dib u jaleecaya mudadii somaliland jirtay iyo marxaladhii ay soo martay qaarkood  ay ka jilicsanayd maalintaa, hadana aanay marna soo hungarayn ONLF iyo kuwa kale toona.

Waxayna garteen inaan cidina dalka u maqnayn xoogsato macaash iyo magac doona mooyee. Sidoo kale waxaa meesha iyana kabaxday kalsoonidii laga qabay sirdoonka qaranka oo ayagu lahaa inay soo ururiyaan,xuuraamaan ama ogaadaan xogta kusaabsan, sheegaana imaanshiyaha ciidanka qalaad ee sida sharci darada ah ku soo galay dalka.

Dadkuna weli waxay is weydiiyaan xageebuu jiray ciidankii sirdoonku, mudada ciidan shisheeye oo xadigaasi ka soo degeyeen kana talaabayeen xuduudka.

Taliyihii sirdoonku kama hadlin dhacdadani lama dhaafaanka ah, ummaddana umay soo bandhigin waxay ku qancaan.

Si kastaba ha ahaatee xeer Lr.59/2012 oo ah xeer lagu unkay haayada sirdoonka qaranka (National Intelligence Agency)

 9-Jan-13.madaxweynuhu qalinka ku duugay dhaqan galkiisa ayaa ciidankii sirdoonka u badalay haayad madaxbanaan.

Inagoo og mogaanta ciidanka ee xaalada dalka,horena usoo xusnay dhacdooyin uu ku fashilamay ayaa xeerkani waxaa kujira qodobo dhiig bax ku ah xoriyatul qawlka iyo saxaafada xorta ah.

Waxaana cadaatay in dawladu u aragto cadawgooda koowaad inuu yahay shacabkii soo doortay,noqotayna dawlad dagaal siyaasiya kula jirta dadkeedii.

Doqontu waxay leedahay baa layidhi 9 indhood, 8 kamida sokeeyahay ku eegtaa midhka soo hadhayna qodaxday iskaga eegtaa. Waxaa hadda kadhigan xukuumadeenan aan indhaha u lahayn cadawga dalka.

Waxaa kaloo  ayaan darro ah; golihii wakiilada ee loo igmaday curinta iyo dejinta shuruuc wax tar leh in dood la’aan iyo duuduub lagu dhaafiyo xeerar u adeegaya ashkhaas gaara. Tolow ma la isweydiiyay inta xeer ee duuduub lagu ansixiyay mudadii xukuumadani jirtay?!  Dood la’aan taasi waxay muujinaysaa xidhiidhka dhaw ee kadhaxeeya golohooda iyo xukuumad. Guurtida ayaga hadalkooda dhaaf.

Lasoco……..

S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco, Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories