HomeMa-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed Cabdilaahi ~ Q.3aad

Ma-hadhooyinka Xukuumada iyo Maalmihii Tegay – W/Q: Sayid-Maxamed Cabdilaahi ~ Q.3aad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

sayid-MaxamedWaa qormooyin taxane ah oo aan ku iftiimin doono ma-hadhooyinka xukuumada ee 913kii maalmood ee la soo dhaafay kuna beegay 27/januarey/2013 oo ay 2 sano iyo badh jirsatay xukuumadani.

 

2- Dagaalkii Kalshaale

Horaantii bishii December ee sanadkii 2010 kii waqtigaas oo xukuumada oo xukuumadu 5 bilood jirsatay, ayaa dhacdo labaad bar madaw kunoqotay xasiloonidii iyo nabadgelyadii dalku, kana dhacday gobalka togdheer iyo buuhoodle.

Waa ugub in beelaha oodwadaagta ahi isku qabsadaan ama ku diriraan bar biyood iyo dhul daaqsimeedka.

Bilawgii dirirta kalshaale waxay lamid ahayd dagaaladii iyo colaadihii soo jireenka ahaa ee ka dhici jiray ciidda somalida. Gundhigeeduna wuxuu ahaa baraago beesha qurilugud ay ka qodeen kalshaale inkastoo waqti danbe la aasay, laakiin u cuntami weyday deegaanka buuhoodle oo u arkayay dhul balaadhsi iyo in dhul xoolahoodu daaqayay la magaaleeyay.

Sida milgaha dhaqankeenu yahay waxaa markiiba u gurmaday oo fadhiga uga kacay damintii colaadaas abuurantay hogaamiyayaal dhaqameed iyo wax garad kale. Balse waxaa markaliya dabkii baxayay gaas ku huriyay hadalkii xaasaasiga ahaa madaxweynaha ee isugu jiray awaamirta uu ciidanka farayay, baaqa iyo hanjabaada ee uu ka horjeediyay fadhigii wada jirka ahaa ee labada aqal ee baarlamaanka.

Khudbadani oo u muuqatay mid ay kujiraan qorshayaal dahsoon waxay kicisay dareenka muwaadiniinta qaarkood, waxay dagaal beeleedkii u rogtay dagaal siyaasadeed.

Sidoo kale ciidanka qaranka oo fadhiisimo ka samaystay ,faranna ka dhigtay goobihii lagu muransanaa. Ayagoo qaadanaya amarkii madaxweynaha oo ah taliyaha guud ciidanka (commander-in-chief).

Udhawaanshiyaha goobta dagaalku ka holcayay xuduudka aynu la wadaagno dalalka somaliya iyo Ethiopia ayaa saaciday inay gacmo siyaasadeed kale dhakhso u soo galaan dhabarkana kasoo riixay beeshii buuhoodle. Ayagoo ka faa idaysanaya hadalkii madaxweynaha.

Qaska jaha wareerka mandaqada geeska afrika iyo guud ahaan qaarada madaw ka taagani ma jirto meel ka badbaaday, walaw melba uu heer ka joogo.

Waxaana sida noolaha yar ee ili maqabatayga ahi u galo unugyada jidhka uu ugu jiraa gobalada, degmooyinka, magaalooyinka iyo goobtay laba qof wax kabadani joogaan. Imaanshiyihii ciidanka qaranka iyo siyaasadii xukuumada ee soo faragalinta beelihii hirdamayay lama mahadin.

Sidaan hore usoo sheegay waxay albaab u noqotay dad la’aa afaaf ay ka burburiyaan midnimada iyo walaaltinimda dadka ku dhaqan dalka.

13-12-2010 ka waxaa dagaal ku soo qaaday ciidankii qaranka ee fadhiisimahaa la dajiyay jabhadaii SSC oo laga hagayay mid kamida caasimadaha gobalka, dana gaar ahaaneed iyo siyaasado qarsoona ka lahayd.

Hadaba khaladkii iyi gafkii ugu waynaa wuxuu dhacay markii ciidanka qaranku ku milmay beelihii dagaalamay iskuna daray si aan kala sooc lahayn jabhadii iyo beel kamida beel beelihii dirirtu dhexmaraysay, ayagoo labada beeloodba ahaayeen reer somaliland. Taasi waxay sii kala fogaysay dadkii deriska ahaa waxayna meel kaga dhacday karaamadii iyo haybadii ciidanka, waxay sidoo kale galaafatay nolasha boqolaal shicib iyo ciidanba leh, waxay somaliland ka dhigtay meel colaado kajiraan.

Waajibaadka ciidanku waa inay difaacaan, ilaaliyaan xuduudka dalka iyo duulaanada debedda kaga imaanaya.

Balse waxaa isweydiin leh markii lageynayay ciidanka aaga labada beelood isku hayaan maxaa laga difaacayay dalka?

Kala dhex galka, xalinta khilaafka iyo daminta shaqaaqadaba waxaa ka shaqaynayay oo ku hawlanaa oodayaasha iyo hogaamiyayaasha duubka u sita nabada iyo dhaqanka. Tan macnaheedu maaha inaan u jeedo in nabad gelyadii dalka oo dhan ilaalinteeda iyo wax ka qabashadeeda aan gacanta u galiyay odayaal haba yaraatee aan wax awood fulineeda lahayn, waxaase shaqada duubku yahay xal u helida iyo kala dhex galka dadka iyo beelaha arimahooda ka baxsan siyaasada iyo dacwadaha maxkamadaha loo gudbiyo.

Sidaa daraareed waxgaradkii iyo cuqaashii isu xilqaamay soo af jarida colaadaa, way dhamayn karaayeen haddii fursad loo siiyo iyo kalsooni buuxdo, waayo xabadi colaad ma damiso.

Dhulkaas (aaga Buuhoodle) waqtigaas waxa uu ahaa dhul somaliland oo ay kala riixanayeen laba beelood oo somaliland u dhashay, balse maanta waxaa sheeganaya maamul!. ……..Lasoco………???

S/Maxamed C/laahi Xasan

Burco,Somaliland.

Sayidmaxamed22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories