Home"Ma Doonayno Inaanu Wakhtiga Ku Lumino Wada-hadallo aan Midho-dhal Lahayn" - Wasiirka...

“Ma Doonayno Inaanu Wakhtiga Ku Lumino Wada-hadallo aan Midho-dhal Lahayn” – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ka dambeeyey go’aan ay dhawaan ku sheegtay inay dhankeeda ka joojisay wada-hadalladii u ka dhexeeyay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd oo u warramay warbaahinta Somaliland Chronicle, waxa uu xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ku eedeeyey inay marin-habaabisay ujeeddada rasmiga ah ee Somaliland ka leedahay wada-hadallada isla markaana ay u samaysay weji kale oo tilmaamaya inay wada-hadalladu yihiin dib-u-heshiisiin labada dhinac ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd

Dr Ciise Keyd oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey sababaha keenay go’aankan ka soo yeedhay Xukuumadda Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Ujeeddadii laga lahaa wada-hadallada bilowgiiba waa la majaro-habaabiyey, mana aha mid qarsoon midho-dhal la’aanta wada-hadallada, marka runta laga hadlayana dhinaca kale kama muuqato inay wada-hadalladu ka go’an yihiin, waxaanay isku dayeen inay sameeyaan si kasta oo ay u majaro habaabinayaan hadafka wada-xaajoodka oo loo tarjumay dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo Soomaaliya.” Sidaas ayuu yidhi Dr Ciise Kayd.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray, “Danaha Aasaasiga ah iyo qaabka ay Wada-hadalladu u socdaan maaha kuwo Somaliland dani ugu jirto, waxa jira arrimo kale oo muhiim ah oo u baahan inaanu xoogga saarno; ma doonayno inaanu wakhtiga ku lumino wada-hadallo aan midho-dhal lahayn,”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo xilliga waraysiga lala yeeshay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia xilli uu ku sii jeeday safar shaqo uu maanta ku gaadhay magaalada Taipei ee caasimadda dalka Taiwan oo uu marti-qaad ka helay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu sidoo kale waraysigan kaga hadlay muhiimadda xidhiidhka dublomaasiyeed ee ka dhexeeya Dalka Taiwan, waxaanu xusay inay xukuumad ahaan qorsheynayaan inay si buuxda ula wareegaan maamulka Hawada sare oo ay ka caawinayso dowladda Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories