HomeMa Dhisnaa Berri? - W/Q: Faadumo Buuni

Ma Dhisnaa Berri? – W/Q: Faadumo Buuni

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Faadumo Buuni

Dhisidda maantu, waxay inagu hoggaaminaysaa in aynu si wacan u dhisi karno berri. Dhisi kari mayno berri, haddaynaan maanta ka shidaal qaadan. Haddaynaan halka aynu fadhinno ka kicin, suurto gal maahaa in aynu berry dhisno. Haddaynnu dadka xumaantooda ka shaqaynno, guuldarradooda ku faraxnno. Daadinta dhiiggoodana dhago-Nugayl u yeelanno. Iskudirkooda ka shaqaynno. Kala kaxayntoodana ku tallaabsanno. lagama yaabo in aynu iyaga iyo innaguba hagaagnno oo aynu hiigsi yeelanno.

Hayaan dheer iyo u hagar-bixid bay inooga baahantahay dhisidda berri. Beerista han fog iyo himilo wanaagsani waa halka laga bilaabayo hirka aynu rabno in aynu gaadhno.
Dadka aynu jacayl ku dhex beerno, kaasi oo carradiisu nafaqaysan tahay. Warraabkiisu yahay mid maalinle ah si ay jirridiisu u adkaato. Caaleemaha uu bixinaayaana, noqdaan kuwo soo saaraya midho wacan.

Yeynaan sugin inta, hebel iyo heblaayo ina hagaajiyaan ee ay ina toosinayaan, balse aynu ka bilowno hagaajinta iyo toosnaanta, nafaheenna iyo u hagarbixidda weliba hogotusaalaynta hankeeda iyo horumarkeeda.

Haddaynaan, sidaas samaynin waxaynu noqon doonaa daawadayaal. Afkalaqaadna ku noqdo dadka horumarkoodu. Waxaynu inbadan is waydiin doonaa goorta ay gaadheen horumarkan aadka u baaxadda wayn iyo waqtiga ay siiyeen. Innagoo tii la yaabban uunbaynu haddana arki doonaa horumarkale oo ka sii wanaagsan kii aflaqaadka inagu noqday. Halkaasina waa halkii la inagaga dhaqaaqi lahaa. Waa halkii aynu dibinta ruuggi lahayn. Waa halkii aynu dib u milicsan lahayn waqtigii badnaa ee inaga lumay. Haa. Waa halkii aynu iswaydiin lahayn toloow miyey soo noqon doontaa waqtigii aynu dayrinnay.
Waxaynu inteenna badani nahay, sugayaal, suga dadka kale waxay soo sameeyeen. Waxaynu nahay adeegsadayaal, adeegsada waxay dadka alifeen.

Badanaa oo haddana badanaa, awoodaha Rabbi ina siiyey ee aynaan arkayn isla markaana luminay. Keliya waxa inoo muuqda awoodaha dadka kale. Waxanu se’ haysannaa fursado badan oo aynu kaga faa’idaysanaynno awoodaheenna Rabbi inagu mannaystay.

Ugu danbayn in aynu si wacan u dhisno berri waxay ku xidhantahay; In aynu ka tagno waxkasta oo inaga qaloocinaya ama inaga duminaya dhismaha berri. In aynu waqti siin waxkasta oo dib u dhigaya horusocodka iyo himilada dhisamaha berri; in aynu joojinno, waxkasta oo aynaan ku faraxsanayn sii wadkiisa; In aynu ka tanaasulnno waxkasta oo aan u fiicnayn mustaqbalkeenna iyo aayaheenna danbe, una taanaasulno waxkasta oo u wanaagsan anbaqaadka iyo aayaheenna danbe.

Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland
libaaxo.77@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories