HomeMa Danbaa Ma Dawbaa

Ma Danbaa Ma Dawbaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blankblankblankblankShaashadaha tiifiyada dalka hadaad dhugatid ayaamkan waxa aad ugu badnaa haweenka oo ka hadlaya arimo siyaasadeed,  ololaha musharixiinta doorashooyinka baarlamaanka iyo madax tinimadaba. Indhahaaguna waxey qabanayeen iyagoo in baden u dano seegay soo dhaweynta musharaxiinta ku loolamaya jagada madax weyne, ee dadka abaaruhu taabaaleeyeen, iyana naf kasii dayaya, masiibooyinka jirana u badelaya Fursado ay ku kasbadaan taageerayaal ee I arkaay I maqlaayda ku wareeriyey dadkii.

Amaba iyagoo shir jaraa,id qabanaya oo leh “xisbi hebel baanu taageero u nahey haddaanu nahey ururka Ganbooleyda ee Car-dhawaaq” amaba ka hadlaya arimaha is diiwaan galinta iyo muhimada ay hadhaw leedahay, oo waliba dadka soo ururinaya oo kala maamulaya.

Haddaba waxa cad oo aan caad saarneyn in haweenku sidoodaba yihiin cida u badan ee codadka bixisa, ololayaashana si mug leh uga qeyb qaata, mararka qaar marka laga fursan waayana shandadahooda ayaa loo dhacaa si looga helo xoolo lagu burburiyo ololayaasha dadka lagu kala jiidanayo.

Taasoo jirta haddana miyaaney tu acuudu bile ahayn in aan  waxba loo quudhin iyana aaney waxba raadsan!, kaba soo qaad gabadhbaa u damqatay dalkeeda oo is tiri bal meel kale wax uga soo goyn mayside siyaasadan iyo dawladan dhinac ka raac, amaba han siyaasadeed oo iyada u gaara yeelatey, deedna Raggii iyaga ba in baden loo carareyay ee abaalka looga fadhiyey ayuunbaa  af buuxa ku odhanaya “Nimankiibaaba loo taag la,aabee adiga xageenu ku geynaynaa”. Miyaaney aheyn tii shaley iyo doraad u ordeysay hadba hawshay u dirtaan, ee boqol nin ka hawl iyo karti badneynd, wegar! oo shacabka uu dastuurku ku sheegay iney yihiin muwaadiniin xaq iyo xuquuq isku mida miyaaney iyagu ka mid aheyn, marka laga yimaado wixii shareecadu ku kala kaxeysay, cajaba laka!

Bal hadaba dumaroow ama codkiina, taageeradiina, qalalamlayntiina, soo dhaweyntiina, Mudaharaadkiina iyo buraanburkiina madhxista oo meel dhigta intey xaaladu sidan dhaameyso, haddii kalena dee dadaalkiina midhihiisa gurta! Ma labadaa wax ka dhexeyaa jira?. Waa la arkaa oo dumarka xilalka muhiimka ah ka haya xukuumada waa kuwa ugu wax tarka badan, dad badana gacan siiya meesha ay joogaana ay kor u soo kacdo oo horumar la taaban karo gaadho waxa jira mansabyo baden oo haddii haweenka gacanta loo galiyo wadanka is bedal weyn laga dareemi lahaa.

Yeelkeedee hadana waatii la yidhi “Biyo sacabadaada lagaga dhargaa,e” odey ,Suldaan iyo caaqil toona meel ku gaadhsiin maayo dadaala xaaji cabaas waa gaadhaa oo waaba dhaafaaye, koley dumaroow hawli inaguma yaree waxa la jooga haatan xiligii majaraha geedi socodkeena aynu gaddiyi laheyn.

 Akhristaha sharafta mudanow markaan sidan leeyahay anigu dumarka uguma yeedhayo iney madax-weyne noqdaan amaba siyaasada faraha lasoo galaan, balse marba inta shir jaraa,id iyo kulamo hebel lagu taageerayo lagu jiro, waa siyaasad xumo, ee golaha oo laga maqnaado ama laga muuqdo waa midh lagama maarmaan ah, markaanu cod rabno noo yaaca, markaad idinku cod raadisaana waa danbi ee guryihiina fadhiya xal maaha raggoow.

 Qalinkii Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories