HomeMA DAL QABIIL AYAA LA RABAA IN LAGA DHEX-DHISO SOMALILAND IYO SOMALIA?

MA DAL QABIIL AYAA LA RABAA IN LAGA DHEX-DHISO SOMALILAND IYO SOMALIA?

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxaa la sameeyay guddi qabiil oo loo yaqaan G21, gudidaas oo la aaminsanyahay in yoolkoodu ama ujeedadoodu tahay in la abuuro dal iyo dawlad qabiil oo ka kooban: Puntland, Sool iyo Buuhoodld. Si arintaasu u hirgasho, waxay gudida G21 qaadeen dhawr tallaabo oo hordhac u ah abuuridda dal qabiil oo aan ku ool khariidada Caalamka, kuwaas oo kala ah:

– In xiisad laga dhex-abuuro Federaalka Somalia iyo maamulka Puntland si Puntland xidhiidhka ugu goyso Fadaraalka Somalia

– In madaxda dhaqanka ee Beesha Dhulbahante shir loogu qabto magaalada Jigjiga, shirkaas oo la qabtay badhtamihii December 2022 lagana soo saaray go’aamo diyaarsan oo dagaal laga aloosayo Laascaanood si Sool iyo Buuhoodle looga gooyo Somaliland.

– In Beesha Guud loo diyaariyo ka qaybgalka dagaalka Laascaanood si looga jaro Somaliland kuwaas oo loo bixiyay “HUWAN,” kana kooban: Ciidamada Puntland, ciidamada qabiilka ee ka tirsanaa ciidamada Fadaraalka Somalia, gurmadyada qabiilka oo ka kala yimid: Somalia, Somaliland, Kililka 5aad ee Itoobiya iyo N.F.D Kenya iyo kooxaha argagixisada ah.

– Dabadeedna la abuuro dal iyo dawlad qabiil oo u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland

Sidaan kor ku xusan, ujeedada laga leeyahay in Maamulka Puntland u jaro xidhiidhka Fadaraalka Somalia, dagaal laga alooso Laascaanood, gurmadyo qabyaaladaysan ee Beesha Guud laga keeno Somalida degan Geeska Afrika iyo argagixisada waxa weeye in dal iyo dawlad qabiil laga dhex-sameeyo Somalia iyo Somaliland iyada oo kooxda G21 ee Beesha Guud u muuqato inay iska dhaadhicisay, beeshoodana ku wacyigelisay inaanay waxba ku lahayn xukuumadaha ka jira Somalia iyo Somaliland una nisbeeyaan reero gaar ah, taas oo runtii aan sal iyo raadtoona lahayn.

Siyaasadda kooxda G21 waxaa muuqata inay kala fogeynayaan Somalida ku nool Geeska Afrika, waxaana hormood u ah madaxweynihii hore ee Somalia, Mohamed Adbullahi Farmaajo, oo liqiwaayay guuldaradii ku dhacday markii looga adkaaday doorashadii dimoqaraadiga ahayd ee madaxweynaha ee ka dhacday Somalia Bishii May 2022 oo burburisay qorshoyaal dhagaraysnaa oo uu la galay Itoobiya iyo Eritrea sannadkii 2018, hadana isaga iyo Siyaasiyiinta Beesha Guud ay ula muuqatay inay abuurikaraan dal iyo dawlad qabiil lagu burburinayo Somalia iyo Somaliland taas oo aan marnaba suurtogal ahayn.

Somalia kama yeelayso Maamulka Puntland in dhulka Majeerteenia ee Puntland oo xuduudii Talyaaniga ay wadaagaan kana tirsan Somalia laga gooyo Somalia. Somaliland ka yeelimayso garaadada Dhulbahante in dhulka Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan dhulka Somaliland oo ay wadaagaan xuduudii Ingiriiska laga gooyo Somaliland sababta oo ah ma jiro dal aqbalaya in dhulkiisa la kala gooyo, xuduudiisana lagu xad-gudbo. Xuduudihii gumaysiga ee Afrika lama bedelikaro maadaama ay dalkasta qeexayaan baaxadda dhulkiisa, dadkiisa iyo qaranimadiisa. Sidaas daraadeed, dal iyo dawlad qabiil oo ku salaysan xad qabiil lagama dhex-abuurikaro Somalia iyo Somaliland.

Ibraahim Hassan Gagale

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories