Home“Ma bannaana waxaan ummada ballanteeda ahayn in siyar-siyar loogu xado”

“Ma bannaana waxaan ummada ballanteeda ahayn in siyar-siyar loogu xado”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Ayaan Badanaa Dhulkaygu
Aqoon daranaa Dhashiisu
Illaahay haduu Waxsiiyo
Ilowsho Dhawaa Saboolku.
blankWaxa jirta maah-maah can ah oo tidhaahda taariikhdu way soo noqnoqotaa taa macnaheedu waxa weeye wax mar hore ka dhacay dunida meel ayaa meel kale ka dhaca xilli aan xiligaa ahayn, noloshuna waxay ka buuxdaa guul iyo guul-darro labadaba, ummadi markay talo leedahay waa in ay leedahay ujeeddooyin ay maanka ku hayso.
Maanta waxaynu u dabaal degeynaa sannad-guuradii 52aad ee ka soo wareegtay xilligii ay Soomaaliland xorriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii midawday ee Ingiriiska, inagoo maanta ka joogna 21 sano la soo noqoshadii xornimadii tasawday ee 1960kii.
Maxaynu shalay qaladnay?. Maantase maxaynu doonaynaa? Maxay ku kala duwanyihiin duruufihii shalay markaynu qaldanay iyo manta? Su’aalahaas waxaan jawaabtooda u dhaafayaa shacbiga reer Soomaaliland, waxaan qabaa horumarkasta oo Aadamahu ku kaco waxa saldhig u ah halbeeg uu wax ku cabbiro. Somalilandta maanta waxay samaysatay qaynuun mideeya iyo dastuur kuwaas oo ay ku cad yihiin hannaan socodka qarannimo iyo xakamaheeduba iyadoo si waadixa u aaminsan una waafajisay qawaaniinta caalamiga ah.
Maanta ma aha maalin ay garanwaydo, hog doorkeeda, himiladeeda,& hubsiimada geeddi-socodkeeda, tubta iyo talada wanaagsan ee ay u marayso. Intaa waxa dheer, ka sheekayn maayo Sooyaalka taariikheed ee Somaliland ee wax badan laga warramay ama la hayo, Waxaan jecelahay in aan is dul taago su’aasha ah Maxaa cusub oo maanta ku soo biiray taxanihii siyaasadeed ee ka horeeyay xiligan? Dadka reer Soomaaliland waxay galeen xilligii dareenka qarannimadooda ay uga warwereen murkucasho mar labaad ku timaadda iyagoo dhibaatadooda u aanaynaya siyaasad hadoodilan oo aan hore u soo marin shacbigan habdhaqankoodii dawladnimo, qawaaniintii iyo dastuurkii ay ku soo habeen korinta qarannimadoodan curdinka ah, meesha iyo goorta isbedelka intaa le’eg ee uu ku yimid, kaas oo ah xanuun ku dhan shacbigan, xiliganna ay ku gedaaman yihiin duruufo siyaasadeed oo ilaa heer caalami ah, taasi oo
ah mid aanay ka dareen qabin kana xog la’aayeen iyagoo si lama filaan ah ugu war helay sida xaaladdu is beddeshay mar qudha.
Dalkani wuxuu lahaa golayaal uu dastuurku sar jaray awoodahooda islamarkaana isu miisaaman yihiin, kuwaas oo aan qabo in si ula kac ah loo dhaawacay siyaabo kala ged-gedisana ay u muuqato inuu u dhacay af-duub iyo ku dhaqan la’aan qaanuuneed oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii darayay, taasina ay lumisay isu dheeli tirnaantii qaran; waxa lumay is-hansigii (Trust), wada-tashigii iyo siyaasaddii caddayd (Transparency), Xisaabtankii (accountability) iyo ku-dhaqankii qawaaniinta iyo xeerarkii dalka u degsanaa.
Ummadani cuqdad kama qabto raadinta qadiyaddeeda iyo aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho dariiq kasta oo ay u marto iyo waqti kasta oo ay ku qaadato. Ereyga hada laga dhawaajinayo ee ah Danta reer Somaliland ma aha mid qeexan, mana aha tii dabarka furiddiisa lagu deg-degay loo furay waxase uu ahaa meelkasta oo uu galo ka midho dhalinta qadiyadda iyo aqoonsiga Somaliland, mana banaana waxaan ummada ballanteeda ahayn in siyar-siyar loogu xado. Waxa maanta looga fadhiyaa hoggaanka sare ee dalka in uu bulshada u caddeeyo kana siiyo xog sugan oo dhaba oo ku saabsan siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo qodobada marin habaabinta ah ee ka soo baxay shirarkii isdaba joogga ahaa ee ka dhacay London1, Istanbuul2, London 3 iyo Emaraadka Carabta, kulamadaas oo aan qabo in ay dhamaantood ku socdaan xawaare aad u sareeya oo u muuqda in lagaba deg-degayo Talo qaran oo loo dhan yahay,
Shacbiga reer Somaliland, waxaan ku baraarujinayaa, kuna wargelinayaa inay si foojigo leh uga il sugtaan ulana socdaan, dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee baryahan dambe minja-haadlaynaya kana dareen qabaan wax kasta oo qarannimadooda, gooni isu-taagooda, sharafta iyo karaamada qarannimadooda wax u dhimaya gudaha iyo dibadaba, isla markaana ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda, iyadoo ay baryahan dambe jirto talaabooyin lagu burburinayo qoowmiyadooda, ummadnimadooda, & jiritaankooda , isla markaana u diyaar-garoobaan la xisaabtanka masuuliyiinta kala duwan ee u ay igmadeen xilalka kala duwan martabad kasta oo ay hayaan, iyagoon u eegayn maskab, xisbi,& qabiiltoona.
Waxaan ku soo gebagebaynayaa, madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykanka ee George Washington waxa laga hayaa, ‘AAN WADA DHIMANO AMA MID MID AYAYNU U DHIMAN (LET US DIE TOGETHER OR WE SHALL DIE SEPERATLY) taas oo aan uga jeedo hadaydaan haybadiina iyo qarannimadiina ku ilaashan wada-jir waxa iman doonta waqti aad ka itaal yartiin oo aad u nuglaan doontaan tabaha cadawgiina, hadii kale waxa ku danbayn doontaan halhayskii abwaanka ee ahaa:-
Hore u soco dibna usoco
Hore iyo diba u soco
Darandoori jaanqaad
Maxaa daal la korodhsaday,

Wa Billaahi Tawfiiq
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
Golaha wakiilada
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories