HomeMA BANAANA IN MADAXDA MUSLIMIINTA MINBARADA LAGA CEEBEEYO

MA BANAANA IN MADAXDA MUSLIMIINTA MINBARADA LAGA CEEBEEYO

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Quraanka kariimka iyo sunaha Nebigeena (SCW) labaduba waa inay aynu ku dhaqano oo ka muujino waaqac. Maaha Quraanku mid loo soo qaato halku dhig, maahmaaho ama xikmad qof yidhi, waa qawlkii Allah (sw), Waxaana ka horeeya Quraanka inta aanad adigu dadka u sheegin horta inaad fulisay oo ku dhaqantay oo uu kaa muuqday, haddii kale adiga laftaada ayaa denbi weyn ku jira sida Allah (sw) ku cadeeyay aayad ) يا ايها الذين امنوا لم تقولون مالا تفعلون كبر مقتا عند الله  

“Dad Mu’miniinta ahow , maxaad u odhanaysaan wax aydaan samaynayn, waxa weynaatay cadhada Allah (sw)”.

Qofkaasi wuxu halis ugu jiraa cadhada Allah (sw). Waxa soo baxa dad siyaasiyiin ah oo Quraanka mar kasta  soo qaadanaya iyadoo arinka uu ka hadlayaaba yahay mid aanu islaamku banaynba in laga hadlo sida iyadoo madaxda la ceebaynayo ama la isku diriyo bulshada oo loo sheegayo war aan run ahayn oo ujeedo laga leeyahay ama in dadka la cabsi gelinayo ama lagu dhawaaqayo in dalka baaba’yo.

Dhamaan kuwaasi waa ariimo islaamku si cad u joojiyay. Adeecadii Madaxweynaha musliminta waxa Rasuulku (scw) ka gaadhsiiyay “ Ninkii ku arka masuulkiisa arrin aanu jeclaysan haku sabro, maxaa yeelay ma jiro qof jaamacada muslimiinta ka baxa taako ilaa uu u dhinto geerida dadka jaahiliinta ah” Bukhaari

أخرجه البخاري في صحيحه رقم ( 6724 ) ومسلم رقم ( 1849 )

Allah (sw) Quraanka ayuu ku cadeeyay اطيعوا الله ورسوله واولي الامر

Danahaaga gaarka ah waxa ka weyn oo ka miisaan culus kan ummadda muslimiinta ah ee beenta aad u sheegayso isla markaana aad cabsi gelinayso ee aad niyad jebinayso, taasi oo mararka qaarkood keenaysa in si fudud dhalinyaradu u tahriibaan.

Marka uu hadlayo waxa uu ka hadlayaa fitno iyo belaayo uu Rasuulku yidhi (scw)

الفتنة نائمة لعن الله من أيقظها)

“Fitnadu way hurdaa Allah naxariistiisa ha ka fogeeyo kan toosiya” وقد أورد الشيخ محمد ناصر الدين الألباني الحديث في كتابه ضعيف الجامع الصغير وزيادته، (4/104)، وضعفه

Been abuuradkana waxa Allah ku soo koobay suurada Nuur markii Caa’isha oo gabadhii Rasuulka (scw) ahayd xumaan been abuurad ah laga faafiyay oo muslimiinta lagu canaantay sheekadii beenta ahayd ee ay isu tebiyeen.  Maanta warka ugu badan ee la faafiinya waa been abuur iyo mala awaal.

Ibnu Baas Allah Ha u naxriistee muftigii Sacuudiga waxa uu ku yidhi fatwadiisa 149/8 “ Manhajka dadka muslimiinta ah ee wanaagsan kuma jirto in la ceebeeyo madaxda iyo dadka talada haya oo laga dhaleeceeyo minbarada taasi waxay keenaysaa fawdo iyo in la adeeci waayo, iyo dhibaato aan faa’iido lahayn. Laakiin wadadii dadka wanaagsani waxay ahayd inay waaniyaan madaxda, ama inay la xidhiidhaan culimada isaga xidhiidhka la leh” Sh.Ibnu Taymiyana wuxu yidhi “ Daacada Allah (sw) iyo Rasuulka (scw) waa waajib adeecidda madaxdana waa waajib , ka adeeca madaxda Allah dartii abaalkiisa Allah ayuu ku leeyahay, laakiin kan u adeeca inuu xoolo ka helo ama mansab oo hadii ay siiyaan adeecaya, haddii ay u diidaana ka hor imanaya, kaasi aakhiro kuma lahaa abaal”

Waxa jira kuwo marka mansabka laga qaado qaylinaya, oo ku dhowaaqaya inay belaayo dhacayso, isagoo intii uu madaxda la shaqaynayayna amaan adeecid la taagnaa.

قال ابن تيمية  : ” طاعة الله ورسوله واجبة على كل أحد وطاعة ولاة الأمور واجبة لأمر الله بطاعتهم فمن أطاع الله ورسوله بطاعة ولاة الأمر لله فأجره على الله ومن كان لايطيعهم إلا لما يأخذه من الولاية والمال فإن أعطوه أطاعهم وإن منعوه عصاهم فماله فى الآخرة من خلاق ” . 
مجموع فتاوى ابن تيمية 35 / 16

 قال الشيخ ابن باز  : ” ليس من منهج السلف التشهير بعيوب الولاة وذكر ذلك على المنابر لأن ذلك يفضي إلى الفوضى وعدم السمع والطاعة في المعروف ، ويفضي إلى الخوض الذي يضر ولا ينفع ، ولكن الطريقة المتبعة عند السلف النصيحة فيما بينهم وبين السلطان ، والكتابة إليه ، أو الاتصال بالعلماء الذين يتصلون به حتى يوجه إلى الخير
مجموع فتاوى و مقالات ابن باز 8 / 194.

Quraanka ku dhaqankiisa ayaa waajib inagu ah, kaasi oo inoo horseedaya barwaaqo iyo khayr. Maanta madaxweynuhu dhib uu ku hayo dadka muslimiinta ah iyo diintooda ma jirto, sabab fawdo iyo rebesh loogu dhaarto iyadoo aayado lagu soo gabanaya meesha ma taall.  “  Shaani ayaad ka baqatee walaahi wax ka weyn ayaa dhici doona”!  Qawlkaasi ma banana islaam ahaan, waana mid uu qofku denbi ku kasbanayo haddii aanu Allah denbi dhaaf weydiisan. Maxaa yeelay ma jirto dhibaato keenaysa in dadku dagaalamaan.

Dr.Ibrahim Fiqi ayaa yidhi “ Waxba ha jeclaan in lagu amaano, maxaa yeelay waa is taqaanaa waxaad tahay, haddii aad fashilanto ku farax maxaa yeelay waxaad isku deyi inaad dadka oo dhan raali geliso”

Quraanka kariimka ha adeegsan adigoo ka hadlaya arin aanu Quraankuba ogolayn. Haddii kale waxa ku haysata ayadda “ Quraanka ma badh ayaad rumaynaysaan , badhna waad beeninaysaa”

Wixii wakhtigan ka danbeeya diinta waa laga difaacayaa danaystayaasha.

 

 

A/xakiim Axmed Cali ( Hindi)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories