HomeM/weyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo Qaddiyadda Jamhuuriyadda iyo Doodda Somalia ee...

M/weyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland oo Qaddiyadda Jamhuuriyadda iyo Doodda Somalia ee Midnimada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in mawqifka madax-banaanida Somaliland aan marnaba laga noqon karayn, waxaanu xusay in Madaxda Soomaaliya ay dhaqan ka dhigteen inay iska dhaadhiciyaan inay sheegtaan dal iyo dad aanay xukumin.

Axmed Yuusuf YaasiinMadaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay, “Xornimadeena waxaynu dib ula soo noqonay 1991-kii, halka aynu xorriyadeena aynu Ingiriiska ka qaadanay 1960, inaga ayaana Soomaaliya xornimada uga horaybnay, sidaas darteed inagoo raadinaynayna Shantii Soomaalida ayeynu la midawnay Soomaaliya, laba dal oo midawnay ayeynu ahayn, wixii inagu dhacay markii ay arkeen Soomaalidii kale ayay dib u liqeen candhooftoodii, sidaas darteed xorriyaddii inaga luntay dib ayeynu u soo ceshanay, inaga ayaa nidaam dawladnimo dhisanay, wax kasta oo dal iyo dawlad looga baahan yahayna weynu fulinay”.

“Xukuumaddaheenii talada dalka iskaga dambeeyeyna, Xukuumad walba waxbay qabatay, waxaynu qabsanay Doorashooyin kala duwan, sida Doorashooyin Madaxtooyo, Doorashooyin Gole Deegaan iyo Doorashada Wakiillada, walibana mawqifka madax banaanida dalkeena Shacabka ayaa isla qaatay, masiirka Shacabkana cid wax ka beddeli kartaa ma jirto, markaas Madaxda iskaga dambeeysay Soomaaliya dood jilicsan iyo dal aanay xukumin inay sheegtaan ayaa dhaqan u noqday ee garnaqsi iyo sharci inay nagula doodaan marnaba diyaar uma ah, maxaa yeelay waxay og yihiin in aanu mar kasta ka gar helayno, sababtoo ah jiritaanka Somaliland waa sharci waana muqadas, inuu Caalamku na siiyo aqoonsigayaga ayaa loo baahan yahay”, sidaas ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mar uu ka hadlaayey digniin u dirayey Soomaaliya ayuu yidhi “Somaliland waa dal xad leh, oo xuduud leh, oo dhisan, Somaliland waa dal leh Hay’addiisa dawladnimo iyo Golayaashiisa kala duwan, sidaas awgeed xubno dalkayaga u dhashay oo Soomaaliya tagay ma jiraan cid ay mataalan, ee waa dad iskood u shaqo tagay ee Soomaaliya inay dadkaas ku sheegaan dad Somaliland matala maaha, ee dadka Somaliland matala waa dadka dhex jooga ee xilalka u haya, kana dhex shaqeeya”.

Dhanka kale, wuxuu Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, si gaar ah u bogaadiyey guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu uga mahadaqay qaabka ay isku diiwaangeliyaan, waxaanu sheegay inay Shacabku muujiyeen muwaadinimo iyo lexejeclada ay dalkooda ka qabaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories