HomeLughaya: Gurmad la Gaadhsiiyey Beeralayda Deegaanka Gar-gaara oo Fatahaadaha Dooxyadu waxyeello gaadhsiiyeen...

Lughaya: Gurmad la Gaadhsiiyey Beeralayda Deegaanka Gar-gaara oo Fatahaadaha Dooxyadu waxyeello gaadhsiiyeen Dalaggooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama (SLpost)- Deegaanka Gar-gaara oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, ayaa maanta la gaadhsiiyey qalab lagu hakamaynayo Fatahaado dooxyada deegaanka maraa ay gaadhsiiyeen qaar ka mid ah Beeraha ay ku tabcaan dadka deegaankaas.

Wefti uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa safar shaqo ku tegay deegaano hoos yimaada Degmada Lug-haya, halkaasi oo beero ku yaala deeganadaasi oo uu daadku waxyeeleeyey uu wasiirku soo indho indho indheeyey, isla markaana furay wejiga hore ee wax lagaga qabanayo dooxa ku soo fatahay tuulada Hul-xudhuunle ee ka tirsan deegaanka Gargaara oo hoos timaada degmada Lug-haya.

100_0606Weftigan uu wasiirka beeruhu hogaaminayo ayaa waxa ka mid ahaa oo La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Af-hayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Maamule ku xigeenka hay’adda Life International Nait Beggs oo ah hay’ad wasaaradda ka taageeraysay hawlahan lagu xidhanayo dooxa waxyeeleeyey beeraha deegaanka Hul-xudhuunle.

Wasiirka Beeraha iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa maalintiii shalay bilaabay hawlaha lagu xidhayo dooxan oo ay beeralaydu hore cabasho ugu soo gudbiyeen wasaaraddu inay wax kala qabato, iyada oo uu wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaraddu ku guulaysteen wax ka qabashada arintaasi.

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay ujeedada hawshan iyo sida ay uga hawl galeen wax ka qabashada beeraha ay uu dooxu waxyeeleeyey ayaa waxa uu yidhi ,“Waa masuuliyad na saaran in wixii aanu ka qaban karno dhibaatooyinka beeralayda haysta ka qabano anaga oo marayna kolba meeshii ILAAHEY noo sikhiro.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi, “Waxaanu si weyn ugu mahadnaqaynaa hay’adda Life International oo wasaaraddu ma hayso miisaaniyad ay beeraha dalka oo dhan wax kaga qabato, balse waxaanu cabashadiina u gudbinay hay’addan Life International oo ah hay’ad u dhago nugul wasaaradda.”

100_0604Wasiirka ayaa ka hadlay deeq ay wasaaradda Beeraha iyo hay’adda Life International u sideen dadka deegaanka waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Hay’adda Life International ayaa ka soo jawaabtay baahidiinii aad noo soo gudbiseen, gabyankaasi (Siliga lagu xidho dooxa fataha) iyo laba tan oo Bariis ah oo bariiskii bacaha yar ku jiray ah oo loogu talo galay dadka hawsha qabanaya, waxoogaa kabihii ah oo loogu talo galay dadkan deegaanka, waxaanay wasaaraddu ku dartay woxoogaa siidh ah, Insha Allah waxaan ILAAHEY ka rajaynayaa in idinkuna qaybtiina aad lahaydeen oo xoogii ah aad ka qayb qaadan doontaan. Wasaaraddu intaasi kaga hadhi mayso, kolba waxaanu idinla qaban karno waanu idinla garab taaganahay.”

Caaqil Muuse Cisman Dugsiiye oo ah caaqilka deegaanka Hul-xudhuunle oo ka tirsan deegaanka Gargaara ee hoos yimaada degmada Lug-haya oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey wadada ay hawshani soo martay, waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in wasiirka na soo maray oo aan baahidayadii ahayd daadkii naga qaaday beeraha iyo Kanaalada aanu samaysanay, ILAAHEY wuu u fududeeyey waanay noo soo qiyaaseen oo intii ay noo soo heleen way inoo keeneen, baahidayadiina waxbay ka qabanaysaa, inta kalena waanu ka sugaynaa.”

Maamul ku xigeenka hay’adda Life International Nait Begga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yaha y fursada uu u helay inuu Somaliland ka shaqeeyo. “Aadbaan ugu faraxsanahay farsada aad ii siiseen inaan Somaliland ka shaqeeyo, waxa socda horumar waxaanad aad u farxaysaa markaad nabad dalka taalo aragto iyo horumarka bulshada,” ayuu yidhi Sarkaalkan ka tirsan hay’adda Life International.

Somalilandpost.net

Borama, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories