HomeLooma Ooyaan! Qeybtii 2-aad

Looma Ooyaan! Qeybtii 2-aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maalinba waxa soo waajahayay Marxalad saamaynteedda leh,taas oo laga yaabbo inay si weyn u dhaawacdo geedi-socodkiisa nololeed ee uu halganka ugu jirro. Da’ahaan waxa uu baarka ka jarray 35 sannadood oo 25 sanno oo ka mid ahi si toos ah ugu xardhan yihiin Xusuus qorkiisa Nololeed,waxaannu ahaa shaqsi ay wanaagga,guusha,xumaha iyo guul-darraddu u kala duwan tahay,kaas oo kalba la gabi-dhaclaynaya dabaylaha Is-bedel ee kolba dhinac kaga imanaya.In badan ayuu dad gacan-qabtay,kuwaas oo taageerro maaliyadeed iyo mid Niyaddeedba u baahnaa,waxaana ka mahad-sheegta dad aad u badan oo Ehel,Asxaab iyo dad kale oo uu Bini’aadam-nimmo ku gacan-siiyay ah.Deegaanka uu ku nool-yahay waxa ku baddan Dadka Dabaqadda hoose ah,kuwaas oo la hal-gamaya noloshoodda,isla-markaasna wax walba ka door-bidaya sidii ay nolol-maalmeedkoodda u helli lahaayeen,ha ahaadoo mid ganacsi kooban haysta,mid Macallin ah iyo xirfadle kale ahba.Waxa wuu ogyahay inuu soo marray xaaladdo ka sheekayn-tooda leh,kuwaas oo lasoo darsay intii uu hayaanka nolasha ku jiray.

Hadda guud ahaanba waxa is-bedelay hab-fikirkiisii,waxaana uu gallay dunni kale,taas oo aan lahayn hammi,higsi iyo himilo-toona,waxaannu La-nool-yahay humaagyo khiyaalli ah iyo nolol dhibaatadeeda leh. Waxa uu bartil-maameed u yahay Umadda inta maan-gaabka ah,caruurta iyo Dumarka aan lahayn caqli ku fillan oo ay wax ku maareeyaan.

Haddii uu baryaha qaar ahaan jirray Nin lagu soo xisaabtammo,hadda waxa looga baydhaa jidadka iyo waddooyinka,waxaana loo arkaa shaqsi aan ugu yaraan is-taahilin in loo is-taaggo,la taageero,lala-taliyo,la nasiyo,waxna la siiyo. Taas bedelkeedda waxa uu khaati ka taagan yahay Af-lagaaddo iyo hagar-daamooyin hor leh,kuwaas oo kaga imanaya qeybaha Bulshadda,waxaanay jira dhaawacyo maskaxeed iyo kuwo-jidh-ahaaneed oo ay ku yeesheen dhibaatooyinkaas kaga imanaya qeybo ka tirsan Bulshadda uu la nool-yahay. Waxa adag in la arko cid u tamqata oo ugu yaraan xusuusta sidii uu hore u ahaan jiray iyo kaalintii muuqatay ee uu bulshadda ugu jiray. Waxa aan gabi-ahaanba kasoo ag-xaadirin haatan qaar badan oo ka-abaal-sheegan jirray,kuwaas oo uu sabab u ahaa inay hayaanka nolasha dhinacooda qabsaddan,kana gudbaan duruufo adkaa oo lasoo darsay,waxaabay iska ilaaliyaan inuu arko ama uu soo xasuusto inuu wakhti hore abaal-weyn u gallay,waxaanay aamisan yihiin in haddii ay isu sheegaan ama uu gartaba ay saamayn iyagga ku keenayso,Ninkanna aannu ahayn shaqsi ugu yaraan laga sheekeeyo inuu nolasha meel sare kaga jiray,una dhibirsanaa dadka jilicsan iyo maatidda la deriska ah.

Isaga Laf-ahaantiisu waxa uu dareemayaa in la hagraday oo dad badan siidii uu ugu lisay aannay ugu hanbayn,waxaana uu garan la’yahay sababta ay sidaasi u dhacday,waxaana isu qaban la’ sannado ka hor dadkii badnaa ee ku xeersanaa iyo maanta halkay taggeen iyo sababta uu ugu yarraan u arki waayay cid gurrigiisa ugu timaadda ama Jidadka ku salaanta sidii markii horeba dhici jirtay.

Lasoco….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories