HomeLooma Ooyaan! Qeybtii 1aad

Looma Ooyaan! Qeybtii 1aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxa uu uu ahaa qof caaddi ah,kaas oo leh dhammaanba awooddaha go’aan qaadasho ee uu leeyahay qof kasta oo  ALLAH Caafimaad siiyay,kuna nool dunidda guudkeedda,waxaana uu lahaa hadafyo iyo himilooyin horumarneed,kuwaas oo dhammaantood iskugu soo biyo-shubanaya in hayaanka dheer ee nolasha uu kaalin ka gallo.Waxa u tirsan saacaddaha iyo maalmaha Nolashiisa.Waxa adag inuu wakhti badan ku lummiyo goobaha lagu nasto  ama dhallinta filkii ahi ay ku dheellaan,kuna mado-daashaan. Dad badan oo uu aqoon toos ah iyo mid dadban ba  u leeyahay ayuu arkaa oo nolasha meel ka gaadhay,qiimo iyo karaammo la mahad-diyona isu sameeyay,kuwaas oo ay hore usoo marreen duruufo iyo waayo nololeed oo adag. Fikir ahaan waxa uu aamminsan yahay inay talladdu gacantiisu ugu jirto,isla-markaasna uu isagu go’aan ka gaadhi karro waxay nolashiisu noqonayso iyo muuqaalka ay yeellanayo.

Waxa uu leeyahay baaddi-sooc badan, taas oo uu kaga tilmaaman yahay dhiggiisa,waxaana lagu majiirtaa karti,dedaal iyo inuu yahay qof ay meeli u caddahay oo rabba inuu hilaacaas bidhaamaya gaadho,isla-markaasna uu wadada dheer ee uu sii marayana uu adkaysigeedda lahaado,waayo waxa inta badan Maankiisa ku jirta Odhaahda ah ‘ waxaan dhib lahayni,dheef ma laha’. Si kasta oo ay dhib,kaddeed  iyo culaysba usoo fuullo,waxa uu ogyahay,una cad dheefta  iyo macaanka nololeed ee kusoo fool leh.Arrin kale,ayaa iyana jirtaa,taas oo ah;inuu ogyahay inay halkani (addunyadda) ay tahay goobtii halganka iyo rafaadka nolasha oo uu uu la mid yahay oo kale qof safar ku jira oo aanu niyadda iyo maankaba gashan inuu gallayo raaxo lagu nagaanayo,balse ay abaal-marintu ay tahay Daarta aakhiro oo uu wax kasta oo aakhiraddiisa wanaajinayana uu ku dedaalo.Inta uu  adduunyadda joogana waxa ka go’an inuu ku noolaaddo si cisi iyo sharafi ku jirto oo  uu ka maarmo guud ahaanba gacan bini’aadam iyo inuu qeyrkii wax ka suggo. Waxa uu  u shaqeeyaa oo isku dayaa inuu mustaqbalkiisa nololeed uu wanaajiyo inta ay dadka kale hurdaan. Waxa uu nuska danbe ee habeenkii usoo kacaa cibaaddo iyo cilmi uu rabbo inuu aakhiro iyo adduunba uu intifaacsaddo. Dad badan ayaa usoo jeediya inuu iska nasto oo  aannu naftiisa dhibbin,balse waxa uu u arkaa inay yihiin qaar aan ogayn waxa uu higsannayo ama aan iyagu hammi iyo higsi nololeed toona lahayn.

Dhinaca kalena,waxa la dhacsan dad badan oo u arka inuu ku-dayasho mudan yahay,isla-markaasna ay tahay in wax badan laga barto,lalana rafiiqo.

Muddo yar gudeheed,ayuu sammeeyay horu-socod la taaban karro,waxaana uu kasbay ummad badan,taas oo uu hal-beeg iyo higsiba u noqday. Waxa uu noqday qof isku fillan oo aan ILAAHAY mooyee aadmi kale u baahnayn,waxaana uu sii wadday halgankii iyo horu-socodkii nololeed.

Hadda waxa uu dirtaba hordheceeddii hayaa riyooyin badan oo maankiisa ku duugnaa,kuwaas oo uu wakhtiyo badan ku taami jiray inuu gaadho,ILAAHAY-na ka baryi jiray inuu ku simmo wakhtigaas isaga ah. Taasi waxay sii gallisay han iyo himilo hor leh oo uu rabbo inuu ku sameeyo qorshayaal kale oo uu mustaqbalka ka rajo qabbo inay u hirgalaan.

Intaas waxa u bar-bar socda turun-turooyin iyo caqabaddo badan oo kolba ka hor-imanaya,balse waxa uu ku laab-qabawsaddaa inay carqalad kasta oo ka hor-timaadda ay tahay hordhicii guusha iyo isku-daygii ugu horeeyay ee hawsha uu guntigga u xidhay,waxaana uu  aad iska ilaalinayaa inuu marnaba niyad-jabbo oo ka hadho dhammaan hawlaha uu faraha kula jiro,isaga oo aamminsan inay taas macnaheeddu tahay inuu isku dhiibayo  Nolasha dib-u-dhaca iyo horumar la’aanta.

Lasoco….

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Bahda HAL-REEB

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories