HomeLoollan Siyaasadeed Oo Allaybaday Ku Dhex Maraya Xukuumadda Kulmiye Iyo Xisbiga WADDANI

Loollan Siyaasadeed Oo Allaybaday Ku Dhex Maraya Xukuumadda Kulmiye Iyo Xisbiga WADDANI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa loolan siyaasadeed ku dhex marayaa deegaano ka mid ah Gobolka Gabiley.

Xilligan oo ay Gobollada Somaliland ka socoto Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, ayaa waxa safarro ay Xisbiyadu dadweynaha ku wacyigelinayaan waxay ku marayaan meelo kala duwan oo dalka ah, si ay dadkana ugu waaniyaan qaadashada kaadhadhka cod-bixinta, farriimahooda taageero-doon ah ugu gudbiyaan.

Deegaannada Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI diiradda saareen isla-markaana uu loolanku ku dhex marayo waxa ka mid ah degmada Allaybaday oo ka mid ah Gobolka Gabiley.

Horraantii bishan, waxa Degmada Allaybaday Socdaal ku tagay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo badankoodu ka soo jeeda Gobolka Gabiley iyo xubno Xisbiga Kulmiye ka mid ah, balse aan imika Xukuumadda xilal ka haynin.

Xubnahaasi ayaan loo soo dhaweynin sidii ay filayeen, maaddaama oo ay deegaanka yihiin, balse waxa u soo baxay oo ay hadallo u jeediyeen dad kooban oo Reer Allaybaday ah, arrintaas oo dadka qaar u fasireen inay muujinayso tabasho reer Allaybaday ka qabaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ay markii hore ka filayeen waxqabad, balse aan fulin ballan-qaadyadii Olohihii doorashadii 2017, kuwaasi oo ay ka mid ahayd dhismaha Waddada Allaybaday iyo Arabsiyo isku xidha, balse aan waxba Xukuumaddu ka qabanin.

Maalmo ka dib, Wefti ka socday Xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayeen Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro iyo Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa gaadhay Allaybaday, waxayna halkaa kala kulmeen soo dhaweyn ballaadhan.

Soo dhaweynta loo sameeyay Hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI, ayaa sidoo kale dadka Allaybaday dibedda ka joogaa ku macneeyeen farriin loo diray Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dadku tabasho ka qabaan.

Laakiin, loolanka ayaan intaa ku dhamaanin, balse halkiisii ayuu ka sii socdaa, waxayna Xukuumaddu Jimcaha Maanta ah Magaalada Allaybaday u dirtay Wefti Wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Albaani, laakiin lama saadaalin karo Wejiga uu Weftigaasi kala kulmi doono Reer Allaybaday.

Ugu dambayn, Dadka dhaliila Xukuumadda ayaa Tabashada reer Allaybaday qabaan ku soo ururiya in aan Madaxweynuhu u fulin ballan-qaadkiisii ahaa inuu dhisayo Waddada isku xidha Allaybaday iyo Arabsiyo, taasi oo dadka deegaanku baahi u qabaan, maaddaama oo ay yihiin Beeralay doonaya inay suuqyada dalka u iib geeyaan wax soo-saarkooda, kaasi oo xilligan waddo xumo darteed u khasaara iyo Tabashada labaad oo ah in degmadu aanay haba yaraatee lahayn adeegyadii aasaasiga ahaa ee ay u baahnayd, sida gaadiiidka Dab-damiska, Cisbitaal ku filan iyo Laydh wanaagsan.

Tabashadaa ku xidhiidhsan baahiyaha yaalla degmada Allaybaday, ayaa Xisbiga Waddani isku dayayaa inuu ka faa’idaysto, maaddaama oo uu xilligan dareenka bulshada Allaybaday ka jeedo dhanka Xukuumaddii uu Xisbigeeda Kulmiye uu codadka ugu badan ku siiyeen ballan-qaadyadii fulin la’aantoodu fursadda siisay Mucaaradka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories