HomeLoollan la isku hirdiyey Lacag 52 Kun oo Doollar ah oo ku...

Loollan la isku hirdiyey Lacag 52 Kun oo Doollar ah oo ku soo afmeermay in Xilka laga qaado Agaasimihii guud ee Cusbitaalka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxa uu maalintii Axaddii ee toddobaadkan xilkii Agaasimennimo ka xayuubiyay Agaasihii guud ee Cisbitaalka magaalada Hargaysa Dr Carabayte.

Xilka-qaadistaas ayaa waxay kusoo beegantay xilli buuq iyo guux salka ku haya arrimo lacageed oo ka dhexdhashay  Wasiirka Wasaradda Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, Agaasimaha guud ee xilka laga qaday iyo khasnajiga Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay ku muransanaayeen lacag uu qaddarkeedu gadhayo illaa 52 kun oo Doollar oo Wasiir ku-xigenka Caafimaadku ka codsatay in loo soo gudbiyo, hase yeeshee aan loo soo gudbin, taasi oo abuurtay muran badan oo baryahanba ay qaadaa-dhigayeen Warbaahinta dalku.

Iyada oo arrinku uu halkaasi marayo sida la sheegay ayuu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadku ku amray Agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud in uu xilka ka qaado khasnajiga Cusbitaalka guud oo isagu diiday inuu saxeex la’aan ku wareejiyo lacagtaasi. Illa wareedyo xog-ogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen in waraqadda uu Wasiirku soo qoray aanay ahayn mid uu ku yaallo tittle-ka khasnajiga, ha yeeshee uu ku xusan yahay Xisaabiyaha Cuisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, taasi oo loo macneeyay inay ahayd waraaq cadho iyo ciil lagu soo qoray oo aan hubsasho badani ka muuqan.

Si kasta oo ay ahaataba, Agasimaha guud ee Cusbitaalka Hargeysa Dr Carabayto oo immika xilka laga qaaday ayaa ku celiyay Wasiirka waraaq qoraal ah oo uu ugu sheegayo in aanu eryaynin muwaaddinkaasi oo isagu si sharci ah hawlmaalmeedkiisa shaqo u gudanayay, isla markaana aanay jirina tallaabooyin khaldan oo uu qaaday loona cuskado erigiisa.

Arrintan ayay ka dib Saxaafaddu ka war heshay waxaanay noqotay mid meel walba lagu hadal hayo, Wasiirku isaga oo ka duulaya arrinkaasi iskuna dayaya in uu ka dejiyo xaalku halka uu marayo hadda ayuu dib u soo qoray warqad uu ku raalli-gelinayo Agaasimaha Cusbitaalka kuna farayo in khasnajigu uu sii wato hawlmaalmeedkiisa shaqo.

Wasiirka Wasaaraddaasi ayaa waxa uu sheekadaasi ku soo afjaray shir jaraa’id oo uu qabto kuna beeninayo qoraallada ay Warbaahinta qarkood qoreen isaga oo xilkiina ka qaaday Agaasimaha guud ee Cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Waxa qoray maqaalkan Maxamed C/xakiim Maxamuud(Miyir).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories