HomeLOOLLAN IYO LAAB LA KAC

LOOLLAN IYO LAAB LA KAC

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Kulmiyihii shalay, kulmiyaha Maanta iyo Kulmiyaha berri; Qormo lafo gur ah.. Q1-aad

Arraar

“Umaan qaadan qalinka qayb

 Umaan qorin weedha qolo

 Umaan qallin hadalka quud

 Dareenka qasbaa xarfah

 

Qiyaas ugu dhigay kashkayga

 Ee ninkii qoonsadoow ha qarin…”  SCC. kalshaale

Arraartaa kooban kaddib, si koban haddaan idiinku iftiimiyo ujeedada qormadaydan ciwaankeedu kor ku xusanyahay; waa mid aan doonayo inaan bulshada ugu midhaamiyo xog ka qarsoon iyo xeelad aan badankeena inoo muuqan, oo ku lamaan tartanka Murrashaxnimada Madaxweynaha Kulmiye ee shirka golaha dhexe loogu diyaar-garoobayo.

Qormadan waxaad igula wadaagi doontaan aragti shakhsi ah iyo mid caam ahaan loo fahansanaan karo oo ay ka soo dheeganayno dhaqannada Siyaasaddeed ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye aynu ka baranay muddadii uu xukunka hayey, kuwaasoo aynu qaybta hore ee qormada dul-xaadis kaga gudbi doono, qaybta dambe’se sawir kaga bixin doono halka ay ciyaarta xisbigu cago-dhigan doono iyo casharrada xun-xun iyo kuwa wanaagsan ee laga faa’idaysan karo  hirdanka ilaa bishan bilowgeedii lagu dhego-barjoobay ee aan manjarahiisu toosnayn.

Ifafaalaha maanta Nin agbuu ka arkaa, ninna ooggo korkeed’e, waxaan inta qormadan akhrisata uga afeef dhiganayaa inaan ku hadlayo aragti iyo dareen ku salaysan afkaarta bulshada ee guud, aanse aabla-ablaynayo inta aad taqaannaan iyo in ka kooban.

Waa kuma Kulmiye?

Sida la aaminsanyahay guushii kacdoonka quwada  leh ku dhalatay  ee uu Xisbiga Kulmiye hogaaminta waddanka kula wareegay sanadkii 2010-ku, wuxuu horseed u noqday hirdan cusub iyo hayaan ka dhex curtay mabaadi’ iska-soo-horjeeday oo qayb waliba doorkeeda ka ciyaartay xaqiijinta guushaas.

Mabaadi’da isku-lidiga ahaa ee hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo runta ku hubsaday markii uu talada la wareegay, ayey galka kala baxeen afkaartii ay kula socdeen xisbiga si aanu uga khasaarin baytal-maalkii ay gashadeen, iyagoo guntiga u xidhay sidii ay qaydhinka ugu goosan lahaayeen, isla markaana gacanta ugu dhigi lahaayeen meelihii u calaamadsanaa, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba intii dibada la joogay.

Guushaas xisbiga Kulmiye saddex kooxood ayaa  qolo waliba kaalin muuqata  ku lahayd, kuwaasoo aan midna la mabda’ ahayn, waxna  u ogolayn, balse markii gulufka lagu jiray ee uu xisbigu mucaaridka ahaa ku wada socday mowqif guud  oo ay ka sinaayeen isbedel doon, kaasoo biyo dhiciisuna ahaa  inay talada dalka mar uun hantiyaan, kana saaraan meesha nidaamkii xukuumadii UDUB ee maamulka ku raagtay.

Kooxahan Masalaha xisbiga kaga fadhiyey saddexda daraf ee ay koox waliba danta gaarka ah iyo damaca fog ugu halgamaysay, waxaykala ahaayeen;

1-koox Ganacsato ah oo ku xisaabtamayey inay la wareegaan illaha dhaqaale iyo Khayraadka dihin ee dalka.

2- koox si aad ah isugu xidhan, isla markaana u abaabulan hab xeelladaysan oo siyaasadded, xidhiidh la leh Urur-diimeedyada ka soo if-baxay gobolka rubuc dhamaadka qarnigii tegay, kuwaasoo  ah koox aad u firin fircoon, isna tusay in guusha Kulmiye ee hogaaminta dalku u sahlayso  gaadhista bar bilowga yoolka siyaasaddeed ee ku salaysan salaanka hindisaha mustaqbalka dhexe ee aragtiyaha Islaamiyiinta xukun doonka ah.

3- kooxda kale, waa qolada ilaa iminka gacanta ku haya hogaaminta xisbiga, markii madaxweyne siilaanyo talada qabtayna lagaga yimi garoonkii xisbigu ku ciyaari jiray markuu mucaaridka ahaa. Waa naadigii manjaraha xisbiga kula wareegay qalaylka  ee iyagu ka qayb-galka xukuumadda ka door-biday inay Madaxtinimada xisbiga ku hadhaan. Waa koox u badan halgameyaashii SNM oo ay hormuud u yihiin labada Konarayl ee guddoomiyaha iyo ku-xigeenka ka ah xisbiga, mabda’ooda Siyaasaddeedna waxa uu cakis ku yahay kooxda wadaaddada ah.

La soco qormooyinka dambe..

Qorre: Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)

Hargeysa/

Email: editor@gobanimonews.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories