HomeLoolayarradii Jaamacadda Hargeysa Ma waxay Noqdeen Qaar Xaqa Iyo Caddaaladda Lagu Burburiyo?

Loolayarradii Jaamacadda Hargeysa Ma waxay Noqdeen Qaar Xaqa Iyo Caddaaladda Lagu Burburiyo?

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Waxaynu ka Warqabnaa in Jaamacadda Hargeysi bixiso Qareenno loogu talo galay inay ku Caawiso Dadka Dulman ee aan Awoodi Karin in ay Qareenno Qabsadaan, balse waxa dhacday in Qareennada qaarkood Arrintan si Xun ugaga Faa’iidaysteen, halkay Xaqa ka difaaci lahaayeenna ku Burburiyaan Caddaaladda iyo Xuquuqda Shaqsiyaadka la Dulmiyey, Waxaynuna tusaale u soo Qaadan karnaa Dacwadda Kufsiga ah ee Lambarkeedu yahay MRH/DDRL/57/2012, ee ay ku Eedaysan yihiin Saddex Eedaysane oo Inan (Gabadh) yar oo aan Qaangaadh ahayn si wada Jir ah u Kufsaday.

Qareen C/Naasir Muxumed Shide oo kamid ah Qareenada Xafiiska Adeegga Sharci ee Jaamacadda Hargeysa, Waxa uu Difaacaa Sadexda Eedaysane ee Inantan yar Wada Jirka u Kufsaday, Waxaana Jirta in labo kamid ah Eedaysanayaashan ay Dhaleen Ganacsato Caan ah, taasi oo Meesha ka Saaraysa in ay yihiin Dad Sabool ah.

 Waxa kale oo la Xusid Mudan In Qareen C/Naasir Mushar ku Qaato u Adeegidda iyo ka Caawinta Dadka  danyarta ah ee aan Looyar Qabsan Karin ee Jaamacadda Hargeysa.

Waxa intaas Dheer in Qareen Cabdi Naasir uu Hortaagan yahay Markasta iyo goorkasta in Dacwaddan la soo Afjaro oo uu ka soo Baxo Xukun Caddaalad ku Dhisan, iyadoo uu markasta Dibin daabyo iyo turunturayn ku yahay Dacwaddan, sababtoo ah mar waxa uu duraa Garsooraha Dacwadda ku Qoran, marna Waxa uu Wakhtiga ku Lumiyaa Dood aan Dacwaddaba Khusayn oo aan Macno iyo Nuxur Sharciyeed midna soo Kordhinayn, Waxaanu in badan u doodaa eedaysanayaasha Mid uu Wakaalad ka haysto iyo Mid aanu Wakaalad ka haysan si uu Maxkamadda ugu Mashquuliyo oo ay ugu Jawaabto  ku Ekaw Cidda aad Qareenka u tahay iyo wax lamid ah , taasi oo uga Jeedo Wakhti lumis, Maalmaha qaarkoodna wakhtigu kaga dhaco Maxkamadda Dhexdeeda.

Haddaba, Jaamacadda Hargeysa Waxaan Waydiinayaa Arrimahani ma Qaar aad kuwada  Socotaanbaa Jaamacad ahaan  iyo Qareenadu, hadiise aanay Jaamacaddu kula Socon Maxay Arrintan Wax uga Qaban la’dahay oo Sumcad Xumada Qareenada Jaamacadda ee ku Magacaaban Xafiiska Adeegga Sharci   wax uga Qaban la’dahay, Waxa Kale oo aan Jaamacadda Weydiinayaa, Qareenadiinu Ma waxay u Doodaan Dadka Xuquuq dad kale ku tuntay, sida Kufsi iyo Wax lamid ah?.

Waxa Hubaal ah in haddii aanay Tallaabo ku haboon ka Qaadin Jaamacadda Hargeysi Arrimaha kor ku Xusan, iyo kuwo kale oo aanay haboonayn in aan Saxaafadda u soo bandhigno  in Magaca Jaamacaddu Burburi doono, taasi oo Dhibaato ku ah Jaamacadda iyo Bulshada Reer Somaliland ee tacabka badan galisay.

Wabillaahi Tawfiiq.

 Hooyo/Ruun Aadan Cumar.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories