HomeLoolanka u Dhexeeya Saylici iyo Xaglo-toosiye Oo Sii Kululaanaya Iyo Shirkii oo...

Loolanka u Dhexeeya Saylici iyo Xaglo-toosiye Oo Sii Kululaanaya Iyo Shirkii oo saacaddo Ka Hadhsan Yihiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargaysa(SLpost)-Waxaa gabo-gabo ku dhow qaban-qaabadii shirka 5-aad golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waxaana soo shaac-baxaya loolanka adag ee ka dhex jira musharraxiinta, iyadoo ay soo baxayso ifafaale rajo weyn u muujinaysa taageerada uu ka helayo doorashada golaha dhexe ee xisbiga kulmiye musharax Saleebaan Xaglo Toosiye oo u sharaxan madaxweyne ku xigeenka xisbiga kulmiye kaas oo cadaadis badan ku haya musharaxa kale ee Saylici oo isna u taagan musharax madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi.

Shir-weynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa maalinta Berri ee salaasadda ku qabsoomay magaalada Hargeysa, waxaana jira loolan xagga musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo la isku mari laayahay, iyadoo wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo Toosiye loolan hoose oo uu maalmihii u dambeeyey waday oo shaac-baxday taageerada uu ka haysto xubnaha golaha dhexe intooda badan, taasina waxay ciriiri galisay Saylici oo meeshaba soo dhigan awooda uu Xaglo Toosiye ka abuurtay golaha dhexe.

Wasiir Xaglo Toosiye ayaa isagu loolan hoose oo hada si weyn usoo baxaya ka dhex wata xubnaha golaha dhexe, kuwaas oo wararku sheegayan inuu kasbaday xubno badan oo golaha dhexe, taasina waxay dareen baqdin leh ku abuurtay musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee Saylici, taas oo dhalinkarta khilaaf hor leh oo mar kale ka dhex qarxa xisbiga.

Musharax Xaglo Toosiye oo olola aamusnaan ah ku wadda hawlihiisa ayaa kulamo gaar gaar ah la leh xubnaha golaha dhexe ee ka soo jeedda deegaanadda iyo goboladda ka kala socda, isagoo kulamo badan la yeeshay inta badan xubanaha golaha dhexe ee kulmiye, isla markaana maalmihii u dambeeyay isaga kala gooshayay gobolada qaarkood si uu taageero uga helo, waxaanay wararku intaas ku darayaan in marar badan la isku dayay in la isku dayey inuu tanaasulo Xaglo Toosiye haseyeeshee waxa uu ku adkaystay inuu calafkiisa qaadayo, isla markaana aanu tanaasuleen.

Hase yeeshee, C/raxmaan Saylici ayaa isagana wuxuu kulamo iyo shirar gaar gaar ah la leh ergooyinka shirka u yimid si uu kalsooni uga helo ka hor inta aan shirweynuhu gaadhin, waxaana baddi Saylici u tanaasulay musharaxiintii ay isku deegaanka ka soo jeedaaan si aanu Xaglo Toosiye uga badin, inkastoo Xaglo toosiye taageero uu ka soo helay deegaanka uu ka so jeeddo Saylici laftiisa, taasina waxay laf dhuun gashay ku noqotay Saylici oo u qaadan la’ ololaha aan la dhayalsan karin ee Saleebaan Xaglo Toosiye ku hayo musharax-nimadiisa, iyadoo maanta dhalinyaro badan oo reer Boorama taageero u muujiyeen Xaglo Toosiye,taasina ay muujinayso inuu Xaglo Toosiye Saylici deegaankiisa kahelo taageero.

Warar qaar ayaa sheegay in Saylici cabsi weyn ka qabo loolankaasi Xaglo Toosiye, isagoo codsaday in laga qabto ololaha aan la dhayalsan karin ee wasirka caafimaaadku uu la soo baxay muddooyinkii dambe.

Loolankan ka dhexeeya wasiirka Caafimaadka iyo madaxweyne ku xigeenka Saylici ayaa mar kale abuuri karta khilaaf soo dhex-galla xisbiga taaas oo sii murgin karta inuu xisbigii shirkiisa sii wato.

Xubnaha golaha dhexe ee ka soo jeedda gobolada Bariga Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaa iyana taageero u muujiyey musharax Xaglo-toosiye kadib markii ay  ku doodeen in labada musharax oo ka soo jeeda gobolada galbeedka Somaliland isku noqon karin musharraxa madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, iyagoo ula jeedda in Muuse Biixi oo u taagan musharaxa jagada mdaxweyne iyo Saylici oo u taagan jagadda musharax ku xigeenka kulmiye ka soo jeedaan galbeedka Somaliland, waxayna u soo jeediyeen inay mudan tahay inay kasoo kala jeedaan galbeedka iyo bariga, iyagoo xusay in haddii musharaxa madaxweyne ee Kulmiye galbeed noqdo uu ku xigeenkiisuna noqdo bariga sida Xaglo Toosiye.

Si kasta ha ahaatee, musharax Saylici ayaa laga cabsi qabaa inuu isna qaadaco shirweynaha maadaama oo uu shuruud ku xiray in laga joojin waayo Xaglo toosiye, waxaana 48-kii saac ee u dambeeyay si weyn loo hadal hayey ololaha aan la dhayalsan karin ee Xaglo Toosiye, iyadoo meelaha la iskugu yimaado si weyn loogu gorfaynayo.

Xaglo-Toosiye waxa uu noqonaya musharaxii ugu horeeyey ee ka soo jeedda gobolka Sool oo cidhiidhigaliya musharixiinta kale, waxaanu rajo weyn galiyey siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Bariga oo hore ku dhac sidan oo kale samayn, iyadoo ololihiisuna marba marka ka dambaysa sare usii kacayso,  iyadoo ololahaasi uu daciifin kari waayey madaxweyne ku xigeenka Saylici oo ah musharaxa sida weyn isku hayaan, maadaama oo Saylici garab iyo gaashaan ka helayo gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo isna ah musharaxa madaxweynaha Xisbiga oo isku dhinac u wada dagaal gallaya.

Ugu dambeyn, lama garanayo halka uu ku dambeyn doono tartanka labadaan musharrax halka uu ku dambeyn doono iyo inay mar kale abuuri karta khilaaf hor leh oo garab kale oo intii wadda socotay ah ka jabto xisbiga, iyadoo hore usii ogeyn in musharaxiin saddex ahi qaadaceen shirweynahan.

Halkan Ka Daawo Warbixin Muuqbaahiyaha STAR TV ka sameeyay Khilaafkooda:

Source: HOL & Star TV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories