HomeLoolanka Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Cirka Isku Shareeray iyo Murashaxiinta u...

Loolanka Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Cirka Isku Shareeray iyo Murashaxiinta u Tartamaya oo CV-yadooda Gudbiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Murashaxiinta u taagan Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa maanta xafiiska Xoghaynta Guud ee Golaha u gudbiyey Taariikh-nololeedkooda Waxbarasho, Xirfado iyo waayo-aragnimo.

Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil iyo Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo labadoodu u sharraxan xilkan, waxa CV-yadooda ka guddoomay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo lagu wado inuu si rasmi u furmo Axadda Berri, ayaa la filayaa in lagu doorto Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu banneeyey Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo xilkaas hayay muddo laba sanno ku dhow ka hor intii aanu iska casilin dhawaan kaddib markii uu ku biiray Kooxaha Huwanta ah ee ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaas oo dagaallo ay Qaranimada Somaliland kaga soo jeedaan Ciidamada Qaranka. Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif, ayaa ka soo baxay xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo u dhexeeya labada xildhibaan, ayaa la filayaa in la doorto maalinta Berri, waxaana jira loolan adag oo u dhexeeya Xildhibaan Faratoon oo laga soo doortay gobolka Sool iyo Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay Gobolka Awdal.

Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Golaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil oo la filayo inuu maalinta Berri golaha hortiisa ku shaaciyo inuu iska casilay xilka guddoomiye ku-xigeenka, waxa doorashadiisa dabada ka riixaya  oo taageeraya axsaabta Mucaaradka halka xildhibaan Faratoon uu taageero ka haysto xukuumadda iyo mucaaradkaba.

Cali Xaamud Jibriil iyo Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
MIDIG: Cali Xaamud Jibriil iyo Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon

Cali Xaamud Jibriil, ayaa ka tirsan kana soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, halka Yaasiin Maxamuud Xiir oo ka soo baxay Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye uu haatan ka tirsan urur-siyaasadeedka KAAH oo uu dhowaan ku biiray.

Loollanka Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, waxa kale oo ku soo biiray Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo gobolka Maroodijeex uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, isagoo gelinkii dambe Xoghayaha Golaha Wakiillada u gudbiyey taariikh-nololeedkiisa waxbarasho iyo waayo-aragnimo.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka kooban 82 Xildhibaan ilaa haddana lama xaqiijin karo tirada xildhibaannada ay kala haystaan labada murashax, in kasta oo uu jiro loolan adag oo labada dhinac ku kala riixanayaan taageerada iyo codadka xildhibaannada Golaha Wakiillada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories