HomeLondon:Ururka Somaliland Concern Group oo shahaado-sharaf Guddoonsiiyey Abwaan Siciid Ilka-jiir

London:Ururka Somaliland Concern Group oo shahaado-sharaf Guddoonsiiyey Abwaan Siciid Ilka-jiir

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SAMSUNG DIGITAL CAMERALondon-(SLpost)-Xafladd ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somaliland Concern Group oo ka dhacay Galbeedka Magaalada London. Munaasibadaa ayaa waxa kasoo qayb galay aqoonyahano, abwaano iyo dhalinyaro ka kala yimi daafaha magaalada London, halkaasi oo xubnihii ka hadlay ay dhaamaantood ku dheeraadeen qiimaha uu abwaanku ku dhex leeyahay bulshada dhexdeeda, waxa kale oo ay xuseen kaalintii uu abwaanka qarnigu kulahaa is badalkii wadanka ka dhacay,wakhtigii Xukuumaddi Madaxweyne Riyaale, waxaanay ka sanqadhiyeen in xiligii uu abwaan siciid Kulmiye uu heesha guubaabada ah u samay nayay in uu ahaa abwaankii qarnigii,maanta markii uu tilmaamay tabaha qaloocan ee siilaanyana uu noqday nin kale,waxa kale oo ay abwaanka ku hanbalyeeyeen sida geesinimada leh ee u had iyo jeer abwaanku dulmiga aanu uga aamusin.
Dhawr todobaad ka hor ayay ahayd markii uu abwaanka qarinigu sameeyay hees uu ku tilmaamayo habdhaqanka madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo ay heestaa si aada uga cadhoodeen taageerayaasha Madaxweyne Siilaanyo,waxana ka soo noqday fal celin aad iyo aad u fool xun iyada oo aanay u kala hadhin qolyaha xukuumada hayb ahaanta u taageera oo ay hanjabaad iyo handadaad isugu daray abwaankii ay heestani maskaxdiisa ka soo maaxatay.
Waxaa isna goobta kahadlay Gudoomiyaha Ururka Somaliland Concern Group Mudane Axmed Yaasin wuxuna yidhi ?Abwaan Saciid (Ilko-jiir) Maanta Shahaado Inagama Mudna ee waxay ahayd in aynu Taalo u dhisno, maadama Uu noqday Abwaankii ugu horeeyaya ee ka damqaday Cadaaladda Daradda, Dulmiga, iyo Eexashadda qabiilaysan, xasuuqa, xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo. Waxanan filayaa in Abwaanku furi doona dariiqa in ay Abwaane kale kudaydaan?

Waxaa Isna goobtaa hadalo kooban kazoo jeediyay Abwaan Siciid (Ilko-jiir) oo aad ugu mahadnaqay Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kale ee kazoo qaybgashayba wuxuuna balanqaaday Abwaanku in marnaba inuuna Xaqa lagabanayn cidna uga waabanayn, halgankiisa sugaaneed ee kudifaacayo cadalaadda uu siwadayo, wuxu kale Abwaan Siciid Ilko jiir uu goobta kusoo bandhigay Fariimo foonkiisa loogusoo diray oo loogu hanjabayo laguna caayayo, waxaan kala wareegay fariimihii iyo numbaraddi Ururka Somaliland Concern Group oo latiigsanaya sharciga dalkan Ingiriiska yaala oo ah hantidaad lagu hayo qof haysta sharciga Dhalashadda Ingiriiska.

Madashan ay soo qabanqaabiyeen urur Somaliland Concern Group ( ururka danaha Somaliand) o ah ay kubahoobeen dhalinyaro kasoo jeeda dhinac kasta daafaha Somaliland ayaan iyadana lagu qorsheeyay sidii Ururka loobalaadhinlahaa waxna loogu qabanlahaa dadka Dulmin ee Xukuumadda Somaliland ay kuhayso caga juglaynta iyo Cadaaladda darada taasoo loosoo bandhigi doono Caalamka. Iyadoo laqorayo nuqulo iyo waraaqo Bulshadda Caalamaka (International Community) loo qaybinaayo.
Ugu dan bayntii waxa abwaanka qaranka shaahado sharaf gudoon siiyay Gudoomiyaha ururka Somaliland Concern Group Md. Axmed Yaasiin Maxamed Jaamac. Waxaa gabagabadii Xafladda Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kazoo qaybgashay waxay Balanqaadeen in ay Markasta Garab taaganyihiin Abwaan Siciid (Ilko Jiir) taageero Hiil iyo garab ahna Lagarab taaganyihiin.

Fiiro Gaara: Ururka Somaliland Concern Group waa Urur kashaqeeya Danaha reer Somaliland dhiirigalinaya Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda. Ururku wuxuu wax uqabanayaa Ummadda Xukuumadda Somaliland ay Dulminayso Maalinkasta iyadoo U adeegsanaya Dhamaan waxkasta oo Lagu toosin doono Xukuumadda Somaliland.

Libaan Xaji fagadhe
libanfagadhe_1@live.com
Somalilandpost/Office
London/UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories