HomeLondon: Xisbiga Shaqaalaha iyo Yuhuudda ku nool magaalada oo xumaaday Taageero loo...

London: Xisbiga Shaqaalaha iyo Yuhuudda ku nool magaalada oo xumaaday Taageero loo muujiyey Shacabka Falastiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska iyo bulshada Yuhuudda ah ee ku daqan magaalada London, ayaa si adag uga qayliyey tallaabo maayarka xaafad ka tirsan magaaladaasi taageero ugu muujiyey xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin.

Lutfur Rahman oo ah nin muslim ah oo Maayar ka ah xaafada Tower Hamlets ee magaalada London, ayaa amar ku bixiyey in xarunta Golaha Deegaanka la sudho la sudho Calanka Falastiin si taageero loogu muujiyo shacabka xasuuqu ku socdo ee ku dhaqan Marinka Gaza ee dhulka Falastiin, Balse waxa maalintii ku xigtay olole ballaadhan oo ka dhan tallaabada uu sameeyey maayarkani qaaday xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Labour-ka iyo shakhsiyaad asalkoodu yahay Yuhuud oo ku dhan dalkaas, kuwaas oo dacwad ka gudbiyey Mr Luftur, waxaana maalin ka dib soo baxay mu’aamaraad la qorsheeyey oo lagu eedeyey, taas oo ah in maxkamad lagu saari doono khaladaad iyo wax is-daba-marin ka soo baxay doorashadii uu ku yimi Golaha Deegaanka Hamlets.

Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha ugu magacaaban Xaafada Tower hamlets Grant Shapps isla markaana xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka, ayaa ku dooday in aanay Gole deegaan ahaan awood u lahayn faragelinta siyaasadaha Barriga Dhexe.

“Golaha deegaanku ma qabanqaabin karo doorashadooda, iskadaa inay farageliyaan siyaasadaha Bariga Dhexe’e,” ayuu yidhi Mr Grant oo la hadlayey jariirada MailOnline.

Dhinaca kale, Jonathan Arkush oo Guddoomiye ku-xigeen ka ah urur ay leeyihiin Yuhuudda ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in Maayarka degmada Hamlets uu sameeyey khalad uu calan kaga taago Gole deegaan oo ku yaala Ingiriiska, waxase uu ku dooday inay ahayd inuu sidoo kale ka taago calanka Israel si la mid ah calanka Falastiin ee laga qotomiyey Golaha deegaanka Tower Hamlets ee magaalada London.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories