HomeLondon: Warbixintii Ugu Dambaysay ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland oo...

London: Warbixintii Ugu Dambaysay ee Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka Somaliland oo la soo Bandhigay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Madaxa Bannaan ee Kormeerayay Doorashadii Baarlamaanka iyo Dawladaha Hoose ee 31 kii May 2021 ayaa caawa magaalada London ku Daah-furay Warbixintii Ugu Dambaysay ee doorashadaas.

Goob-joogayaasha ayaa warbixintan ku soo bandhigay Jaamacadda UCL ee magaalada London, waxa goob joog ka ah 12 goobjooge oo caalami ah oo ka kala socday dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, New Zealand, Afrikada Koonfureed, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya ayaa kormeeray ololihii iyo u diyaar garowgii doorashada toddobaadkii ka horreeyay doorashada, maalintii doorashada, codaynta, tirinta codadka iyo isu geynta natiijada ee goobo ka mid ah Somaliland sida Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorame.

blank“Doorashadu waxa ay calaamad muhiim ah u noqotay dimuqraadiyadda Somaliland: Ka dib dib u dhacyo ku yimid labada doorasho, waxa ay noqotay markii ugu horraysay ee doorashooyinka Baarlamaan iyo Dawladaha hoose isku mar la qabtay.

Professor Michael Walls oo ka tirsan Qaybta Qorshaynta Horumarka, ahna Madaxa Goobjoogayaasha Caalamiga ah ayaa yidhi: “Iyada oo doorashooyinkaasi ay u taagan yihiin horumar dimuqraaddiyadeed, haddana waxa la qabtay 11 sannadood ka dib wakhtigii loo qorsheeyay in ay dhamaato muddada Baarlamaanku, iyo weliba saddex sannadood ka dib markii ay dhamaatay muddadii golaha deegaanku. Waa war wanaagsan in doorashooyinku u dhaceen si nabadgelyo ah, isla markaana daneeyayaashu u aqoonsadeen qaar lagu kalsoon yahay. Si kastaba ha ahaatee, si ku yar dalalka Afrika, hal qof oo haween ahi kumay soo bixin doorashada Baarlamaanka. Tani waa mid dhaawac ku ah dimuqraadiyadda, weliba ah tallaabo dib loo qaaday marka loo eego doorashooyinkii hore, iyada oo marka horeba ay yarayd heerka metelaadda haweenku. Iyada oo ay tahay wax loo dabbaaldego in Somaliland ay sii waddo qabashada doorashooyinka, haddana waxa la gaadhay xilligii laga baaraandegi lahaa in la helo dariiqyo lagu adkeeyo hab-raacyada jira ee doorashada soo socota, taas oo la filayo in ay qabsoonto sannadka 2022 iyo kuwa ka sii dambeeyaba”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kale oo jira qaybo ka mid ah hannaanka doorashada oo u baahan in la tayeeyo amma la horumariyo si loo hanto halbeegga caalamiga ah. Gaar ahaan hannaanka diiwaangelinta codbixiyuhu waa mid adag oo xaddidaya codbixiyayaasha, mar haddii aanuu jirin tirokoob rasmi ahina, ma qeexayo qiyaas sugan oo sheegaysa codbixiyayaasha isu-diiwaangeliyay inay codkooda dhiibtaan.

Intaas waxa sii dheer, Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay ku baaqayaan saddex is beddel: in wax laga beddelo nidaamka siyaasadeed ee xaddidaya in saddex xisbi oo keli ah loo oggol yahay in ay ku tartamaan doorashooyinka, kaas oo curyaaminaya metelaadda dimuqraaddiga ah; in la helo shuruuc ay hagayaan reer Somaliland oo xaqiijinaya metelaadda siyaasadeed ee haweenka; iyo in la helo ballan-qaad kale oo siyaasadeed oo ku saabsan jadwalka dastuuriga ah ee doorashada lagu heshiiyay si doorashooyinka soo socda loogu qabto wakhtigii loogu talagalay, meeshana looga saaro dhaqanka inta badan soo jiray ee dib u dhigista doorashooyinka Somaliland sidii horaba u dhacday.

Warbixinta ugu dambaysa ee Goobjoogayaasha Caalamiga ahi waxa ay sidoo kele soo jeedinaysaa talooyin dheeraad ah, oo ay ka mid tahay kor u qaadista aqoonta cod bixiyayaasha iyo qarsoonida codaynta, tababar kii hore ka fiican oo la siiyo shaqaalaha goobaha cod bixinta, iyo kor u qaadista nidaamka tirinta iyo isu geynta codadka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories