HomeLONDON: Maxkamad todobaadkan go’aan ka gaadhaysa Xaqiiqada Dacwad u dhaxaysa Dawaldda Jabuuti...

LONDON: Maxkamad todobaadkan go’aan ka gaadhaysa Xaqiiqada Dacwad u dhaxaysa Dawaldda Jabuuti iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ganacsade cabdiraxmaan booreLONDON (SLpost)- Maxkamad ku taal dalka Ingiriiska, ayaa maalinta Isniinta ee todobaadkan u muddeysay go’aan ay ka soo saaray dacwad Xukuumadda Jabuuti ku soo oogtay Ganacsadaha caanka ee Cabdiraxmaan Boore oo ay ku eedaysay inuu dalkeeda ka fuliyey falal isugu jira Musuq-maasuq iyo amni-darro.

Dawladda Jabuuti ayaa hore u xajirtay dhammaan hantidii uu ku lahaa dalka Jabuuti Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, kaddib markii uu ka soo horjeestay siyaasadda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taageero uu siiyey Mucaaradka dalkaas, waxaanay dawladda Jabuuti dacwadda ay u gudbisay maxkamada Ingiriiska kaga codsatay in la xayiro dhamaan hantida uu ku leeyahay waddanka Ingiriiska.

Garsoore Julian Flaux oo Waaxda dacwadaha Ganacsiga iyo shirkadaha ee maxkamadda Sare ee magaalada London, ayaa ku wargeliyey garyaqaanada xukuumadda jabuuti iyo kuwa Cabdiraxmaan Boore inay ka soo xaadiraan fadhi gaar oo Isniinta todobaadkan go’aan kaga gaadhi doono dacwad u dhexeysay.

Xukuumadda Djibouti ayaa badhtamahii sannadkii hore dacwad u gudbisay Ingiriiska, taas oo lagaga dalbaday in lagu xayiro hanti gaadhaysa boqol milyan oo Cabdiraxmaan Boore u taala bangiyada dalalka Midowga Yurub, ka dib markii ay u gudbiyeen caddeymo ay ku sheegeen inuu ka dambeeyey qarax weerar oo ka dhacay magaalada Jabuuti, kuna eedeeyey inuu argagaxiso yahay, sida lagu baahiyey warbaahinta ION.

Sida ay sheegtay warbaahinta ION (Indian Ocean Newsletter), Qaraxa oo dhacay March 4, 2009 ayaa la sheegay in maalintii xigtay laga duubay cod Boore iyo saaxiibadii kaga sheekaysanayeen in hawlgalkii si wanaagsan u dhacay, oo loo gudbiyey maxkamada ayaa garsoore Flaux la sheegay inuu ku qancay, isla markaana soo saaray go’aan lagu xayirayo hantidiisa Cabdiraxmaan Boore ku leeyahay Yurub.

Warka lagu baahiyey ION, waxa uu intas ku daray in caddeymo dheeraad ah oo Cabdiraxmaan Boore u gudbiyey maxkamadda oo uu isku difaacayo uu ku sheegay in eedaha Jabuuti u adeegsatay dacwaddiisa ay qayb ka ahayd sumad doorashooyinkii xukuumada jabuuti kaga mamnuucday kuraasta baarlamaanka ee mucaaradka.

Garsoore Flaux ayaa sheegay in xilligan kiisku gebi ahaanba isbeddelay, isla markaana uu todobaadkan go’aan ka soo saari doono dacwaddaas.

Xigasho: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories