HomeLix Sababood ayay 18-ka May kaga mudan tahay 26 June

Lix Sababood ayay 18-ka May kaga mudan tahay 26 June

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHalkan waxaan idiinkula wadaagayaa Lix Arrimood oo Caqligeygu i siiyey inaan u gartay Lix Sababood oo Xuska Maalinta 18-ka uga Mudan yahay xuska 26-ka June

 

1. 26-kii Juun 1960-kii kolkii gobonnimada laga qaatay Ingiriiska, diyaar uma aynu ahayn inaynu dal noqonno, kaliya waxa aynu diyaar u ahayn inaynu gobonnimada ka guddoonno Ingiriiska kadibna aynu duuduub, faxalnimo iyo shuruud la’aan ugu gacan-gelinno Soomaaliya. Tan lidkeeda, 18-kii May waxa aynu diyaar u ahayn inaynu si buuxda u hannano fursaddii dalnimo ee aynu dayacnay maalintaas 26-ka Juun.

 

2. 18-ka May haddii aanay jiri lahayn, Soomaalilaan ma ay jirteen. Maalintan waxa aynu wadajir u go’aansannay inaynu ka noqonno is raacii Soomaaliya ee 1-dii Julaay. Haddaanay jiri lahayn maalintani dalkaniba ma jireen oo waxa uu ahaan lahaa qayb ka mid ah Soomaaliya, waana maalinta aynu caalamka kula doodno oo ah inaynu ka noqonnay is raacii la innagu ogaa ee lixdankii. Tan ayaa ah sababta ugu mudan ee ay uga qaalisan tahay 26-ka Juun.

 

3. Laba shay haddii aad meherad ka wada iibsato, oo midna lagaa siiyo lacag 10 dollar ah, ka kalena lagaa siiyo lacag 100 doollar ah, labada shay agtaada waa ay ku kala mudnaanaayaan, waxa kala mudnaysiinayaa waa in wixii aad ku bixisay uu kala badan yahay, waxaana mudnaanta yeelan doona labada shay kooda qaalisan. 18-ka May waxa lagu bixiyay wax kasta oo qaali ahaa oo qof bashar ahi uu bixin karo kuwaas oo ay naftu ugu mudan tahay, maalkuna ugu yar yahay. Halka maalinta 26-ka Juun iyada oo aan dhaqdhaqaaq macne badan leh loo samayn la iska helay gobonnimada, waxa ay u badan tahay in Ingiriisku uu dantiisii awalba iska koobnayd uu ka dhammaystay Soomaalilaan, kadibna uu isagu iska bixiyey gobonnimada. Wixii lagu bixiyey oo kala qaalisanaa ayaa ah sababta saddexaad ee labadan maalmood kala mudnaysiisay.

 

4. 26-kii Juun 1960-kii seeska dawladnimada waxa aynu ka aaminsanayn inuu ku dhismo fikradda ah inay dawladaha yagleeshaan dad isku af, isku diin, isku dhaqan iyo isku qoomiyad ahi. Soddon gu’ kadib oo ahayd 18-kii May, waxa aynu ogaannay in haddii isku af, isku diin iyo isku dhaqan la noqdaa aanay waajibinayn in isku dal la noqonayo, haddii intanba lagu kala duwanaadana aanay waajibinayn in kala dal la noqdo. Si kale haddii aan u idhaahdo, lixdankii waxa aynu aaminsanayn in isirnimo lagu dhiso dawladnimada, balse sagaashankii waxa aynu Soomaalilaan ku dhawaaqnay innaga oo og in isirnimadu tahayba waxa dumiya dawladaha. Waxa aynu ogaannay in dawladaha dunida ugu waaweyn ay dhisteen dad kala af, kala diin, kala dhaqan iyo kala qoomiyad ahi sida Maraykanka, dawladaha ugu liitana ay samaysteen dad intanba iskaga mid ahi sida Carabta. Fikraddaas aadka u khaldanayd ee dawladnimada iyo isirnimada isku qasaysay, waxa la saxay maalintan 18-ka May. Fikraddaas khaldan sixiddeedu waxa ay ahayd waayo-aragnimooyinkii ugu mudnaa ee aynu dhaxalno, in Soomaalilaan aasaas looga dhigaana waxa ay ahayd in seeska dawladnimadeeda la adkeeyay.

 

5. Lixdankii kolkii gobonnimada aynu helnay, xaqiiqatan ma ay jirin ama waa ay yarayd cid garanaysaa dhab ahaan waxa la helay macnaha uu leeyahay. Gobonnimadu waxa ay tahay, waxa ay guddo, waxa ay gasho iyo macnaha ay leedahay cid ay wax uga baxsan yihiin dhif iyo naadir bay ahayd. Waxa loo haystay in gobonnimaduba ay tahay calanka Ingiriiska oo lagu beddalo calankii Soomaaliya, saraakiishii Ingiriiska oo lagu beddalo saraakiil Soomaali ah iyo madaxdii Ingiriiska oo lagu beddalo madax Soomaali ah, bes. Sababta loo garan waayay macnaha gobonnimadu waxa ay ahayd in ay si fudud innagu soo gashay, xaqiiqatanna waxa rumowday maahmaahdii ahayd wixii si fudud kugu soo gala si fudud ayaad u lumisaa oo waa innagii meel daran kala dhacnay gobonnimadaas. 18-kii May, waxa gobonnimada lala soo noqday iyada oo la garanayo waxa lala soo noqday xaqiiqadiisa iyo macnihiisaba, waana sababta loogu fara-adaygay illaa maanta.

 

6. Ugu dambayn, 26-ka Juun waa maalin taariikh ahaan uun u jirta, saamayn kasta oo ay lahaan lahaydna uu tirtiray go’aankii midnimadu, balse 18-ka May oo ah gu’itaankii Soomaalilaan, waxa ay ku jirtaa maalmaha ugu saamaynta badan ee qayb ka ah qaabaynta siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrikaba.

 

Maxamed Sharmarke

Sharmaake91@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories