HomeLix baabuur baa miyigii taga, maxay se u tagaan?!

Lix baabuur baa miyigii taga, maxay se u tagaan?!

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

1. Gaadhi uu wato siyaasi olole siyaasadeed ku jira oo warkiisu aanu af madhan iyo beerlaxawsi dhaafsiisnayn. Siyaasi maalinta uu cod doonayo soo barya oo geelooda soo maala ama wadaamaha ay ku waraabinayaan isku soo sawira. Hadda dadkani way bayhoofsan yihiin oo baad iyo biyo ayaa u daran iyo nolol wanaagsan, isaguna isaga oo suudh xidhan buu sawir la soo galayaa dad basiiradi ka muuqato oo iska daa wax kale’e aad hugooda ka naxayso.

2. Baabuur ay wadato Guddi Beeleed oo inta ay magaalooyinka iska sii urursadaan naxli iyo utun qabiil ku soo abuura. Kuwaasina dadkii isku deegaanka ahaa iyo bulshada Somaliland bay isku soo diraan. Waxa ka roonaan lahayd in ay mashaariic horumar iyo wacyigalin bulshada deegaanku u dhan tahay iska kaashadaan oo reer guuraaga ku horumariyaan.

3. Baabuurka 3aad, waxa uu sidaa Qaad, Daroogo iyo waalli. Balwaddaasi waxay dadkii xoolaha la joogay u horseedday xoolo-moognimo iyo dhaqaale xumo, hadda ogoow xooluhu waa isheenna dhaqaale ee koowaad, ishaasi way ku daysay, waanay sii bakhtiyaysaa.

4. Baabuurka 4aad waa mid uu wato nin ganacsade ah, weliba kuwa xoolaha dhoofiya. Bisha Arrafo ayay tagaan oo xoolaha wixii jiilaal iyo baylah ka soo badbaaday ayay ka soo duubaan oo dhoofiyaan. Ciil la ma qabeen haddii ay ganacsatadaasi xoolo-dhaqashada cilmiyeyn lahaayeen oo reer miyiga ka saacidi lahaayeen ama iyaguba mashaariic xoolo dhaqid ah oo waaweyn sameyn lahaayeen.

5. baabuur ay Haayadi wadato oo iimaan la’aan, wahsi iyo welef ay ka qaadeen. waxa fiicnaan lahayd in haayadaha la sii weydiiyo mashaariicda ay qabanayaan oo haddii ay deegaanka anfacayaan loo sii daayo oo dawladdu kaantaroosho. waxooduba xog ururin iyo siminaar buu ku uruuray. dhibtay ay abuureen baa ka badan dheefta ay sheegayaan in ay baadiyaha geeyaan.

6. Baabuurka 5aad waxa kaxeysta niman wadaaddo ah oo malcaamado iyo masaajiddo ka soo fura tuulooyinka. Gaadhigan baa ugu roon shanta baabuur, isagana saameyntiisu wax badan ma soo kordhiso, sababta oo ah:

Dadkan reer guuraaga ah ma anfacayso malcaamad tuulada fadhida oo marka ay guuraan ka hadha, waxa ka roonaan lahaa in loo tabobaro wadaad xoolo dhaqato ah oo marka ay guuraan la guura oo la duruuf ah, si aan aqoontu u hakan xilli abaareedka, ardayguna uga niyad jabin.

Masaajidka miyaa, dhulka Ilaahay oo dhami waa u masaajid iyo daahir. Tiradoodu ma badna, jamacooduna waa kooban yahay. Waxa uga habboonaan lahayd in dadka samefaleyaasha ah looga soo qaado mashaariic ceelal iyo waraabin ah, mashaariic wax-beerid iyo wax-barasho ah. Ama masaajidku waa in uu la socdo mashruuc dacwadeed oo ballaadhan, oo waxbariddiisa iyo wacdigiisaba loogu talo galay reer guuraa oo gaadiid la socdo, oo hoy la socdo oo raashin la socdo.
Qoladani iyagu wax san bay qabteen, waxa kaliya ee ay u baahan yihiin in ay waxqabadkoodan cilmiyeeyaan oo deegaanka ay ka hawlgalayaan la jaanqaadaan.

Dhige-dheeraha wixiisu waa quutal daruuri oo isagu waa iska ganacsi habboon.

Aadan Cade

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories