HomeLiiska Waddamo Dowladda Ingiriisku Muwaadiniinteeda uga Digntay inay u safraan

Liiska Waddamo Dowladda Ingiriisku Muwaadiniinteeda uga Digntay inay u safraan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa muwaaddiniinteeda dalxiisayaasha ah u dirtay digniin culus oo la xidhiidha inay waajihi karaan falal argagixiso, iyadoo ugu baaqday dadkeeda inay si degdeg ah uga baxaan waddanka Tuuniisiya.

Warkan oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in muwaaddiniinta dalxiisayaasha Biritish-ka ah khataro ku waajihi karaan dalalka woqooyiga Afrika, gaar ahaan Tuunisiya, Afghanistan, Liibiya iyo waddamo kale oo adduunka, waxana dadka Ingiriiska loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kadib markii dalxiisayaal badan oo dalkaas u dhashay lagu dilay waddanka Tuunisiya dabayaaqadii bishii June ee la soo dhaafay.

ee“Kadib weerarkii ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Sousse oo ka mid ah waddanka Tuunisiya, xogaha sirdoonka iyo sawirka khatarta ah ee noo muuqdaa sare ayuu u sii kacayaa, iyadoo aannu si dhaw ula soconno khataraha argagixiso ee jira oo xilli kasta dhici kara, sidaas darteed waxa aannu muwaaddiniintayada ugu baaqaynaa inay si degdeg ah uga baxaan gudaha dalka Tuuniisiya, cidda kale ee u safraysaana aad uga fikiraan haddii aanay hawlo muhiim ah u socon.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska Mr. Philip Hammond.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay dawladda Tuunisiya kala shaqaynaynaan sidii looga hortagi lahaa khataraha argagixiso ee muuqda, isla markaana baadhitaanno xooggan oo dhinaca ammaanka ah loo samayn lahaa, isagoo xusay inay madaxda dalkaas ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka falalka xun wada ee dhibaatada ku ah dalxiisayaasha.

Dawladda Ingiriiska ayaa sidoo kale soo saartay liiska dalal ay sheegeen in dalxiisayaashoodu kala kulmi karaan khataro nabadgelyo-darro, kuwaasoo lagula taliyey muwaaddiniintooda in aanay safar ku tagin, haddii kalena muujiyaan feejignaan dheeraad ah, waxana waddamadaas ka mid ah; Suuriya, Angola, Burundi, Burma, Cambodia, Chad, Cameroon, Colombia, Congo, Sudan, Ivory Coast, Thailand, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Egypt, Georgia, Guinea, Haiti, Mali, Saudi Arabia, Turkey, Bangladesh, Ecuador iyo Burkina Faso.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories