HomeLiiska Magacyada iyo Sawirro laga helay 400 Tahriibayaal Soomaali u badan oo...

Liiska Magacyada iyo Sawirro laga helay 400 Tahriibayaal Soomaali u badan oo ku dhintay Xeebaha Dalka Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

QAAHIR (SLpost)- Afar Boqol oo Ruux Dad tiradooda lagu sheegay oo Tahriibayaal ah oo Boqollaal ka tirsani Soomaali yihiin, ayaa ku dhintay Badda u dhaxaysa waddamada Masar iyo Talyaaniga, kuwaasoo keliya 40 Ruux oo ka tirsanaa la badbaadiyey sida ay xaqiijinayaan wararka Warbaahinta caalamku ka faafisay Shilkaas naxdinta badan.

Sawirrada Dadka Dhintay Intooda Warbaahintu Heshay Iyo Liisaska Magacyada 64 Qof Oo Dhammaantood Dadka Dhintay Ku Jira Oo Aanu Helay Waxaad Kaga Bogan Kartaan Sawirradan Hoose Oo Midkasta Oo Aad U Baahan Tahay Dhexdiisa Kilig-Garayn Karto Si Aad U Aragto Ama Ula Degto Sawirka Oo Dhammaystiran:-

tahriibeyaal (1)

Allah ha u naxariistee Dadkan ayaa Doon ka raacay Xeebaha dalka Masar, kuwaasoo Doontii ay saarnaayeen kula geddoontay Badwaynta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, isla markaana Markab ay leeyihiin Ciidammada ilaalada Xeebaha ee Giriigga, ayaa isku dayey inuu badbaadiyo dadka saarnaa Doontaas.

Hase-yeeshee, waxay dhibaatada ugu badani ka dhacday markii ay Dadka Doontaas saarnaa intooda badani isku dayeen inay ka baxsadaan Markabkaas. Doontaas, ayaa geddoontay markii ay badi dhinaca Markabku ka  soo istaagay mooyee dhinaca kale ay uga boodboodeen Doontaas iyagoo qaarkood isku dayey inay Dabbaashaan.

Halka inta yar tirada dadkaas ay isku dayeen inay dhinaca Markabka uga baxaan doonta, hase-yeeshee, nasiib-darro, Dadka dhinicii Miisaanka Dadku u batay ee xagga Badwaynta ayey u dhacday Doontaas, iyagoo dadkii saarnaa ay Biyaha Badda hoos mareen.

tahriibeyaal (2)Waxay Doontani Habeennimadii Jimcaha ee toddobaadkii hore ka baxday Xeebaha dalka Masar sida uu xaqiijiyey Weriyaha Horn Cable TV ee Qaahira oo ka tirsan dadka arrimahaas Tahriibayaasha si dhaw ula socday markii ay Masar ka baxayeen, waxaana afarta Ruux ee la badbaadiyey la geeyey dalka Giriigga oo uu u qaaday Markabka waddankaas laga lahaa ee badbaadiyey.

Warbaahinta Soomaalida qaarkeed ayaa heshay Magacyada iyo Sawirrada qaar ka tirsan Soomaalida Doontaas saarnaa oo ay ka mid yihiin dad badan oo ka tegay magaalooyinka Somaliland badankooda, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Haddaba, waxay Warbaahinta Aftahannews heshay oo aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Lixdan Magac oo ka tirsan Allaah ha u naxariistee Muhaajiriinta la helay illaa hadda Magacyadooda iyo weliba Sawirrada la helay, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Halkan Hoose oo aad kaga bogan kartaan Magacyada iyo Sawirrada aannu helnay.

Magacyada Dadka Dhintay Inta ilaa hada la Helay:-

1- Nuura Cismaan Axmed (Ina Food)

  2- Nimco-dheeman (Waxay ahayd hooyo inan yar wadata)

  3-Muuna Yuusuf Axmed

  4- Layla Xuseen Axmed

  5- Salma Muxumed

  6- Xamda Maxamed Dhakhtar

  7- Cabdirisaaq

  8- Ciise Cali

 9- Cismaan Cabdiwali Shagaxle

 10- Mukhtaar Ciise

 11- Axmed Aadan

    12- Farduus (BURCO)

    13- Ruqiya Idiris

    14- Guuleed Dalmar

    15- Deeq

    16- Cabdicasiis Cali

    17- Khadar Axmed

    18- Cabdirisaaq Maxamed Case

    19- Qadan Saalax Cabdilaahi

    20- Nuur

    21- Ubax.

    22- Hodan

    23- Xamda Wali

    24- Maxamed Khadar

    25- Tayasiir Axmed Yusuf

    26- Cawaale Xawaadle

    27- Koos Xusen Cali

    28- C/casiis Maxamed Khadar (shiyo)

    29- Sakariye Caynsane

    30- Mukhtaar Laangadhe

    31- Ubax Axmed Cabdiwali

    32- Asad Xasan

    33- Cabdicasiis

    34- Bilaale Milyare dheeliye

    35- Xamda Cabdilaahi

    36- Warda

    37- Nawaal Jibaaxe

    38- Sacad Sulub

    39- Axmed Shuuriye

    40- Mukhtaar Ciise

    41- Kowsar (Gabadhii Mukhtaar)

    42- Jamaal Cabdilaahi Mataan

    43- Cawil Gaardi

    44- Shiine Khadar

    45- Farxaan (Shoodhe Guray)

    46- Muxumed Saleebaan (Socoto)

    47- Kaltuun

    48- Siciid Casaanyo

    49-Cabdirisaaq Guray

    50- Samatar Cilmi

    51- Faysal Hanad

    52- Maxamed Mire

    53- Barwaaqo

    54- Ayman

    55- Maxamed Faroole

    56- Baashe Faarax Jaamac

    57- Khadra

    58- Cawil

   59- Axmed Abiib (Jano Gale )

   60- Aadan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories