HomeLiiska Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Wejiyada ku Cusub Saaxadda Siyaasadda...

Liiska Golaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Wejiyada ku Cusub Saaxadda Siyaasadda iyo Hay’adaha la soo kordhiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo shalay la wareegay loona dhaariyey xilka madaxweynaha, ayaa goor-dhawayd ku dhawaaqay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 32 xubnood oo isugu jira Wasiirro iyo Wasiir-ku-xigeenno.

muuse biixiGolaha Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku jiraan dhowr wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa intooda badani yihiin shakhsiyaad ku cusub saaxadda siyaasadda dalka oo aan hore xilal noocan oo kale ah u soo qaban. Waxa kale oo Golaha wasiirrada ku jira shakhsiyaad hore uga tirsanaan jiray xukuumadihii hore.

Sidoo kale Mudane Muuse Biixi waxa uu xukuumaddiisa ku soo kordhiyey Wasaarado aan hore uga jirin dalka, halka qaarkoodna uu meesha saaray kuna biiriyey wasaarado kale. Waaxyo kale oo ka tirsanaan jiray Wasaarado kale ayuu sidoo kale ku daray wasaaradaha xukuumaddiisa ka kooban tahay.

Shakhsiyaadka ku jiray Xukuumaddii SIILAANYO ee la soo celiyey

  1. Sacad Cali Shire (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda) oo loo daayey Booskiisa
  2. Shukhri Xaaji Ismaaciil Baandare (Wasiirkii Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga) oo loo daayey wasaaradeedii.
  3. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha) oo loo magacaabay Wasiirka Waxabarashada
  4. Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed Rooble (Wasiirkii Diinta Aw-Qaafta) oo Booskiisa loo daayey.
  5. Maxamed Muuse Diiriye (Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Gudaha) oo booskiisa loo daayey.
  6. Yuusuf Mire Maxamed Nuur Boos (Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex) oo loo magacaabay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
  7. Maxamed Muuse Abees (Wasiirul-dowlihii hore ee Madaxtooyada) oo laga dhigay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.
  8. Cabdilaahi Abokor Cismaan (Wasiir ku-xigeen soo maray Wasaaradda Arrimaha Gudaha/Amniga Xukuumadda Siilaanyo) immikana loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marka laga reebo 8aas xubnood, xubnaha kale ee la magacaabay ayaa dhammaantood ku cusub saaxadda siyaasadda xilalka xukuumadihii dalka soo maray, marka laga reebo wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed oo hore u soo maray Wasaaradda Gaashaan-dhigga xukuumaddii Allah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

HALKAN KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRRADA OO DHAMMAYSTIRAN

page 1 001

page 2 001

page 3 001

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories