HomeLiiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay iyo Xubno Somaliland...

Liiska Golaha Wasiirrada Cusub ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay iyo Xubno Somaliland u dhashay oo Xilal Sare looga magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Raysalwasaaraha dalkaasi Soomaaliya Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharma’arke, ayaa caawa Saqdii Dhexe ku dhawaaqay liiska Golihiisa Xukuumadda oo ka kooban 60 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiiro-dawleyaal iyo Wasiir ku-xigeenno.

Wasiirrada Xukuumadda Cumar Cabdirashiid, ayaa ka kooban 26 Wasiir iyo 9 wasiirul-dawle, halka wasiir ku-xigeennadu ka yihiin 25 xubnood, kuwaas oo isugu jira qaar wejiyadoodu ku cusub yihiin saaxadda siyaasadda, halka qaar kale oo ka mid ahi hore xilal uga soo qabteen xukuumadihii ka horeeyey.

sXubnaha Cusub ee Golaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya, ayaa waxa jira siyaasiyiin iyo shakhsiyaad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey olole ugu jiray sidii ay uga mid noqon lahaayeen dawladdaasi Soomaaliya.

Xubnaha Somaliland u dhashay ee Xilalka Sare looga magacaabay, waxa ka mid ah Maxamed Cumar Carte Qaalib oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Maroodijeex ee Somaliland, kaas oo loo magacaabay Raysal-wasaare ku-xigeen iyo Cabdiraxmaan Bayle oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal, kaas oo dib loogu magacaabay Xilkii uu hore u hayey ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

In kasta oo ay liiska ku jiraan Xubno kale oo u dhashay Somaliland, nooma suurta-galin inaanu xaqiijinno magacyadooda iyo gobollada ay ka soo jeedaan, balse goor-dhow ayaanu idiin soo gudbin doonaa, Insha Allah.

Liiska Magacyada Wasiirrada

  1. Maxamed Cumar Carte Ra’iisul – Wasaare Ku Xigeen
  2. Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed – Wasaaradda Caddaaladda
  3. Axmadey Sh. Mukhtaar – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  4. Cabdikariin Xuseen Guuleed – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  5. Xuseen Cabdi Xalane – Wasaaradda Maaliyadda
  6. Maxamed Sh. Xasan Xaamud – Wasaaradda Gaashaandhigga
  7. Cabdirixman Ducaale Bayle – Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
  8. Cabdullahi Maxamed Cali – Wasaaradda Amniga Gudaha
  9. Cabdullahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” – Wasaaradda Waxbarashada
  10. Yusuf Macalin Amiin – Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  11. Maxamud Cali Magan – Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
  12. Cabdiqadir Cabdi Xashi “Gaabane” – Wasaaradda Arimaha Dastuurka
  13. Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” – Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
  14. Mustaf Sh. Cali Dhuxulow – Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
  15. Cabdullahi Sh. Ismaacil – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  16. Maxamed Cumar Caymooy – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  17. Cabdalla Boos Axmed – Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  18. Xuseen Maxamed Sheekh “Badni” – Wasaaradda Beeraha
  19. Ducaale Aden Maxamed – Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
  20. Cabdiraxman Cabdi Cusmaan – Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
  21. Nadifo Maxamed Cusman Wasaaradda – Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
  22. Khadiija Maxamed Diriye – Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
  23. Maxamed Mukhtar Ibrahim – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  24. Daauud Maxamed Cumar – Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
  25. Abuukar Cabdi Cusman “Mardadi” – Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
  26. Saciid Xuseen Ciid – Wasaaradda Caafimaadka

Magacyada Wasiiru Dawlayaasha

  1. Cabdullahi Yusuf Alankey – Wasaaradda Amniga Gudaha
  2. Maxamuud Hayir Ibrahim – Madaxtooyada
  3. Khalid Cali Cumar – Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  4. Maxamed Adan “Fargeti” – Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
  5. Maxamed Cali Xagaa – Wasaaradda Gaashaandhigga
  6. Cabdullahi Maxamed Nuur – Wasaaradda Maaliyadda
  7. Xasan Maxamed Jimcaale – Wasaaradda Arimaha Dastuurka
  8. Burci Maxamed Xamza – Wasiiru Dawlaha XRW Arrimaha Bay’adda
  9. Caadil Sheegow Sagaar – Xidhiidhka Baarlamaanka

Magacyada Wasiir Ku-xigeenada

  1. Cabdullahi Bile Nur – Wasaaradda Caddaaladda
  2. Cabdiraxman Kulmiye Xirsi – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  3. Saacid Xaji Maxamuud -Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
  4. Fahma Axmed Nur – Wasaaradda Maaliyadda
  5. Cabdalla Xuseen Cali – Wasaaradda Gaashaandhigga
  6. Mahad Maxamed Salad – Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga
  7. Ibrahim Yarow Isaq – Wasaaradda Amniga Gudaha
  8. Xaamud Cali Xasan -Wasaaradda Waxbarashada
  9. Yusuf Xayle Jimcaale -Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  10. Sharif Maxamed Xasan -Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga
  11. Xaji Cali Sh. Maxamed Nur -Wasaaradda Arimaha Dastuurka
  12. Maxamed Kheyrow Maxamed -Wasaaradda Korontada iyo Biyaha
  13. Cabdullahi Colaad Rooble -Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha & Dalxiiska
  14. Xirsi Adan Rooble -Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  15. Maxamed Cumar Geedi -Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  16. Cabdishakur Cali Mire -Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  17. Cabdirashid Maxamed Xiddig -Wasaaradda Beeraha
  18. Jamaal Xasan Ismaacil -Wasaaradda Sportiga iyo Dhalinyarada
  19. Sacdiya Careys Ciise -Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha
  20. Cusman Libaax Ibrahim -Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska
  21. Mumina Sh. Cumar -Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
  22. Saciid Jamac Maxamed Qaalib -Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  23. Maxamed Axmed Abtidoon -Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka
  24. Cabdikarin Cige Guuleed -Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
  25. Dr. Cusman Maxamud Dufle – Wasaaradda Caafimaadka
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories