HomeLibin-Gaasire Guuli ka dheer, Cid kalena Guusha uma oggola!!

Libin-Gaasire Guuli ka dheer, Cid kalena Guusha uma oggola!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

engWaxaynu beryahan dambe war-baahinta ka maqlaynay ama aynu ka arkaynay haddallo xiqdi, xad-gudub iyo deelqaafba ah oo M/weynaha Qaranka, Qoyskiisa iyo Xukuumaddiisaba lagu weerarayey. Hadalladani waxay salka ku hayaan xag-xagasho xeeladaysan oo ay wadaan kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti, hammi iyo himilo siyaasadeed oo u gaar ah oo ka duwan ta danta guud ee shacbiga. Hadalladaa xanafta leh ee had iyo jeer warbaahinta lala horfadhiyo waxay salka ku hayeen dhalliilo iyo dhaleeco aan dhab ahaan jirin waxayna bulshada ku abuurayaan xiqdi, tafaraaruq iyo isku dhac.

Waa dhacdo dabiici ah in Xukuumad kasta oo talada dalka qabataa ay la kulanto carqalado iyo xaalado adag oo  uu waqtigu wado oo ka dhasha isbeddellada dhaqan-dhaqaale ama siyaasadeed ee markaa taagan. Sidoo kale waxaa jiri kara xoogag, kooxo iyo shakhsiyaad iyagu mar-walba wata aragti iyo himilo u gaar ah oo ka duwan ta xukuumadda waqtigaa talada haysa, kuwaasoo mar walba u tafa-xaydan diyaarna u ah inay tallaabo kasta oo xukuumadda qaado u tarjuntaan si qaldan, sidaa qaldan oo ay u arkaan inay dantooda gaarka ahi ku jirto. Kooxahani waxay dedaal joogto ah ugu jiraan in guusha, wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddu ku tallabsato shacbiga loogu macneeyo guul-darro iyo dib-u-dhac.

Haddaba, Bulshada waxa ugu liita qofka Qariya, Xaqira, Dafira ama Iska-indhatira wixii wanaag iyo horumar ah ee dalka iyo danta guud ee bulshadiisaba u soo kordha. Ummaddoo dhammi way wada arkaan wanaagga soo kordhay, balse qofkaa isaga ah iyo intii fikirka kula shuraakada ahi iyagu ma arkaan.

Qofka leh hab-dhaqanka noocan ah, waxa Minqiyaaskiisa haga dareenka Dan-shaqsi kafikirka iyo dareenka-qabiilka. Qofkani waxa keliya ee uu ka fikiraa waa sidii uu qof ama qabiil wax u noqon lahaa. Danta Qaranka waxa kala weyn danta Qabiilka. Waxa keliya ee uu guul u yaqaannaa waa marka uu isagu guushaa iyada ah iska-dhex-arkayo ama qof iyo/ama koox kale oo ay isaga isku hayb yihiin ama ay dano gaar ah wadaagaan ay guushaa iyada ah ku suntan yahiin, haddii kale guul lama gaadhin! Haddaba qofkani waa ruux gardiid ah, garowshiiyana aan oggolayn, garaadkiisu fooraro oo guusha u soo hoyata Shacabkiisa aanay isaga guul u ahayn.

Abwaan reer Somaliland ah ayaa mar la weydiiyey bal inuu jiro erey ama weedh lagu tilmaansan karo dadka tilmaamahan oo kale leh, ayaa wuxuu ku soo ururiyey eray murtiyeed kooban wuxuuna yidhi: “Qofkaasi waa Libin-Gaasire

Libin-Gaasire waa qof mar walba u tafa-xaydan xiqdi, xumaan iyo xag-xagasho aan dhammaanayn. Hab-dhaqanka iyo Dabeecadaha Libin-Gaasiraha lagu yaqaanno waxa ka mid ah:

a)    Isaga keligii baa wax yaqaan, dadka kale oo dhammi waa juhala!

b)    Isaga keligii ayaa toosan, dadka kale dhammaantood way qaldan yihiin!

c)    Wixii uu shalay wanaag u yaqaanay, maanta wuxuu u yaqaan xumaan!

d)    Wixii uu shalay ammaani jiray, maanta wuu dhaleeceeyaa ama caayaa!

e)    Wax buu dhalliilaa oo intaa dhaleeceeyaa, isaguse midnaba uma dulqaato!!

f)     Waa la col qofkii isaga ka aragti duwan ama aan isaga si wax ula arag!!

g)    Ma laha mada’ iyo martabo siyaasadeed oo muuqda, fikirkiisa siyaasiga ahina waa mid jaah-wareersan oo aan meel loo raaco lahayn!!

h)   Waxa uu ka fikiraa waa keliya dan shaqsi oo uu isagu leeyahay.

i)     Wuxuu adeegsadaa caadifadda qabiilka iyo nacayb shakhsiyadeed.

j)    Wuxuu ka shaqeeyaa fidmo, xaalad-abuur iyo xumaan bulshada la kala dhex dhigo.

k)   Wuxuu sheegaa dhib iyo dhalliilo badan oo jira, balse bulshada uma sheego siduu xalku ku jiro iyo qaabkii lagaga bixi lahaa!!

l)     Wixii dhib ama dhalliil ah ee uu arko, si asluub iyo nasteexo leh uguma gudbiyo ciddii ay khusaysay, wuxuu adeegsadaa war-baahinta!!

m)Wuu ka horyimaaddaa ama ku mucaaridaa cid kasta oo talada iyo hoggaanka dalka qabata, kol ay tahay walaalkii ama saaxiibkii !!

 

Gabagabo:

Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL. Kasbasha kalsoonida shacbigu waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada wax-qabad ee Xukuumadda iyo horumarka uu dalku hiigsanayo. Shacbiga oo qira kuna qanca waxqabadka iyo qaabka ay Xukuumaddu dalka u maamulayso waa guusha iyo haybadda ugu sarraysa ee uu hoggaamiyuhu ka heli karo ummaddiisa.

Waxa lagama-maarmaan ah in la difaaco hurumarka, hiigsiga iyo himilada ay ummaddu leedahay. Sidaa daraadeed, Xukuumaddu ha ku dhiirrato inay si cad u difaacato wax-qabadka baaxadda leh ee ay la timid. Guusha ay Xukuumadda ku tallaabsato, dhan kasta oo ay tahayba, cidina gaar uma laha oo cidna lagama xigo lagamana sheegan karo! Xukuumaddu markay guulaysato macnaheedu waa Ummadda Jam.Somalilandoo dhan ayaa Guulaystay.

Shacbigana waxa ku waajib ah inay iska ilaaliyaan Libin-Gaasirayaasha, oo ay runta iyo xaqa u hiiliyaan oo ay ka gudbaan u habrashada qabiilka ee dabarka iyo hoggaanka ugu xidhay nin ama koox qalloocan oo hayb-qabiil lagu taageerayo. Libin-Gaasire haba yaraatee ma wado dan ay ummaddu leedahay, inuu iyaga ku danaysto mooyee.

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

JamhuuriyaddaSomalilandHA NOOLAATO

“Allow ku Gar-gaar Geyiga Nabadow (JSL), Dadkana Garansii Guul iyo Gobannimo

W/Q:Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|

(La soco:Libin-Gaasire Guuli ka dheer, Cid kalena Guusha uma oggola!! )

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories