HomeLiberland oo bogaadiyey Xidhiidhka Dibloomasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan

Liberland oo bogaadiyey Xidhiidhka Dibloomasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Liberland, ayaa ku hambalyeysay Somaliland iyo Taiwan xidhiidhka dibloomasiyadeed ee u furmay iyo xafiisyada ay labada waddan is-weydaarsadeen.

Wakiilka Somaliland ee Taiwan Maxamed Xaaji iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Joseph Wu, ayaa horaantii bishan Caasimadda Taipie si wada-jir ah ugu daah-fray xafiiska Somaliland ee Taiwan. Sidoo kale dalka Taiwan, ayaa xafiis ka furtay caasimadda Hargeysa 17-kii August ee sannadkan munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wakiilka Taiwan.

blank

Sida aanu ka soo xigannay Warbaahinta Liberland Press, Wasiirka Arrimaha Dibadda Liberland, Thomas Walls, ayaa ku hambaleeyey labada waddan xafiisyada dibloomaasiyadeed ee ay is-weydaarsadeen.

“Liberland waxay ku bogaadinaysaa Somaliland iyo Taiwan furitaanka xafiisyada wakiileed ee labada dal. Waa tallaabo ku dhiirrigelinaysa Liberland inay aragto saaxiibadayada labada waddan inay xoojiyaan xidhiidhkooda iskaashi. Labada qaranba waxaa ka go’an nabada iyo barwaaqada, iyo kordhinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi, waxay si ficilah ugu dhaqmayaan madax-bannaanidooda. Liberland waxay xidhiidh aad u wanaagsan la leedahay Somaliland, waxaananu rajeyneynaa inaan kan oo kale la yeelano Taiwan.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Liberland oo u warramay Liberland Press.

Waddanka Liberland ayaa noqonaya dalkii ugu dambeeyey ee ka hadla xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, iyadoo ay hore xidhiidhka labada waddan u soo dhaweeyeen waddamo dhowr oo beesha caalamka ka tirsan.

Liberland, ayaa ah waddan madax-bannaan oo ku yaalla qaaradda Yurub, gaar ahaan dhexeeya dalalka Croatia iyo Serbia. Waddankan oo aanu wali aqoonsi ka helin beesha caalamka, ayaa laga aasaasay dhul sannadkii 2015-tii. Haseyeeshee, dalkan ayaan xubin ka ahayn Ururka Qaramada Midoobay, waana waddan sida Somaliland iyo Taiwan dedaal ugu jira aqoonsi uu beesha Caalamka ka helo.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories