HomeLAYTAL KHADAR – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

LAYTAL KHADAR – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankErayga khadarmarka qof Soomaaliyi maqlo waxa maankiisa ku soo dhacaya khayr iyo badhaadhe iyo barwaaqo. Sidaa darteed, marka ay dhalato carruur sida badhaadhaha iyo barwaaqada loo filayay waxa loo bixiyaa Khadarama Khadra.Erayguna wuxuu asal ku leeyahay diinteena Islaamka; iyada oo culamada tafsiirka qaarkood yidhaadaan adoonkii wanaagsanaan ee uu Nebi Muuse (NNKHA) raacay, sida ku xusan Suurtul Kahf, waxa magaciisu ahaa Nebi Khadar.

Waxa kale oo diinteenna iyo dhaqankeenna suuban ee Islaamka ka mid ah cibaadada bisha Ramadaan. Bishaasi waa bil weyn oo shanta tiir ee Islaamka ka mida ah; waxana ku jira sodanka casho ama sagaal iyo labaatanka casho ee bisha, habeen weyn. Habeenkaana Ilaahay (SWT) waxa uu u bixiyay Laylatul Qadar. Sida Quraanku sheegayna, cibaadada habeenkaa la cibaadaystaa waxay ka khayr badantahay kun bilood cibaadadood. Dadka Muslimiinta ahina in ay khayrkaa if iyo aakhiroba helaan ayay habeenkaa u dadaalaan.

Hase yeeshee dhaqanka Islaamka ee Soomaalida qaarkood, khayrka badan ee cibaadada khayr aan ahayn, oo la filayo in uu qofku habeenkaa weyn ka helo aduunka, ayay xilliyo aynu dhaafnay dadka qaarkood dhexgeliyeen. Dadka filashadaa habeenka weyn dhexgeliyayna waa dad badhaadhe aduun doonaya. Dadkaasi waxay ay yidhaadeen waxa jira wax Laytal Khadar la yidhaado oo habeenkaa soo baxa oo la helo. Laytal Khadarna habaanka waxa uu iska dhigaa wadaad miskiin ah oo maryo duug ah sita  Inkasta oo aanay sheekadu asal lahayn, hadana dadka qaar ayaa rumaystay, siiba xillyadii Suufiyaddu xoog ahayd.Waa tan sheeko la xidhiidha Laytal Khadar oo xilliyadda dhacday.

“Nin ayaa aad u soo jeeday habeenkii Laylatul Qadar. Waxa uu ku soo jeeday makhaayad xadiis laga akhriyay, qasaa’idkii nuurqanigana laga qaadayay. Meelahaas oo xilliyadii hore taraawiixda dabadeed lagu soo jeedi jiray, iyada oo marna kutub la akhriyo marna qasaa’id, durbaan iyo sacab wata, la qaado. Habeenkana la noolaynayo; Laytal Khadarkiina la sugayo.

Markay saqdii dhexe dhaaftay, ayaa ninkii gurigiisii u kacay, isaga oo filaya in uu caawaa helo Laytal Khadar. Meel banaana ah haddii uu marayo, ayuu wuxu ku soo baxay nin wadaad u eg oo maryo duug ahna xidhan. Wuxu naftiisii ku yidhi, “Waar, caawo waadigan Laytal Khadar helay. Wax badan ayaad raadinaysye, haddaba caawo yaanu ku dhaafin.” Markuu ninkii la gudboonaa, ayaa la booday oo tuurta u ritay. “ Waar, maxaa dhacay!?”ayuu isaga oo naxsan yidhi, “Maxaad iila booday; xageedse igu wadaa!?” “Waa ayaankayga!” ayuuu celiyay, “ In badan baan raadiyay ma cawaan helay Laytal Khadar!” “Waar, ma ihi Laytal Khadar i dhig.” Ayuu ninkii la qafaashay ku yidhi. Inta uu suulkii taabtay ayuu ku yidhi, “Suulkii jilicsanaana waa leeyahay. Wallee, waanan ku dhigin. Caawaaba aan bashbash iyo barwaaqo helaye sideen kuu dhigaa.”

Laytal Khadar-doon ninkii miskiinka ahaa qafaalaye, tallow, ma garbahaa daali, mise badhaadhe iyo barwaaquu ka deefi!!!?

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories