HomeLawska Oo La Ogaadey Inuu Ka Qayb Qaato Cimri Dhererka

Lawska Oo La Ogaadey Inuu Ka Qayb Qaato Cimri Dhererka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SLPOST)Waxaanay kusameeyeen tijaabo dhinaca faa’idada lawska ah dad aad u badan oo isugu jira rag iyo dumarba,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaayey 120,000 qof

images

Daraasad cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ahi ayaa lagu sheegay in lawska oo la cuno maalintii dhowr midh uu keeno cimriga qofka oo dheeraada ,sida ay ku sheegeen war hor dhac ah oo ay kazoo saareen daraasadaasi ay wadeen khubaradasi .

Daraasad ayaa noqonaysa tii ugu balaadhnayad ee abid laga sameeyo lawska iyo faa’idooyinkiisa ,taas oo ay sameeyaan maxadyada iyo jaamacaddaha ku yaala dalkaasi Maraykanka,sidoo kalena caalamka intiisa kale ayaan samayn daraasad sidan u balaadhan oo ku saabsan cunitaanka lawska iyo waxyaalaha laga helo intaba,sida ay khubaradani sheegeen.

Waxaanay kusameeyeen tijaabo dhinaca faa’idada lawska ah dad aad u badan oo isugu jira rag

iyo dumarba,kuwaas oo tiro ahaan gaadhaayey 120,000 qof ,waxaanay da’aan u dhexeeyen 30 sanno jir,iyada oo muddo dheer soo socotay daraasadasi aanay jirin siday sheegeen khubaradani cid dhimatay oo kamid ah dadka lawska cuna ,sida ay ku daabaceen wargeyska lagu magcaabo New England Journal of Medicine.Waxay sheegeen in cunida qaybo lawskaasi kamid ah oo maalintii la cunaa ay yarayso  13% dhimashada iyo weliba  wadne xanuunka ,iyada oo ay sidoo kale xuseen in waxooga laws ah oo la cuno kana badan inta hore ay sidoo kale aad u yarayso dhimashada ilaa 20%,siday daraasadasi tilmaantay.

“waxyaalaha ugu badan ee faa’idada ah ee aanu ogaaney ayaa ah in dhimashada badan ee ka timaada wadno xanuunka iyo istaagista wadnahaba,iyada oo dhimashada labadaasi ka timaada ay yaraato 29% ,waxa kale oo aanu aragnay inuu yareeyo u dhimashada xanuunka loo yaqaano Cancer-ka oo ah mid dadka dhibaato badan ku haya,waxaanu yareeyaa qiyaas ahaan 11%”.sidaasi waxa yidhi Dr Charles Fuchs oo ah madaxa cilmibaadheyaasha kana socday Dana-Farber Cancer Institute  kuna yaala maaalada Brigham ,sidoo kale ka hawl gala Dhakhtarka dumarka ee Women’s Hospital.

Lawska ayaa ah mid duxdiisu aanay aad u badnayn,iyada oo ay khubaradu sheegeen in uu yaryahay duxda faraha badan ee lagu sheego inay ku jirto lawska ,sidoo kalena waxa jira Vitamins badan iyo sidoo kale Proteins badan,waxa kale oo lagu sheegay inay ku jirto waxyaalo ka hortaga suntan,iyada oo ay yaraanayso wadne xanuunku.

Saliida ku jirta lawska iyo sidoo kale waxyaalo kale oo laga soo saaro ayaa  yareeya xanuunada caloosha ku dhaca,sidoo kalena waxa uu yareeyaa yalaalugada  sida ay khubaradaasi  shegeen.

 

Somalilandpost.net

Diyaariye:-C/qaadir Askar

askars4@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories