HomeLatest Opinion Poll: Doorashooyinka Degaanka Somaliland Iyo Sida Loo Soo Kala Baxayo

Latest Opinion Poll: Doorashooyinka Degaanka Somaliland Iyo Sida Loo Soo Kala Baxayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Ali Abdi Dhimbil

Ayaamahanba waxaynu arkayney xamaasadii ugu weyneyd ee wadanka Somaliland ka dhacda tan iyo xiligii xornimada aay ka qaateen dawlada ingiriiska.  Hadaba waxaan ogsoonahay in dadka badidiisu wax u dooranayaan macne qabiil iyo degaan ahaan, waxaana badiyaana xisbiga lagu doortaa waa yaa hogaanka u haya.  Inkastoo aan la odhan Karin xisbiyada oo dhami waxay ku salaysan yihiin qabaail.  Masalan, xisbiyada Kulmiye, Wadani, Xaqsoor iyo Rays waxay badiyaaba ka socdaan cross section of the community, inkastoo hadana iyaga qudhoodu ku kala badan yihiin cida qabiilnimo iyo degaan ku dooranaysa.

Hadaba anigu markaan indha indheeyey gobalada Somaliland iyo xisbiyadu awooda aay ku leeyihiin gobol kasta, waxay u badan tahay inay ururadu sidan ama sidan u soo kala baxayaan:

Sidan:     ama       Sidan:

Kulmiye                   Wadani

Wadani                    Kulmiye

Xaqsoor                  Rays

Horta sideedaba maaha khasab inaay ururada iyo xisbiyada waaweyn ee sida Kulmiye, Wadani aay soo baxaan.    Mida kale ururadu yaay moodin in dhalanteedkii ololayntu u keenayso codayn , waayo sideedaba dadku laba xisbi ayay badidoodu taagersanyihiin, amaba sidoodaba waay u soo daawasho takaan cida tartamaysa maalin kasta.

Waxa kaloo jira in sideedaba dadka foodaya wadanka oo dhan aanay ka badnayn million iyo half marka loo eego wadanka inta ka foodi karta 3million population.   codayntuna uma kala qaybsami karto waxaas oo xisbi ah.  Hadaba aniga waxay ila tahay inay dadku caadifada iska daayaan, oo maskaxdooda isticmaalaan.  Waayo waxa laga yaabaa in xisbigaaguna  aanu soo bixin, xisbigaaga labaad ee aad dooran lahaydna aanu soo bixin, oo markaad aad ku hungoowdid dhinac walba.

Ka soo qaad caasimada Hargeisa iyo Burco dadka ku nool, caasimadana waxaa ku nool one Million, magaalada Burcana waxaa ku nool half a million.  Hadaba markaad u qaybiso 7 todoba xisbi, caasimada Hargeisa waa maxay percentage aay kala helayaan xisbiyadoo dhami?  Markaa halkaa waxaad ka garanaysaa inay hadhayaan Ummada, Dalson iyo Ucid, oo dad tira yari aay taageeraan.

Waxaa dhacaysa koleyba in dadku doortaan xisbiyada dadku aay u siman yihiin, ee taageerayaasha balaadhan ka haysta wadanka intiisa badan, sida Wadani Iyo Kulmiye, inkastoo Xaqsoor iyo Rays aanay iyaguna dab yar shidayn.  Markaa waxaan dhici karta in dadka taageera ururada aan laga yaabin inay soo baxaan sida Ummada , Ucid iyo Dalsan aay codkooda siiyaan Wadani iyo Kulmiye.  Sidoo kale kuwa aan happy ku ahayn Kulmiye iyo Wadani toona, waxay koley ugu ridayaan Xaqsoor iyo Rays oo aad ugu dhowdahay inay soo baxaan.  Koleyba 48 hours soo socda ayaa dadka badan ee aan weli madaxa meel ku haya laakiin aan cagaha la gelin, aay uga fekeri doonaan xisbiyada aay is leeyihin waay soo baxayaan.  Madaama aay khasaare u arkayaan urur aanay suurta gal ahayn inay soo baxayaan inay codkooda siiyaan.

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, koleyba afartan xisbi ama urur ee aan soo sheegay ayaa sadex ka mid ahi soo baxayaan, markaa adigoo caqli fayoob la imanaya, oo aanay caadifad iyo cadho ku qaadin, ka feker maalmahan ugu danbeeya cida aad doonaysid inay ka soo baxaan afartan urur ama xisbi  ee ka haysta taageerayaasha fara badan degaanada oo dhan.   Sidaa daraadeed waxaa laysku wada raacay inay afartan urur ee ugu cad cad, oo taageero farabadana ka haysta wadankoo dhan, aay sadex ka mid ahi soo bixi doonaan insha’allah.

Wadani        21%

Kulmiye       19%

Xaqsoor       16%

Rays             14%

Ummada     12%

Dalsan         10%

Ucid             8%

Ali Abdi Dhinbiil

Political Analyst

London

Ali.dh@hotmail.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories