HomeLama Dafiri Karo Doorka Ay Somaliland Ku Leedahay Marin Biyoodka Gacanka Cadan...

Lama Dafiri Karo Doorka Ay Somaliland Ku Leedahay Marin Biyoodka Gacanka Cadan Iyo Badda Cas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Shir ka qabsoomay magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga, ayaa si rasmi ah loogu saxeexay Axdiga lagu aasaasayo Golaha dalalka Afrika iyo Carabta ee wadaaga xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, golahaas oo ujeedadiisu tahay ilaalinta ammaanka iyo bad-qabka biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

blankWaxa heshiiskan saxeexay Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Sucuudiga, Ereteriya,  Yemen, Soomaaliya, Masar, Suudaan, Jabuuti iyo waddanka Joordan, iyadoo sida qorshuhu yahayna heshiiska axdigan loo gudbin doono kulan ay yeelan doonaan Madaxweyneyaasha iyo hoggaamiyeyaasha dalalkaas, kuwaasoo la filayo inay si rasmi ah u dhaqan-geliyaan.

Fikirkan lagu aasaasayo Gole lagu midaysan yahay oo ilaaliya amniga iyo danaha guud ee Badda Cas iyo Gacanta Cadan, waxa hindisihiisa lahaa, isla markaana dabada ka riixaya dalka Boqortooyada Sucuudiga, iyadoo uu qorshahaasi soo bilaabmay sannadkii 1956-kii oo hadda laga joogo muddo 64 sanno ah, waxaanna arrintan lagu falanqeeyey shir saddex-geesood ah oo lagu qabtay magaalada Jiddah, isuguna yimaadeen hoggaamiyeyaasha dalalka Sucuudiga, Masar iyo Yemen.

Hindisahan lagu samaynayo Golaha Iskaashi oo soo jiitamayey ilaa xiliyadaas, una taabo-geli waayey duruufo la xidhiidha arrimo siyaasadeed iyo khilaafyo lagu kala argti duwanaa, waxa haddana mar kale dib loo bilaabay shirar uu Sucuudigu ka shaqeeyey oo la qabtay sannadihii 1972-kii, 1974-kii, 1975-kii, 1976-kii, waxaana mar walba shirarkaas kala duwan lagaga hadlayey sidii loo samayn lahaa iskaashi guud oo khuseeya Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ah marin-biyoodyo muhiim ah oo isku xidha saddex qaaradood oo kala ah; Afrika, Aasiya iyo Yurub, iyadoo shirarkaas hore u qabsoomay uu ugu dambeeyey shir lagu qabtay magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga sannadkii 1982-kii, waxaanna heshiis guud oo shirkaas ka soo baxay wada saxeexay dalalka Sucuudiga, Jordan, Masar, Sudan, Yemen, Soomaaliya iyo Jabuuti, balse heshiiskaasi waxa uu ku dambeeyey fashil.

Qorshahan dhawrka jeer fashilmay, ayaa haddana mar kale dib u soo cusboonaaday sannadkii 2018-kii, waxaana dib u soo aakhiro-toosiyey dalka Sucuudiga oo qabtay shirar lagu aasaasayo Golahan aan lagala tashan dalka Somaliland, iyadoo uu shirarkaas ugu dambeeyey shirka ay 06/01/2020 magaalada Riyaad ku yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka wadaaga xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Geesta kale, waxa sannadahaas lagu gudo-jiray hindisahan, waxa iyaguna socday oo saamayntooda xooggan lahaa mabaadii’dii Shuuciyadda iyo Hantigoosiga oo ay kala hoggaaminayeen dalalka ku bahoobay Isbahaysiga NAATO iyo Xulafada Waarso oo ay hormuud u kala ahaayeen Maraykanka iyo Ruushku, waxayna arrintaasi saamayn ku yeelatay dalalka Afrika iyo Carabta oo la kala saftay mabaadii’daas.

Haddaba, kala-qoq-qobnaantaas siyaasadeed, waxa ay keentay in quwadahaas waawayni ay ku hirdamaan wadammada Carabta iyo Afrika, kuwaas oo dagaalo badan dhex mareen, noqdayna kuwo kala aamin baxa, sidoo kale hirdankaas siyaasadeed waxa uu ragaadiyey danaha Sucuudigu ka lahaa inuu helo isbahaysi ay samaystaan dalalka wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Qaaradda Afrika waxa ka jira urur-goboleedyo qaarkood ay khasab noqotay in lagu midoobo, taas oo ay ogaadeen in lagaga bixi karo dhibaatooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee waddan walba goonidiisa u saameeyay, urur-goboleedaddan ayaa keenay wadammadii oo wadaagay siyaasadda, dhaqaalaha iyo is-dhexgal sababay in ay dhaqaalihii dalalkaas kobcaan, qaarkood ayaana yeeshay hal baasaaboor oo dadkooda u fududeeya in la wadaago, isdhex-gal ganacsi xor ah iyo khayraadka lagu kala duwan yahay.

Haddaba, dalka Somaliland waa waddan buuxiyay dhammaanba shuruudaha dalnimo, kaas oo lagu hal-beego in marka dal la sheegayo uu buuxiyo qodobbo dhawr ah oo ay ka mid yihiin;

 

  1. Ma leeyahay xuduudo cayimman?
  2. Ma leeyahay dad?
  3. Ma leeyahay Xukuumad iyo Hay’ado sharci oo shaqaynaya?
  4. Ciidan, calan iyo lacag u gaar ah.

Waxaa marag-ma-doon ah in ay intaasiba ka jiraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana u soo qabsoomay doorashooyin xor iyo xalaal u dhacay, waxaana ka jira xisbiyo qaran, Goleyaal qaran oo kala madaxbannaan, isna dheeli-tira.

Dalkan Somaliland mar haddii uu shuruudahaas oo dhan buuxiyay, waxa uu xaq u leeyahay in uu iibiyo oo ku gorgortamo muhiimadaha Allaah ku mannaystay iyo dhulkiisa juquraafi ahaan istaraatiijiga ah, sida xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo ka khayraad badan dalal badan, waxaa kaloo waddankan ku jira Saliiddo iyo macdano lingaxan oo aad loogu baahanyahay. Khayraadka kale ee wadamada dunidu baahida u qabaan waxaa ka mid ah Beeyada oo laga sameeyo quwadaha maanta lagu hirdamayo. Xoolaha nool iyo beeraha ayaa iyaguna ah waxyaabaha anfikara Urur-goboleedyada ama wadammada daneeya maalgashiga iyo ganacsigaba, waxayna Somaliland door weyn ku leedahay danaha iyo amniga Badda Cas.

Haddaba, golahan cusub ee la baxay Golaha Carabta iyo Afrika ee lagu ilaalinayo danaha guud ee Badda Cas iyo Gacanka Cadan, ayaa u muuqda inuu yahay mid iska indho-tiraya jiritaanka Somaliland iyo maamulkeeda sharci ee ay ku leedahay biyaha Badda Cas, waxaanan u sheegaynaa in ay hilmaameen cidda wax ku kordhin karta ee ay la wadaagi karaan xeebta Badda Cas ee ku dhereran Somaliland, halkaas oo juquraafi ahaan iyo xuduud ahaanba uu mulkiyaddiisa leeyahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa kale oo aan la iska indho-tiri karin in dhammaan dhulka Somaliland ay gacan buuxda ku hayeen dowladahii kala dambeeyay ee doorashooyinka is ku beddelay, kuwaas oo marnaba aanay ka dhicin ammaan xumo iyo dagaalo kooxeed, inkastoo ay mararka qaar jiraan rabshado dhul-daaqsimeed la xidhiidha oo ka dhaca degaanno ka mid ah Somaliland, haddana heshiisyo buuxa ayaa laga gaadhaa arrimahaas.

Qormadani waxay ku talinaysaa in madaxda qaranka ee hoggaanka inoo hayaa ay qaadaan olole lagu muujinayo, laguna iibinayo istraatijiyadaha ay nu ku leennahay Mandaqadda muhiimka ah ee Ilaahay innagu beeray iyo khayraadkeena dihin ee dhulka ka buuxa, waxaa kaloo innagu waajib ah in aan shaacino cududda buuxda ee aan ku hayno dhulkeena guud ahaan, iyadoo aanay ciidamo shisheeye iyo xulufooyin kale aanay gacan innaga siin faro ku haynta bug-caddeena ammaanka ah.

Aqoonyahanka, siyaasiyiinta, saxaafadda, qurbo-jooga iyo dadka la qadariyo ee bulshadeena waxaa waajib ku ah in in ay cod dheer iyo mid gaabanba ku sheegaan qaybta aynu u leenahay sharciyada xeebaha dhulkooda ku gedaaman iyo doorka shariifka ah ee ay ku horumarin karaan midawyada jaarka iyo mandaqadaba, kuwaasoo uu ugu horeeyo qorshahan uu Sucuudigu dabada ka riixayo.

Golahan isku-magacaabay Golaha Carabta iyo Afrika ee wadaaga xeebta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay u baahanyahiin in ay wajahaan xaqiiqda oo ay ogaadaan in Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba waddan oo walaalo ah, kuwaas oo midawgoodii ku kala noqday 31. May 1991, taasina ay ka dhigan tahay Somaliland leedahay, gacantana ku hayso xeebta Badda Cas sharci ama khariirad ahaanba,  waana halkan dalka lagala xaali karaa xeebtan dheer ee ammaankeedu suganyahay ee marinka u ganacsiga adduunka.

 

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories