HomeLacag xawaaladdii Qaran u taalay Maxkamadda Gobolka hargeysa oo la Lunsaday iyo...

Lacag xawaaladdii Qaran u taalay Maxkamadda Gobolka hargeysa oo la Lunsaday iyo qof u xidhan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa(SLpost) Xawaaladdii Qaran ee albaabada loo laabay ayaa sahayatay qaar ka mid ah garsorayaashii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee dhawaan la eryey, kadib markii guddida Cadaaladda Somaliland ku heshay in la Lunsaday lacag shirkadaasi lahayd oo laga ururiyey guriga Fooqa ah ee xarunta u ahaan jiray, kaasoo kiradiisa ay Maxkamadda Gobolku u ururin jirtay saamilaydii ku khasaartay.

Ilo wareed muhiim ah ayaa Farriinnews.com u sheegay in Qasnada Maxkamadda Gobolka Hargeysa laga waayey lacag lagu qadaray konton kun oo Doolar oo ahayd lacag kiro ahayd oo muddo laba sano ah laga ururiyey Fooqa Shirkaddii Xawaaladda ee qaran ee la xidhay, taasoo dacwad ay qaar ka mid ah saamilayda shirkadaasi ka furteen Maxkamadaasi, kadib markii muran ka dhashay sababtii ay u musalaftay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Lacagtaas oo uu gacanta ku hayey mid ka mid ah shaqaala hoosaadka Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex la waayey, taasoo sababtay in Guddoomiyihii hore ee maxkamadaas ee la eryey Feysal Dhaga Dhago lagu eedeeyey in uu dayacay maadaama uu isagu masuul ka ahaa Maxkamadda.

Guddida Cadaaladda ayaa la sheegay inay Guddoomiyihii Maxkamaddaasi amartay in uu keeno lacagtaas ama xidho qofkii gacanta ku hayey lacagtaasi, waxaanay arrintaasi sida la sheegay soo dadajisay in uu xidho shaqaalihii gacanta ku hayey isla markaana isagii uu xilka ku waayey.

Sidoo kale, Garsoorayaashii Maxkamadaha ee la eryey ayaa la sheegayaa in lagu eryey dhacdooyin noocan la mid ah iyo kuwo kale oo ay Guddida Cadaaladdu cagta saartay kadib markii ay cabashooyin farabadani ka soo gaadheen dadweynihii ay dacwadaha u hayeen, kuwaasoo hor dhigay arrimo badan oo keenay in shaqada lagaga eryo garsoorayaashii lagu helay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories