HomeLaba Xildhibaan oo Guurtida ah oo ka Hadlay Xadhiga Salaadiinta iyo Haamaha

Laba Xildhibaan oo Guurtida ah oo ka Hadlay Xadhiga Salaadiinta iyo Haamaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Obsiiye Dheeg

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye “Gacan” iyo Xildibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg oo ka Tirsan golaha guurtida JSL. oo maanta shir jaraa’id ku qabtay golahooda ayaa ka dayriyey si walaac lehna uga hadlay xadhiga salaadiinta iyo arrinta wareejinta haamaha keydka shidaalka.

Xildhibaan Gacan ayaa waxa uu yidhi “ Haamahaa waxa aannu leenahay waa xaaraan wareejintoodu. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninka adhiga lagaga quustay baa geela loo diraa, waar shalayto kuwii haystay ayeynu ka cabaadaynee marka qaar aan fahansanaynba loo dhiibo maxay soo baxaysaa? Haamahaa cidda wareejisa ma ogolin ayidina mayno, shacabkana waxaanu leenahay idinka uun bay dhibaatadu idin qabsanaysaaye ka taxadira”

Xildhibaan Dheeg ayaa isaguna waxa uu sheegay in dadku biri-mageydo leeyahay, Madax dhaqameedkuna ay leeyihiin xasaanad oo aan loo xidhi Karin laba arimood oo keliya mooyee; in uu Somaliland diid noqdo iyo in uu fal dambiyeed dhiig ah faraha kula jiro ama caawinayo.

Isaga oo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada suldaanba gardaro ayaa lagu xidhay, ra’yigooda waxa ay afkaa ka sheegeen oo kaliya ayaa lagu xidhay. Suldaan afkiisa waxa uu ka yidhaahdo lagu xidho afweynaa noogu dambeeyay”

Mar uu Dheeg ka hadlayey haamaha kaydka shidaalka waxa uu yidhi “ Haamaha dawladdaa gacanta ku haysa, dhulkii oo dhana iyadaa gacanta ku haysa. Adigu gacanta ku hay uun baa la leeyahay e waxan ay kala doonayso cid gaar ah waa maxay?”

“Markaan eegay waxa aan is idhi waxa la doonayaa sanadkan iyo googo’an u hadhay dawladda in ay dhawr boqol oo kun oo qof taajirsiiso, oo gaar gaar ah oo ay iyadu si gaar ah dano gaar ah u leedahay” ayuu yidhi xildhibaan Dheeg.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories