HomeLaba Wariye oo maalintii Labaad Wasiirka Arrimaha gudaha u xidhan oo loo...

Laba Wariye oo maalintii Labaad Wasiirka Arrimaha gudaha u xidhan oo loo diiday in la booqdo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 21 February, 2012 (SLpost)- Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal iyo Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo maalintii labaad ku xidhan Xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta loo  jaray xadhig rumaan toddoba maalmood ah.

blankSuxufiyiintan oo Isniintii shalay xabsiga loo taxaabay, ka dib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ciidamada ammaanka amar ku siiyay inay qabtaan iyada oo aan wax waaran ah oo maxkamadeed loo soo jarin.  Isla markaana waxa maanta loo gudbiyay Maxkamadda, taasoo banaysay inay ku xidhnaadaan rumaan toddoba maalmood ah, waxaanay masuuliyiintu amreen inaan haba-yaraatee la arki karin Weriyeyaashan.

Suxufiga Xasan Cumar Xasan waxa uu u xidhan yahay ka dib markii uu Wargeyska Ogaal baahiyey Isniintii war uu  ka soo xigtay Shabakadda Ramaasnews, warkaasoo la xidhiidhay xeebaha galbeedka Somaliland oo beryahaaba la sheegayay in laga cabsi-qabay inay ka soo degaan kooxo Jabhadda ONLF ee dawladda Itoobiya dagaalka kula jira, ka soo degeen Xeebta Buulla-caddo. Hase-yeeshee, maadaama oo uu xidhanyahay masuulkii shabakadda warka laga soo xigtay, waxa loo arkaa in Mr. Xasan Cumar uu xadhigiisu sharci-darro yahay.

Marka laga yimaaddo xadhiga labadan weriye, waxa intii ay Xukuumadda Siilaanyo jirtay xabsiga loo taxaabay weriyeyaal tiro badan oo xadhigoodana aan wax sharci ah loo adeegsan, iyada oo ay ugu dambaysay tallaabo 15-kii January 2012 ay dawladdu hal mar xabsiga dhigtay 22 wariye, kuwaasoo amarka xadhigooda uu bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur).

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories