HomeLaba Qof Oo Ku Dhintay Dil Ka Dhacay Deegaanka Yeyle Sool iyo...

Laba Qof Oo Ku Dhintay Dil Ka Dhacay Deegaanka Yeyle Sool iyo Xog-warranka Maamulka gobolka Sool

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine,ayaa ka hadlay toogasho laba ruux ku dhinteen oo ka dhacday deegaanka Yeyle ee gobolka Sool iyo nabayanta shaqaaqadii beelaha walaalaha ah ku dhex martay Dharkayn Geeye halka ay u marayso.

shiineWaxaa kale oo uu waxba kama jiraan ka dhigay wararka sheegaya in laba beelood dagaal ku dhex maray deegaanka Yeyle, taasoo ay warbaahinta qaar sheegeen in dagaal laba dhinac ahi uu ka dhacay deegaankaas.
Guddoomiyaha Gobolka Sool waxa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN, xalay isagoo ku sugan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Ugu horrayn guddoomiyaha oo aanu waydiinay sida ay wax uga dhaceen deegaanka Yeyle iyo khasaaraha dhimasho ee halkaa ka dhashay waxa uu yidhi “Deegaanka Yeyle waxaa ka dhacday toogasho nin ku kacay,ninkaasina wuxuu toogashada ku dilay laba nin labaduba way dhinteen isagiina ciidanka ayaa ku raad jooga oo markiiba meesha gaadhay markaa intaas ayaa ka dhacday waana laga hawl-galay oo ciidanka qaranka iyo booliskuba way ku baxeen.”

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay siday wax uga jiraan wararka sheegaya in halkaa dagaal laba beelood ahi in uu ka dhacay,waxaanu yidhi “Maya , wax dagaal laba beelood ah oo halkaa ka dhacay ma jiro beelo is dilayna ma jiraan ee nin hubaysan ayaa toogasho gaystay sababtay geerida laba nin waxaanan tacsi u dirayaa ehelada labada Marxuum waxaanan leeyahay samir iyo Iimaan ALLE ha idinka siiyo iyagana ha u naxariisto. waxaa kale oo aan bulshada ku adkaynayaa in ay nabad gelyda ilaashadaan lana shaqeeyaan ciidamamada.”

Guddoomiye Mustafe Shiine oo ka jawaabayay su’aal ahayd shaqaaqadii Dharkayn Geeye beelaha walaalaha ah ku dhex martay nabadayntii ay wadeen halka ay u marayso iyo waxyaabaha u qabsoomay, waxaanu yidhi “Arrintaasi meel wanaagsan ayay maraysaa annaga ka maamul gobol ahaan iyo guddi nabad gelyo ahaanba xilka na saarani wuxuu yahay in aan wax dambe dhicin oo aanu nabad gelyada ilaalino kana shaqayno in aan cid hubaysani deegaanadaa mari karin halkii wax ka dheceen ee Dharkayn geeye oo Laascaanood u jirta 70 KM masaafo dhan iyo deegaamada ku teedsan oo dhan waxaa ku sugan ciidanka Qaranka oo nabad gelyada gacanta ku haya,weftigii wasiirrada ahaana maanta (shalay) ayay naga soo noqdeen labadii beelood ee wax dhex mareenna beel ka mid ahi waxay soo saartay baaq nabadeed oo ay u dhan yihiin beesha Qayaad,beesha kale ee Baharar Same iyaguna kulan ayay isugu imanayaan oo ay ku wada hadlayaan markaa nabaduna way sugan tahay isu keenidooda iyo wada hadalsiintoodana waxaa gudo- gelaya Madaxdhaqameedka iyo Guurtida Somaliland oo dhawaan noo imanaya oo aanu sugayno.”

. “Nabada cidna ka baryi mayno haddii ay dhacdo in cidi diidana ka dawlad ahaan cidda nabadda diida dhan ayaanu ka nahay tallaabana waanu ka qaadaynaa laakiin ma jirto mana aanu arag cid nabad didan imikana waxa kaliyea ee la sugayaa madax dhaqameedkii iyo guurtidii arrinta geli lahayd ee labada dhinac wada hadalka u furi lahayd isuna keeni lahayd,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories