HomeLaba Qodob oo Dastuuri ah: Dowladda iyo Dadweynuhu ma Fuliyeen Waajibka uu...

Laba Qodob oo Dastuuri ah: Dowladda iyo Dadweynuhu ma Fuliyeen Waajibka uu Dastuurku Dusha ka Saaray?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankFaalo: Suxufi Maxamed Cirro

Qodobka 17-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa si cad loogu qeexay inay waajib ku tahay dowladda sidii dalka looga haqab-tiri lahaa qalabka lagaga hortago cudurrada faafa, si dadka muwaadiniinta ah looga ilaaliyo cudurrada iyo xannuunada keeni kara dhibaatooyinka caafimaad-darro ama sababi kara in nolosha dadka muwaadiniinta ah halis gasho. Waxa kaloo uu qodobkaasi dowladda ku waajibinayaa in la helo daawayn lacag la’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud, qodobkaas dastuuriga ahna waxa uu u qoran yahay sidan;

QODOBKA 17-AAD
CAFIMAADKA

1. Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia’aan ah iyo daryeelka fayo-dhawrka guud.
2. Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.

Haddaba, muwaadin maxaa kuu baxay? Waa suurtogal ama waaba xaqiiq in marka aad qodobkaas insha mariso ama aad wada akhrido in aad isweydiiso su’aasha ah; ‘dowladdu ma fulisay qodobkaas dastuuriga ah? Haddii aanay ilaa hadda fulin qodobkaas, maxaa ka hortaagan inay fuliso? Haddii aad hayso dood kale oo arrintaas ka duwan oo ah inay qodobkaas Dowladdu fulisay, waxa ku hortaagan su’aasha ah ilaa intee ama heerkee ayaa la fuliyey waxyaabaha lagu waajibiyey qodobka 17-aad ee dastuurka Somaliland?

Qofka muwaadinka ah, haddii uu ku doodo dowladda waxba kamay fulin qodobkaas ama qayb yar oo aan heerkii loo baahnaa gaadhsiisnayn ayey ka fulisay, arrintu intaas oo qudha kuma dhammaanayso, lagumana go’aan qaadanayo, balse waxa iman kara dood kale oo ay dowladda laftigeedu qabto ama ugu jawaabayso qofkaas muwaadinka ah, iyadoo dawladuna soo xiganayso isla qodob kale oo dastuuri ah.

Dowladdu waxa ay doodeeda ku fadhiisin kartaa qodobka 34-aad ee dastuurka Somaliland, kaasoo isna lagu qeexay waajibaadka laga doonayo qofka muwaadinka ah, waxaannu qodobkaas dastuuriga ahi u dhigan yahay sidan;

QODOBKA 34AAD
WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA
GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.
2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq-dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.
3. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.
4. Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.
5. Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan faqradda l-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad.

blank

Marka ay hadlayaan madaxda qaranka Somaliland ama dowladdu doodayso, waxay inta badan sheegaan in aanay dadka muwaadiniinta ah ka soo bixin waajibaadka saaran oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka qarannimada, difaaca dalka iyo diinta, sidoo kalena aanay muwaadiniintu si fiican ama sidii loogu talogalay u wada bixin cashuuraha ku waajibay, taasina waxay sababaysaa in aanay dowladdu awood dhaqaale u helin xakammaynta cudurrada faafa oo uu ka mid yahay xannuunkan Coronavirus ee albaabada u wada xidhay caalamkii oo dhan.

Xalku waxa uu yahay in dowladda iyo dadweynaha uu mid walba dhankiisa ka soo baxo, isla markaana sida ugu habboon u fuliso waajibaadka saaran, cid walbana si fiican u gudato shaqada loo xilsaaray. Dadweynaha ama muwaadiniinta waxa ku waajib ah inay cashuuraha si fiican u wada bixiyaan, una hoggaansamaan awaamiirta iyo nidaamka dowliga ah, halka dowladdana laga doonayo inay si caddaalad iyo sinnaan ah ugu adeegto bulshada, cashuuraha ay muwaadiniintu bixiyaana si loo maamulo si u adeegaysa horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Dowladdu waa inay kasbato aaminaadda dadka muwaadiniinta ah, la dagaalantu musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo-kiilka. Dowladnimada ama nidaamka dowliga ah waa shay ay wada leeyihiin dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool dalku, mucaarid iyo muxaafidkana si siman oo caddaalad ah ugu wada adeegta.

W/Q: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories