HomeLaba qarax oo Si isdaba jooga ah Maanta loola beegsadey makhaayad...

Laba qarax oo Si isdaba jooga ah Maanta loola beegsadey makhaayad ku taal xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho (SLpost)– Laba qarax oo  waaweyn ayaa ka dhacay maqaayad ku taal xeebta Liido oo lagu magacaabo Indian Ocean iyadoona qaraxyadaasi ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.qarax11

Qaraxyadani ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hore ee maqaayadda halka gaadiidka la dhigto iyo weliba ruux naftii hure ah oo isku qarxiyay gudaha maqaayadda.

Ilaa hadda inta la ogyahay waxaa ku dhintay hal ruux oo qofkii isqarxiyay ah, iyadoona ay dhaawacyo kasoo gaareen ku dhawaad  ilaa todobo qof oo dadkii maqaayadda ku sugnaa ah, kuwaasoo la sheegay in qaar ka mid ah ay dhaawacyadooda halis yihiin.

Taliyaha waaxda danbi baarista ahna afhayeenka ciidamada Booliska Gen. C/laahi Xasan Bariise oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in qaraxu sababay dhaawaca todobo ruux, isagoona intaa ku daray in ruuxa is qarxiyay uu mudo ku sugnaa gudaha maqaayadda islamarkaasina uu dhex meereysanayay, wuxuuna ku eedeeyay shaqaalaha maqaayadda in markii ay shakiyeen ruuxaasi ay ahayd in ay ku wargeliyaan xarunta ugu dhow ee Booliska.

Goobjooge ku sugnaa xeebta liido xilligii ay qaraxyada dhacayeen ayaa Halbeegnews u sheegay in labada qarax ay waxyar kala danbeeyeen, wuxuuna xusay in uu arkayay uuro iyo olol ka baxaya gudaha maqaayadda.

Maalinta Jimcaha ayaa ah maalinta ugu mashquulka badan xeebta Liido, waxaana dadka u damaashaad taga xeebta ay aalaaba fariistaan maqaayadda Indian Ocean oo ah maqaayadda xeebta saaran.

Waa markii labaad oo qarax lala eegto maqaayad ku taal xeebta Liido, iyadoona bartamihii bishii tagtay, qarax kan lamid ah oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga buuxiyay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale, iyadoona sidoo kale ay ku burbureen gaadiid aad u badan.

Dhanka kalena  raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa qaraxaasi ku eedeeyay kooxaha Argagixisada ah “Argagixisadu waxay caadaysatay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna hadda u muuqdaan inay yihiin naf lacaari marba hadii dagaalkoodii ku soo ururay inay dhalinyaro la marin habaabiyey qaraxyo ku soo rakibaan, waxaan u sheegayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed in laga midoobo la dagaalanka Argagaxisad” ayuu yidhi.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories