HomeLaba ka mid ah Urur-siyaasadeedyadii dhawaan lagu dhawaaqay oo isu-bahaystay ka-qaybgalka doorashada...

Laba ka mid ah Urur-siyaasadeedyadii dhawaan lagu dhawaaqay oo isu-bahaystay ka-qaybgalka doorashada Deegaanka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa, (SLpost)- Laba ka mid ah urur-siyaasadeedyada dhawaan dalka lagaga dhawaaqay ayaa si rasmi ah isugu bahaystay inay cududdooda ku mideeyaan sidii ay ugaga qayb gali lahaayeen Doorashada golayaasha deegaanka Somaliland oo la filayo inay bisha April ee sannadka 2012 dalka ka qabsoonto.

Munaasibad loo sameeyey midowga labada Urur ayaa lagaga dhawaaqay in maanta laga bilaabo ururrada RAYS iyo WADAJIR ay u midoobeen midaynta cududda taageerayaashooda, isla markaana  ay jiraan urur-siyaasayeedyo kale oo wadahalo u socdaan si ay cududooda isugu biirin lahaayeen.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Rays Mr. Xasan Maxamed Cali oo halkaas ka hadlay, ayaa ku wargeliyey dadweynaha reer Somaliland iyo taageerayaashoodaba in labada urur ee Rays iyo Wadajir si rasmi ah u midoobeen.

“Waxaannu rabnaa in aanu dadweynaha reer Somaliland gaadhsiino in labada urur ee Rays iyo Wadajir ay midoobeen si ay u xoojiyaan awoodooda ay kaga qaybqaadanayaan doorashadda golayaasha deegaanka, waxaanan taageerayaasha ka dalbanaynaa inay sidaa u ogaadaan oo taageeradooda mideeyaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rays, isaga oo halkaa ka sheegay inay garabka haweenka ee dalka Canada u magacaabeen Layla Maxamed Nuur.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Wadajir Mr. Saleebaan Axmed Guuleed oo sheegay in guddoomiyihii ururkooda Mr. Aadan Cilmi Dhoolayare uu xilligan dalka dibadda kaga maqan yahay, dhawaana soo laaban doono, isaga oo xusay in labada urur muddo ka shaqaynayeen sidii ay u midoobi lahaayeen.

“Munaasibadani waxay ahayd in la mideeyo labada urur ee Rays iyo Wadajir oo in muddo ahba soo socotay, laakiin hadda ayaa si rasmi ah loo caddeeyeey inay midoobeen, waxaana jira ururo kale oo wadahadalo noo socdaan oo la doonayo in la mideeyo, guushuna waxay ku timaad xoogga iyo taageeradda oo la isku daro oo la mideeyo,” ayuu yidhi; Guddoomiye-ku-xigeenka urur-siyaasadeedka Wadajir ee ay midoobeen ururka Rays.

Waxa kale oo iyaguna Raxma Maydal iyo Raxma Xiis Axmed oo ka kala socday garabada haweenka labada urur ee midoobay ee Rays iyo Wadajir, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin, isla markaana soo dhawaynayaan midawga labada urur-siyaasadeed ee Rays iyo Wadajir.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories