HomeLaba Hab; Laba Haad – W/Q: Prof. Cabdisalam Yaasiin

Laba Hab; Laba Haad – W/Q: Prof. Cabdisalam Yaasiin

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Marka aad raad raacdo taariikhda Somaliland ee la xidhiidha gumaysigii Ingriiska, iyo taariikhda Somalia ee la xidhiidha gumaysigii Talyaaniga iyo gumaysigii Ingiriiska, waxad ogaanaysaa in ay lahaayeen lab hab oo kala duwan, mareenna laba haad oo kala duwan.

Waxa xiiso leh in aynu kor ku xusnay “taariikhda Somalia ee la xidhiidha gumaysigii Talyaaniga iyo gumaysigii Ingiriiska!” Dadka inta badan waa la socdaa tarrikhda Somalia ee la xidhiidha gumaysigii Talyaaniga. Hase yeeshee, inta badan dadku kama war hayaan taariikhda Somalia ee la xidhiidha gumaysigii Ingiriiska. Taariikhdaasi, oo soo martay laba xilli  oo kala dambeeyay, xilliga hore ayaynu qormooyinka soo socda wax kaga taaban doonaa.

Hasa yeeshe imika, waxaanaynu qormadan ku koobaynaa habkii iyo haadkii gumaysiga Ingiriiska u maray inuu sameeyo “British Somaliland Protectorate”.

Ingiriisku isaga oo danihiisa ilaashanaya, siiba amniga biyomareenka Badda Cas iyo Marinka Suways, hubinayana in aanu kala go’in hilibka uu Somalilandka helayay ciidankiisa deganaa saldhigga uu Cadan ka sameeyay, ayaa wuxu goostay in uu xukunkiisii gumaysigaa ahaa Somalilandgaadho.

Waxaanuu u maray habkan iyo haadkan. Daba yaaqadii 1884, ka dib markii uu Turkigi Somaliland ka guuray, ayaa Ingiriiski heeshiis isku mid ah, oo la magac baxay “Anglo-Somali Treaty”la galay beelaha Somaliland. Heshiiskaa, oo af Ingiriisi ku qoran, nuxurkiisa waxa ka mid ahaa:

 “Whereas the garrison of His Highness the Khedive are about to be withdrawn from Berbera and Bulhar, and the Somali coast generally, we, the undersigned Elders of the . . . tribe, are desirous of entering into Agreement with the British Government for the maintenance of our independence, the preservation of order, and other good and sufficient reason.” They pledged themselves “. . . never to cede, sell, or mortgage, or otherwise give for occupation, save to the British Government, any portion of the territory presently inhabited by them or being under their control.” (A Modern History of the Somali: The Revised edition, Lewis, 2002)

Haddii inta aynu ka soo qaadnay heshiiskan af Soomaali u bedelno, wuxu leeyahay:

“Mar haddii uu ka kacayo Khideewihii Maamuuska lahaa Berbera iyo Bulhar, iyo guuudahaan xeebaha Somalida, anagu, haddii aanu nahay odayada halkan ku saxeexan ee ka socda beesha   . . . waxanu danaynay in aanu heshiiskan la galo Xukuumadda Ingiriiska si ay u ilaaliso madaxbanaanidayada, u sugto degenaanshaha, iyo danihii kale ee leh wanaag iyo sababo nagu filan.” Waxay goosteen “in aanay siinin, iibin, kiraynin, ama u ogolaanin in ay degto cid aan Xukuumadda Ingiriiska ahayn, dhulka ay deganyihiin ama dhulka ay ka taliyaan.”(A Modern History of the Somali: The Revised Edition, Lewis, 2002).

Habkaa  iyo haadkaas ayuu gumaysigii Ingiriisku  Somalilandku degay uguna bixiyay magaca dalku imika la soo noqday ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo xilligii gumaysiga ahaa British Somaliland Protectrate.

Sida aad aragtaan, heshiiskaasi waa hesheesi midaysan, si cad u qoran, oo markaa noqday heshiis laba dhinca oo caalami ah “an international agreement”. Asaaskii heshiiskaa ayay Somalilandku samaysantay; 76 sanadood ku ahayd dal xuduud caalami ah leh; gobanimadiin ku qaadatay.

Waa kaa habka iyo haadka ay ku unkayntay Somaliland, kuna jirto, kuna jiri doonto, inta Ilaahay dunida iyo wixii dusheeda ku uuman duubayo. Mar kalena meel kale uma socoto.

Waxa kale oo aynu heshiiskan ka dheefaynaa:

  • In odayada bulshada Somaliland dareen sare oo siyaasi ah lahaayeen;
  • In ay si weyn ula socdeen waayaha siyaasiga ah ee xilligaa ku xeeraa;
  • In ay madaxbanaanidooda sugeen, inkasta oo ay si ku meel gaadha ah u hoos geeyeen Xukuumaddii Ingiriiska;
  • In si dedban odayada Somaliland talada iyo maamulka dalka ugu jireen, imikana ugu jiraan;
  • In aan Somaliland ahayn “gobolada waqooyi”, sida ka soo yeedha reer Somalia, ee ay tahay dal taariikh gaar ah iyo jiritaan gaar ah, oo ka duwan ka Somalia, leh;
  • In aanay mar kale madaxbanaanideed cid kale hoos gaynayn.
  • In haddii loo baahdo heshiiskan iyo taariikhda ka abuurantay yihiin marag sugaya madaxbanaanida Somaliland, lana hor dhigi karo maxkamadaha iyo golayaasha caalamiga ah, haddii loo baahdo.

Habka iyo haadka gumaysigii Talyaaniga iyo gumaysigii Ingiriisku ula dhaqmeen Somalia qormada dambe ayaynu, haddii Alla yidhaa, ku muujin, ee la socda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories