Home“LABA-GAR-DAAQ!” - Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim (Qaybta 1aad)

“LABA-GAR-DAAQ!” – Qalinkii Cabdinaasir Axmed Ibraahim (Qaybta 1aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

NasserLaba-gar-daaq Hargeysa ayuu ku dhashay, goor ku aaddan sannaddii 1987-kii. Barbaarnimadiisii, waxbarashadii hoose iyo sare ba, wuxu ku qaatay, isla magaalada Hargeysa; muuqaal ahaan wuxuu u yaal sidan: Waa nin dherer iyo dhumuc Rabbi iskugu daray, midabkiisa oo casaan ah iyo timahiisa oo jilicsan, waxa u raaca qorqornaanta foolkiisa iyo dhoola-caddayn xad-dhaaf ah, hu’qaad samaanta, waxa u weheliya hadal macaanaan. Waa dood yaqaan ay yar tahay in xubinta hadalka uu seegaa. Mararka ay ula muuqato in ay hoostay ama hadal laga helay, wuxuu ka daba geeyaa, qosol bacrimin ku yimid, si uu u majaro habaabiyo qofka la doodaya.

Meertada noloshiisu waa sidan: Aalaa wuxu jecel yahay, shaqooyinka galinka hore ah, galinka dambe iyo habeenkiina haasaawaha haweenka shaqo aan ahayn in uu qabto ma jecla.  Meel laga shaqeeyo oo aan dumar imanna waligii kama shaqayn; wuxuu ugu jecel yahay ka shaqaynta dukaamada haweenku wax ka gataan. Tobankii sanno ee ugu dambeeyay wuxu ka shaqaynayay dukaamo lagu iibiyo dharka,udugga iyo dhaashiga haweenka. Sida darteed, aad ayuu u kala yaqaan guud ahaan agabka haweenka. Wuxuu xeel-dheere ku yahay luuqadda haweenka lugu la hadlo, da’da ay doonaan ba ha ahaadaane, halka hadal looga bilaabo haween aad buu u yaqaan, kushkilad kuma hayso in uu yaqaan iyo in kale, gabadha uu la hadlayaa ma xillaa mise waa inan? Irridaha laga baxo haddii ay ku soo oodanto uu yaqaan. Goor casar gaaban ah ayuu suuqa bas u soo raacaa, isagoo aad u labbisan, caado wuxu u leeyahay marsashada cadar magaciisa la yidhaa (Bravo) oo aad u udgoon, jeebkiisa sare shallo laga ma waayo, inta badanna surwaalka ayuu hoosta kamarsan yahay. Wuxuu jeebka ku soo qaataa, lambarkiisa oo warqad ku qoran, maaha warqad kaliya waa warqado badan oo aad u yaryar. Dhoola-caddaynta iyo il-jabisku waa xirfad uu in badan ku soo caano maalay. Caado uma aha in uu baska kursi la fadhiyo lab, dedig mooyaan’e. Maalinta uu ugu yar yahay waxa uu lambarkiisa siiyaa 8 hablood, waxa aanu lambar ka soo qortaa 5 hablood.

Maqaaxiyaha raggu ku shaahaan wakhti badan iskaga ma lumiyo, qaddar kooban ayuu ku qaataa, galabnimadii  iyo cawaysinkii ba inta badan wuxu socod ku maraa jidka wadnaha ee badhtamaha magaalada Hargeysa dhex mara, jidkaas ayuu shabaggiisa dhigtaa, waxa jidkaa qulqula dad aad u badan.

Laba-gar-daaq wuxu ugu jeclaa, xilliga xagaaga ee magaalada Hargeysa, ay yimaaddaan dadyowga faraha-weyn ee daafaha adduunka ugu ka yimaadda. Mushaharkiisa uu bisha dhan ku shaqeeyo sida uu u dhan yahay, haddii uu gabadh qurbaha ka timid la kulmo uu ku bixiyaa; Gabdhahu waxa ay u kala leeyihiin sirro kala geddisan, tusaale: Gabadha Ameerika iyo Ustareeliya ka yimaadda, wuxu u casho geeyaa Ambassador ama Maansoor, soo dhowayn iyo kalgacal xad-dhaaf ah oo gacan-ku-rimis ah ayuu ku qarqin jiray. Gabdhaha ka yimaadda Yurub iyo Carab wuxu ku casuumi jiray hudheelka Oryantalka, Xaraf iyo Star.Gabadhahan soo-dhowayntooda gaarka ah ayay u lahaayeen,  waxa ay ’se ka sinnaayeen gabdhahan aan kor ku soo xusnay, in uu tilifoonno badan u diro, barqada hore marka uu sidaa u tooso ayuu bilaabi jiray garaacista iyo bariidada gabdhihii Laba-gar-daaq bartay ee Qurbe-joogta ahaa. Sida naxariista badan ee uu gabdhahan ula hadlayo, waxa laga dheehan karaa, gacaltoonyo badan, naxariis,qalbi-furnaan iyo ka warhayn. Gabadha haween ugu ad-adag ee uu usbuuc kaliya, si xidhiidh ah ula hadlaa, waa basteed; intaa wixii ka dambeeya iyada ayaa soo garaacda.

Gabdhaha waddamada jaarka ka yimaadda iyo kuwa dalka, wuxu ula macaamilaa qaab ka duwan, sida kuwaa qurbaha ka yimidday uu ula dhaqmo.Wuxuu gabdhahan ku qarqiyaa farriimo ammaan iyo jeceyl u badan, buuggaag iyo warqado badan oo suugaan jeceyl ah ku qoran yihiin ayuu shandad ku wadan jiray, waana darka uu farriimahan ka soo waraabiyo hablaha. Waxa intaa u dheerayd in tilifoonkiisa gacanta uu ku qorto hal-ku-dhegyo,hal-muceedyo, murti-maanseedyo kalgacal u badan oo uu ka qori jiray shakhsiyaad hal-door ah oo uu dhaqan-aqoolnimo iyo suugaan dhadhyid uu ku tuhmi jiray; shakhsiyaadkani marka uu arrimahan ka warsanayo, waxa ay u haysteen cilmi-baadhe wax ka dersa ammuuraha kalgacalka.Hasa yeeshee, kama war qabin in uu xikmadahan u adeegsanayo (hubka haweenka sida ba’an u halakeeya)

Laba-gar-daaq guriga uu ugu jecel degganaanshihiisu waa makhsin irriddiisu u gaar tahay, oo ay bannaanka xigto, dhowr arrimood ayuu jeceylkiisa makhsinka noocan ahi daaran-yahay, waxa ‘se ugu shilis; In uu habeenkii saqda dhexe ku soo hoydo, isaga oo aan cidna ka xisaabinnayn goorta uu imanayo. Waa arrinta labaad ‘e, in uu makhsinkan keeno gabdhaha faraha weyn ee shabaggiisa, sida xasharaadku dabka ugu soo daatan, ugu soo hoobanaya! Waa tan ugu dambaysa’e,

Laba-gar-daaq wuxu ugu jeclaa, xilliga xagaaga ee magaalada Hargeysa, ay yimaaddaan dadyowga faraha-weyn ee daafaha adduunka ka yimaadda. Mushaharkiisa uu bisha dhan ku shaqeeyo sida uu u dhan yahay, haddii uu gabadh qurbaha ka timid la kulmo uu ku bixiyaa;

Gabdhahu waxa ay u kala leeyihiin sixirro kala geddisan, tusaale: Gabadhaha Ameerika iyo Ustareeliya ka yimaadda, wuxu u casho geeyaa Ambassador ama Maansoor, soo dhowayn iyo kalgacal xad-dhaaf ah oo gacan-ku-rimis ah ayuu ku qarqiyaa.

Gabdhaha ka yimaadda Yurub iyo Carab wuxu ku casuumaa hudheelka Oryantalka, Xaraf iyo Star.

Gabadhahan soo-dhowayntooda gaarka ah ayay u lahaayeen, waxa ay ’se ka sinnaayeen gabdhahan aan kor ku soo xusnay, in uu tilifoonno badan u diro, barqada hore marka uu sidaa u tooso ayuu bilaabi jiray garaacista iyo bariidada gabdhihii Laba-gar-daaq bartay ee Qurbe-joogta ahaa.

Sida naxariista badan ee uu gabdhahan ula hadlayo, waxa laga dheehan karaa, gacaltoonyo badan, naxariis,qalbi-furnaan iyo ka warhayn. Gabadha haween ugu ad-adag ee uu usbuuc kaliya, si xidhiidh ah ula hadlaa, waa basteed; intaa wixii ka dambeeya iyada ayaa soo garaacda.

Gabdhaha waddamada jaarka ka yimaadda iyo kuwa dalka, wuxu ula macaamilaa qaab ka duwan, sida kuwaa qurbaha ka yimidday uu ula dhaqmo.Wuxuu gabdhahan ku qarqiyaa farriimo ammaan iyo jeceyl u badan, buuggaag iyo warqado badan oo suugaan jeceyl ah ku qoran yihiin ayuu shandad ku wadan jiray, waana darka uu farriimahan ka soo waraabiyo hablaha. Waxa intaa u dheerayd in tilifoonkiisa gacanta uu ku qorto hal-ku-dhegyo,hal-muceedyo, murti-maanseedyo kalgacal u badan oo uu ka qori jiray shakhsiyaad hal-door ah oo uu dhaqan-aqoolnimo iyo suugaan dhadhyid uu ku tuhmi jiray; shakhsiyaadkani marka uu arrimahan ka warsanayo, waxa ay u haysteen cilmi-baadhe wax ka dersa ammuuraha kalgacalka.Hasa yeeshee, kama war qabin in uu xikmadahan u adeegsanayo (hubka haweenka sida ba’an u halakeeya)

Laba-gar-daaq guriga uu ugu jecelaa degganaanshihiisu waa makhsin irriddiisu u gaar tahay, oo ay bannaanka xigto, dhowr arrimood ayuu jeceylkiisa makhsinka noocan ahi daaran-yahay, waxa ‘se ugu shilis;

In uu habeenkii saqda dhexe ku soo hoydo, isaga oo aan cidna ka xisaabinnayn goorta uu imanayo.

Waa arrinta labaad ‘e, in uu makhsinkan keeno gabdhaha faraha weyn ee shabaggiisa, sida xasharaadku dabka ugu soo daatan, ugu soo hoobanaya!

Waa tan ugu dambaysa’e, marka la eego dhaqannada laba-gar-daaq reer caadi ah iskuma galayaan. Intaas oo la isku wada geeyay ayaa sal u ah jeceylkiisa makhsin irriddu bannaanka xigto.

Laba-gar-daaq marka uu gabadh sidaa isha ugu dhufto, midabkeeda iyo muuqeeda ayuu ku sarjaraa qorshaha uu ku soo xero galin karo. Qabadh qurux badan bal iyada warkeeda meel dhigoo, ila eeg qorshaha uga yaal dumarka uu arko in aanay qurux badnayd. “Wuxuu hadalka uga bilaabaa, gabdhihii kalsoonida badnaa ee midabkooda aan beddelin, dhulka Soomaaliyeed ba way ka sii dabar-go’yaan, wakhtigan inanta midabkeeda daysata ee aan waxba marsan waa gabadh ay madan tahay in bilad sharaf la guddoonsiiyo si ay hablaha kale ugu daydaan. Anuu in badan ayaan u kuur galay, gabadhi ba haddii ay qurux badan tahay meeshaa caqli ma yaal,xaas na kuuma noqon karto….”

LA SOCO…

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories