HomeLABA DARANLEY (MAANSO)

LABA DARANLEY (MAANSO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank

LABA DARANLEY (Maanso)

Waxaad ku duceysateen,

Wuxuu geystaa ka daran,

Waxaa ka duceysateen.

Intuu daad qaaday shalay,

Ayaa dar Allee ka badan,

Abaartu intay dishee,

Miyaan la dareensanayn.

Weliba aan kuugu daro,

Dorraad ma ahoo qudhee,

Tan iyo dura waa sidaa.

Wixii shalay Dila ka dhacay,

markuu dayrtii dhowayd,

Toggaa Dacar-budhuq ka dhacay?

Miyaanu duqey la tegin?

Hadraawiba daadku sigin?

Haddaan belo idin durreyn,

Ibleyskii idin derderin,

Duruustaa soo marteen,

Maxaa u liqdeen durtaba?

Dushiisa biriish la maro,

Dariiqyo miyaa dhistaan,

Aqoonta daliishataan,

Damiirka adeegsataan,

Dedaal isku biirisaan,

Gacmaa isku duubataan,

Digtooni miyaa gashaan,

Intaa moos dayrataan,

Miyaa dabartaan biyaa,

Miyaa dooxyada xidhaan,

Dabeed dalag beerataan,

Duunyada aad raacaysaan,

Intaa ku dareerisaan,

Barwaaqada daajisaan.

 

Miyaa sahan sii dirtaan,

Hayaankaa doonaysaan,

U sii degel xaadhataan.

Sidii doqontii la yidhi,

Daankay meermeerisaa,

marnaba ka ma durugto qiiq,

Masiibada soo degtaa,

Dadkeennii labada door,

Abaar iyo waa u daad

Siday diinteennu tidhi,

Daruurihii hoori laa,

Cirkii soo di’i lahaa,

Dunuubteennaa xidhee,

Ilaahay nama dulmiyin.

Danbigu wuu badanyahee,

Wixii uu Daayin nacay,

Inaad doontaa ka mida,

Wixii aan daw ahayn,

Inaad dugsataa kamida,

Aqoon-darradaa kamida,

Dedaal-li’idaa ka mida,

Wanaag iyo daacadnimo,

Is-diidsiintaa kamida.

Haddii danta guud la wado,

Maxaa isu duubaysaan,

Markay danta gaara tahay,

Maxaa u dinnaahisaan,

Durbaanka u qaadataan,

 

Markay sheekadu dal tahay,

Maxaa isu diidaysaan?

Markay diinnaarka tahay,

Maxaa isu doonaysaan?

Markay daan daanta tahay,

Maxaa isu dayrisaan?

Markay doonyaysi tahay,

Maxaa isu diirataan?

 

Maxaa deriskii ku neceb,

Walaal uga doorataan?

Dalkeenani waa masnee,

Dad iyo xooloba dhammaan,

Wuxuu idin deeqi laa,

Haddaa ku dartaan aqoon,

Sidii loo degi lahaa.

 

Dayr iyo jiilaal abaar,

Dhirtiyo deegaanka guud,

Waxaa lagu doogsan laa,

Barwaaqo la daaci laa,

Haddaa ku dartaan aqoon,

Sidii loo daaqi laa.

 

Nimcadu way duugantee,

Shiidaalkaa dihin cabdoow,

Wixii dahab iyo macdana,

Waxaa lagu diirsan laa,

Haddaa ku dartaan aqoon,

Sidii loo dooxi laa.

 

Dadkeenna intii xumayd,

Intii aad diideyseen,

Haddii aad doorataan,

Sidee u dawoobaysaan?

 

Kuwaa shalay doorateen,

Haddii ay daalimiin,

Dillaaliin wada noqdeen,

Maxaa u daliishateen,

Inaad dib u doorataan?

Dunidu way horumartee,

Haddii aad daba marteen,

Dambaynta ku faanaysaan,

Dorraato halkii la yiil,

Ayaa degaysaan hadhoow.

Waxaa qaaddeen dariiq,

Dadkii maray uu ku jabay.

 

Waxaan deelkii ku xidhay,

Haddaanay is doorinayn,

Marnaba duul Eebbahay,

Ma dooriyo say yihiin.

 

Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)

Taariikhda curinta: 9/4/2016

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Q

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories