HomeLaba Carruura Oo Isku Yaala Oo Ku Dhashay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Laba Carruura Oo Isku Yaala Oo Ku Dhashay Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ku dhashay laba carruur ah oo mataano ah oo isku dhegan, soona dhashay iyagoo isku yaala.

 

thumbs.php

Labada Carruurta ah oo wadaaga qaybo jidhkooda ka mid ah, waxay  leeyihiin laba madax, laba wadne iyo laba caloolood oo u kala gaar ah.

 

 

Carruurtan oo feedhaha iskaga dhegan iyo qaybo jidhkooda ka mid ah, waxa ay hadda ku jiraan xaalad caafimaad oo wanaagsan.  Dr. Cabdikariim Cawaale Diiriye ayaa sheegay inay carruurtu leeyihiin laba wadne, laba madax, laba sambab, laba kaadi haysood,  laba caloolood iyo kelyo u kala gaar ah.

 

 

Dr. Axmed Cumar Askar, oo ah agaasimaha cisbitaalka Hargeysa ayaa isna telefishanka HCTV u sheegay in carruurtani ku jiraan xaalad degen, waxase uu dalbaday in ciddii caawin karaysaa ay soo caawiso, maadaama oo ay u baahanyihiin caawimo. Agaasimaha oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi “Xaaladahani waxay ka dhacaan mataano ka yimid ukun qudha, markaas halkii ay ka kala bixi lahaayeen ayaa khalqiga Alle sii wada koraan jidhkooduna is galaa, mararka qaarkood waxa laga yaabaa inay xubnaha gudaha wadaagaan marna qaybo gaar ah, mararka qaar garab ayay iskaga xidhmaan, markay sii adagtahay caloosha iyo laabta ayay iskaga xidhmaan. Carruurtani waxay iskaga xidhanyihiin feedhaha iyo uur ku jirta labadaba way iskaga xidhanyihiin, laba madax ayaa jira oo qof waliba wuxuu leeyahay gacan iyo lug u gaar ah, uur ku jirta inta badan way u kala qaybsantahay.”

 

 

Aabaha iyo hooyada carruurtan dhalay ayaa cisbitaalka Hargeysa uga mahadceliyay dedaalka ay ku kala badbaadiyeen hooyada iyo ubadkan mataanaha ah.

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories