HomeLaba Boos-shaqo oo ka bannaan Hay'ad Xukuumadda ka tirsan oo iftiimiyey Baahsanaanta...

Laba Boos-shaqo oo ka bannaan Hay’ad Xukuumadda ka tirsan oo iftiimiyey Baahsanaanta Shaqo la’aanta dalka Ka jirta iyo Guddoomiyaha Ha’adda Shaqaalaha oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa maanta Imtixaan ka qaaday 191 qof oo u tartamaya 2 Boos oo ka bannaan Wasaaradda Qorshaynta Somaliland, kuwaas oo kala ah Xoghaynimo iyo soo dhaweeye (Receptionist), Wasaaraddu ku baahisay warbaahinta dalka.

blankGuddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Nuux Sh. Muuse Ducaale oo warbaahinta u warramay ayaa sheegay inay imtixaan ka qaadayaan 191 dhalinyaro wiilal iyo hablo isugu jira kuwaas oo soo codsaday labada shaqo ka dib markii warbaahinta lagu naadiyey.

“Maanta  waxaan imtixaan ka qaadaynaa 191 qof oo u kala tartamaya Xoghaynimo (Secretary) iyo Soo dhaweynta (Receptionist) oo ay soo codsatay Wasaaradda Qorshayntu, Imtixaanka laguma kala bixi doono nasiib iyo garasho, waxa-se lagu kala bixi doonaa dedaal iyo aqoonta uu qofku wato,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo warbaahinta kula hadlay Xarunta hay’adda shaqaalaha ee magaalada Hargeysa markii ay Imtixaanka u fadhiisanayeen 191-ka qof ee labadaa boos u tartamayaa.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in la arko dadka intan le’eg ee galaya imtixaankan, maaddaama ay tirada u fadhiisanaysaa imtixaanku ka badan tahay tirada loo baahnaa.

Tartankan loo galay labadan boos ee Wasaaradda Qorshaynta ka bannaan ayaa dibedda soo dhigay, isla markaana si fiican u muujiyey heerka shaqo la’aantu ka marayso Somaliland iyo qorshe la’aanta Xukuumadda Madaxwayne Axmed-Siilaanyo oo aan ilaa hadda wax muuqda ka qaban shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Jaamacadaha ka baxday oo buux-dhaafiyey Suuqyada magaalooyinka dalka gaar ahaan goobaha bulshadu ku kulanto.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories