HomeLaba aan is qaban

Laba aan is qaban

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Ummad mustaqbalka dhallinteeda iyo horumarkeeda waxaa go’aamiya oo laga dheehdaa hadba manhajka waxbarasho ee ay u diyaariyeen iyo ujeeddooyinka loo sameeyay manhajkaas. Taasaa keenta in dalkaasi uu gaadho himilada uu hiigsanayo ee uu dejistay ama inuu noqdo dal heehaabaya oo hadba dhinac u lig-liganaya.

 

 

Marka laga hadlayo tayada waxbarashada Somaliland waxaa ugu horeyn ba niyaddaada ku soo dhacaysa; horta Somaliland ma leedahay manhaj u gaar ah? Haddii ay leedahay yaa dejiyay? Cidda dejisay ma tahay cid Somaliland dan ka leh oo u diir-naxaysa? Manhajku ma ka turjumayaa baahida iyo qorshayaasha mustaqbalka ee Somaliland? Taariikhda Somaliland ma ku jirtaa manhajka? Haddii ay ku jirto taariikhdu ma waxay ka soo bilaabmaysaa dib-ula-soo-noqoshadii xornimada Somaliland? Mise intii Ingiriisku ina gumaysan jiray? Haldoorkii Somaliland ma yihiin qaar ku jira laguna xusay doorkii ay ku lahaayeen Somaliland xornimada ka hor iyo ka dib ba? Waa sidee xaaladda dhabta ah ee dugsiyada dawladdu? Mase haystaan cid ka war haysa oo u dedaalaysa sidii ay uga saari lahayd xaaladdan adag, haba yaraado dedaalkooduye? Su’aalahaas iyo kuwa badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin ayaa mashkaxdaada ku soo xoomaya oo aanad jawaab u helayn, cid jawaab shaafiya kaa siisana aanad helayn.

Manhaj-yada lagu isticmaalo Somaliland aad bay u tiro badan yihiin, oo dalal badan oo caalamka ah manhaj ay u diyaariyeen bulshadooda ayaa halkan loogu dhigaa dhallinta Somaliland. Macallimiinta manhajkaas hirgelinaysaana waa macalimiin intooda badani ay ka yimaadeen ama wax ku soo bartay dalalka manhajkaas iska leh, tusaalayaasha ardayda la siinayaana waa tusaalayaal dalalkaas ah.

 

 

Manhajka Somaliland ay isticmaasho waa manhaj ay diyaarisay Hay’ad ka tirsan kuwa Qaramada Midoobay haba la shaqeeyaan aqoonyahanno ka soo jeeda Somaliland, Hay’addu umay diyaarin manhajka Somaliland ee waxay u diyaarisay Dalka Somalia. Inaga waxaa la inooga soo badalaa jaldiga sare ee buugaagta, oo waxaa lagu soo xardhaa, calaamadda qarankeena, Puntland-na sidoo kale jaldiguun baa lagu dhigaa calankeeda iyo calaamaddeeda, koonfurtana waa sidoo kale. Tusaale ahaan marka buugaagta calanka iyo calaamada Somaliland ku yaalaa ay ka dhamaadaan goobaha lagu iibiyo, waxaa la iibiyaa kuwa dalka Somalia.

 

 

Dugsiyada dawladdu waa kuwo dhisme ahaan, caafimaad ahaan iyo agab ahaan ba u liita dugsiyada wax laga barto, waxaa dhigta ardayda qoysaska danyarta ka soo jeeda. Waayo ma awoodaan inay lacag badan ka bixiyaan caruurtooda oo waxay la kacaa-ku-fayaan nolol maalmeedkii. Aad bay u yar tahay qoys ladan oo caruurtoodu ay dhigtaan dugsiyada dawladda waayo meesha waxba laguma hayo. Masuulkasta iyo qofkasta oo awooda inuu caruurtiisa geeyo dugsiyada la isku baadho ee gaarka loo leeyahay kuwaasuu geystaa oo uu ku aaminaa, filayaana inay waxbadan ka soo korodhsanayaa.

 

 

 

Dhaqanka iyo af-soomaaligu waa meelaha aasaasiga ah ee qofka caruurta ah looga bilaabo si aanu ugu milmin dhaqamada iyo afafka qalaad. Dugsiyada gaarka loo leeyahay intooda badan afsoomaaliga laguma dhigo baddalkeedana waxaa loo dhigaa luuqada ingiriisiga. Hadaba maxaa laga filayaa ilmaha isagoo afar jir ah lagu bilaabay af-qalaad, looga sheekeeyay dal aanu garanayn, shakhsiyaad aanu magacoodaba kicin karin, halka lagu ababin lahaa afkiisa hooyo, deegaankiisa, dhirta iyo noocyadeeda, hal-doorka, taariikhsa Somaliland IWM.

 

 

Haddaba dawladdu gaar ahaan wasaaradda waxbarashadu waxaas oo dhan ma dhaadana, qorshe lagaga baxayana ma soo bandhigin, siyaasad cad oo dhallinta maanta loogu carbiyo mustaqbalka dhaw iyo ka dheer na ma diyaarin.
Manhajyadaas faraha badan waxa ka dhashay maxsuulka maanta xalkiisu adagyahay ee ay ka mid yihiin aafooyinka qaran ee maanta dhallinyarada haysata, hadday noqoto, shaqo-la’aanta, tahriibka, qabyaaladda, balwadaha iyo mukhaadaraadka amni xumada, takoorka iyo rajo la’aanta ka muuqata dhallinyarada ee ku sababa inay waxaas oo ficil ah ku kacaan.

Waxaan soo jeedin lahaa si tayo-xumada waxbarashada looga baxo dhawr qodob:

  • In la sameeyo manhaj dalka Somaliland u gaar ah cidkasta oo inaga caawinaysana lagu khasbo inay doonisteena ku diyaariyaan.
  • In samaynta manhaj Somaliland u gaar ah lagu daro taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland u gaar ka ah,
  • In dib u eegid lagu sameeyo dugsiyada dawladda lana xoojiyo, lagana dhigo meel lagu soo hirto,
  • In dugsiyada gaarka loo leeyahay ay qeyb ka ahaadaan kobcinta iyo horumarinta dhaqan iyo afka soomaaliga,
  • Dhiigi-gelinta, wacyi-gelinta iyo ilaalinta deegaanka lagu ababiyo ilmuhu intuu yaryahay.
  • In manhajka lagu daro Maaddo ka hadlaysa waddaniyadda, Xaqqa qofku ku leeyahay waddankiisu iyo xaqqa waddanku ku leeyahay qofka, noqotana maaddo aan ardaygu ka hadhine dugsi hoose ilaa ka sare la socota, so ardayda loogu abuuro, rajo iyo dareen wadaniyadeed.

 

Maxamed Jaamac Meygaag
Action50@gmail.com/
Hargeysa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories