HomeLaascaanood: Wararkii u dambeeyey Meydka Saddex-jir si Axmaqnimo ah loo dilay, Maamul...

Laascaanood: Wararkii u dambeeyey Meydka Saddex-jir si Axmaqnimo ah loo dilay, Maamul Sool iyo Waalidiin ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Subaxnimadii Saaka ka helay Meydka ilmo yar oo saddex sano jir ah, ka dib markii xalayto Qoyskoodu waayey; sida uu sheegay Aabbahad dhalay ilmaha dhalay.

Ilmahan yar ee Meydkeeda la helay oo ah Gabadh, ayaa la sheegay in laga soo qaaday meel aan ka fogeyn Guriga Qoyska ay ka soo jeeddo, waxaana Aabbaha dhalay oo lagu magacaabo Yaxye Muudey Hiiraan Online u sheegay in fiidkii uu u doonay Dawo Gabadha Hooyadeed oo Umul ahayd markii uu soo noqdayna loo sheegay in la la’yahay Gabadha.

ilmoyar “Habeenkii illaa saakay waan Baafinayney, waxaana leyla soo hadlay 9: 30 saaka oo leygu wargeliyey in Gabadhii (Inantaydii yarayd) oo Meyd ah la helay, markii aan tegay goobta waxaan arkay Gabadhii oo qabta dhaawacyo badan oo jidhkeeda ku yaalla.” Sidaa ayuu yidhi Yaxye, waxaanu intaas raaciyay in aanay garaneynin illaa iyo hadda cidfa dishay Inantiisa iyo sababta loo dilay Sabigaa yar toona, sida uu u sheegay Hiiraan online oo aannu Warkan ka soo xigannay.

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Sool Maxamuud Axmed Maxamed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegay in Gabadha la qashay, waxaanu sheegay in Gabadha yar la diley, hasse ahaatee baadhitaan lagu hayo sababta dilkaasi ka danbaysey ama keentay, waxaanu yidhi; “Ciidammada Booliiska iyo Dhakhaatiirta ayaan u daba-fadhinaa in ay caddeeyaan sababta kiiskan keentay, waana sugaynaa inta ay soo caddaynayaan.”

sawirDhacdadan naxdinta leh, ayaa Boqollaal ka tirsan Dadweynaha magaalada Laascaanood markii ay maqleen isugu soo urureen goobtii Meydka laga helay iyo Guriga Qoyska Inantaa yare e la dilay dhalay, iyaga oo ay badi fajac iyo amakaag ku noqotay dilkan lagula kacay ilmaha yare e saddexda sano jirtay, oo ay Dad badani muujiyeen Cabsi ay ka qabaan in falkan oo inta badan noociisu ku cusub yahay Bulshada deegaankaas uu sii fidi karo ama Carruurtoodaba ay u baqayaan oo uu saamayn karo dhaqankan axmaqnimada leh ee Gabadha yar ee Sabiga ama Siqiirka ah lagula kacay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories