HomeLAASCAANOOD: Is-muujintii Taageerayaasha, Farriintii ay xambaarsayd Maalinta 5aad ee Ololaha KULMIYE, Nuxurka...

LAASCAANOOD: Is-muujintii Taageerayaasha, Farriintii ay xambaarsayd Maalinta 5aad ee Ololaha KULMIYE, Nuxurka Khudbaddii Murashax BIIXI iyo Masuuliyiinta {FAAHFAAHIN}

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa isu-soo-bax indhuhu ku daraandareen oo ay ku muujiyeen taageerada KULMIYE kaga qaybgalay ololaha maalinta shanaad ee xisbiga.

FB_IMG_1509704233130Kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada Laascaanood maanta oo uu kala qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin miisaanleh oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Md. Xuseen Aadan Caddi, wasiirro badan, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel iyo madax-dhaqameed, waxa halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.

Wasiirrada Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Caafimaadka Md. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo ka hadlay fagaaraha waxay dadweynaha Gobolka Sool, gaar ahaan kuwa Sool ku ammaaneen siday u muujiyeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE, waxaanay u tilmaameen xidhiidhka iyo abaalka ka dhexeeya gobolka iyo xisbul-xaakimka oo muddadii uu talada hayey wax badan oo wanaagsan ka hirgeliyey.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyey fagaaraha Laascaanood si wayn ugu mahadceliyey kumanaanka taageerayaasha xisbiga ah ee isu soo baxay, waxaannu sheegay inay Sool safka hore kaga jirto deegaannada ku jira qorshe-siyaasadeedka xisbiga ee shanta sanno ee soo socota.

Ugu horreyn, waxa uu ka hadlay dariiqa reer KULMIYE u galaan doorashada iyo sababta xisbigu cod wayn uga doonayo gobolka Sool, waxaannu yidhi, “Haddii aynu KULMIYE nahay innagu doorashada waxaynu ku galaynaa; nabadgalyo, laba waxaynu ku galaynaa midnimada Somaliland, waxaynu ku galaynaa caddaalad iyo sinnaan, waxaynu ku galaynaa horumar dalkeenna ah iyo berri ka wanaagsan maanta iyo mustaqbalka carruurteenna oo aynu dhisno.”

“Haddii aannu KULMIYE nahay waxaannu codka halkan uga doonaynaa KULMIYE iyo xukuumaddiisa Sool iyo Laascaanoodba dhito ayaa u taala, waayo halkan Laascaanood may lahaan jirin waddo laami ah ka hor intii aanay KULMIYE xukuumaddiisu qaban, waxaannu ognahay jaamacadda wixii aannu ka gaysanay, KULMIYE iyo xukuumaddiisu wixii ay nabadgalyada ka qabteen ee ilaa maanta ay heegan u yihiin ayaanu ku doonaynaa codka, ma nihin xisbiyo cusub oo malo-awaal ah oo iminka bar cusub wax ka bilaabaya, walaalayaal annagu waxaannu leenahay wixii hore ee aynu qabanay wixii qabyo ah waxay u qabyoobeen baanu garanaynaa oo waanu qabanaynaa, wixii innaga qalloocsamay waanu toosinaynaa, qorshe dambe oo horumarineed oo midaysana waynu galaynaa,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu xusay qorshayaasha xisbiga KULMIYE ee shanta sanno ee soo socda uga meelyaal gobollada bariga iyo guud ahaan Somaliland.

Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Reer Sool waxaannu ugu baaqaynaa Somaliland mid ah oo la wadaleeyahay oo loo simanyahay oo la wada leeyahay oo mustaqbalka laga wadashaqaysto, horena waanu u soo tijaabinay, shanta sanno ee soo socda qorshaha aannu u haynaa waa kaa, madaxweynihii hore waddada uu jeexay ee horumarka leh ee mustaqbalka leh ayeynu sii wadaynaa.

Dheg u dhigimayno rag iminka weel madhan sita oo waxay ku hadlayaanba yahay waxaannu yeeli doonaa, annagu waxaannu leenahay waxaanu waanu qabanay, waxaanna waanu saxaynaa, qorshahaa cusubna waanu haynaa.”

DAAWO: MUUQAALKA KHUDBADDA IYO QAABKA SOO DHAWAYNTA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories