HomeLaascaanood Oo looga Soo Hanjabay Hargeysa, Jabuuti Iyo Maraykanka

Laascaanood Oo looga Soo Hanjabay Hargeysa, Jabuuti Iyo Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Maleeshiyaadka Huwanta ah ee ka dagaalamaya magaalada Laascaanood oo taageero ka helaya kooxaha argagixisada ah, ayaa maanta ku dhawaaqay hanjabaad daboolka ka qaadday qorsheyaasha ka dambeeya duullaanka haybta ku dhisan ee lagu soo qaaday xarunta gobolka Sool.

Malleeshiyaadka Huwanta ah oo la rumaysan yahay inay duullayaan qorsheyaal wejiyo badan oo ku tamarinaya maalgelin dhaqaale oo ay dibadda ka helayaan, ayaa nidar ku maray inay magaalada Laascaanood ka xoreynayaan Ciidamada Qaranka Somaliland oo toddobaadyadii u dambeeyey dagaallo khasaare sababay ku dhexmareen magaaladaas.

Malleeshiyaadka huwanta ah oo dhowr maalmood oo ku maqnaa dhirbaaxo kulul oo ay kala kulmeen ciidanka Qaranka kaddib markii ay fadhiisimadooda ku weerareen, ayaa maanta weerar tuur-tuuris ah ku qaaday ciiwaanka Qaranka, in kasta oo aanay u badheedhin inay weerar toos ku qaadaan sababo la xidhiidha cabsi ay ka qabaan inay mar kale ciidanka qaranka kala kulmaan dhirbaaxo la mid ah tii toddobaadkii hore soo gaadhay oo ay aanay illaa hadda ka soo kaban.

Qaar ka mid ah malleeshiyaadka oo ka hadlay gudaha magaalada Laascaanood ayaa ku gooddiyey inaanu dagaalkoodu ku koobnaan doonin gobolka Sool, balse ay weerari doonaan magaalooyinka Hargeysa iyo Jabuuti oo ay sheegeen inay xoreyn doonaan.

Hanjabaadda malleeshiyaadka oo dareen ahaan metesha ama la mid ah kuwa kooxaha xagjirka ah, ayaa si toos ah loogu abbaaray dalka aynu deriska nahay ee jabuuti oo ay ku eedeeyeen inuu gacan siiyo wax ay ku tilmaameen cadowga islaamka iyo dhaqdhaqaaqyada islaamig ah ee ka jira Soomaaliya, maadaama weerarrada ay diyaarada Maraykanka ee lagu bartilaameedsado kooxda Alshabaab ka soo kacaan saldhigga Milatari ee Maraykanku ku leeyahay dalka Jabuuti.

Hanjabaaddan oo muujinaysa awoodda kooxaha xagjirka ahi ku leeyihiin gudaha Laascaanood, ayaa sidoo kale soo bandhigaysa damaca kooxaha xagjirka ah iyo sida taliska ciidamada Maraykanka ee Jabuuti bartilmaameedka ugu yahay.

Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka hore ugu soo bandhigtay inay kooxaha Xagjirka ah ee Alshabaab iyo Daacish ku jiraan maleeshiyaadka huwanta ah ee ciidamada Qaranka kula dagaalamaya magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa laba toddobaad ka jor soo bandhigtay shaqsiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaas oo Maxaabiis ahaan loogu soo qab-qabtay dagaalka magaalada Laascaanood ku dhexmaraya ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka huwanta ee isku urursaday magaaladaas.

Muuqaalka Hoose ka daawo maleeshiyaadka huwanta oo Ka Soo Hanjabaya Faras-magaalaha Laascaanood.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories